Ergayga madaxweynaha Jamhuuriyadda Fedaraalka Soomaaliya, u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo booqasho kujooga Magaalads Ottawa ee dalka Canada ayaa la kulmay Wasiirka Horumarinta dalka Canada HoruHarjit Sajjan.
Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa Wasiirka kala hadlay in dawalada Canada ay kordhiso deeqda looga jawaabayo gurmadka abaaraha ka jira Soomaaliya, sido kale Ergayga waxuu ka codsaday Wasiirka sidii Soomaaliya loogu soo jeedin lahaa indhaha beesha caalamka, loona xoojin lahaa gurmadka loo fidinaayo dadka soomaaliyeed ee ay abaaraha ku habsadeen.
Ergayga gaarka ah ee Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa la kulmi doona Madax kale oo katirsan dowladda Canada isaga oo kala hadli doona Arrimaha gurmadka Abaaraha.