Thursday, January 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergayga Q.M ee Bariga dhexe oo ku baaqay in xal loo helo arrimaha ka dhex taagan Falastiin iyo Israa’iil

caqiil by caqiil
2 years ago
in Wararka
0
Ergayga Q.M ee Bariga dhexe oo ku baaqay in xal loo helo arrimaha ka dhex taagan Falastiin iyo Israa’iil
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergayga Qaramada Midoobay ee Bariga Dhexe Tor Wennesland ayaa sheegay in sanadkaan gudahiisa Daanta Galbeed lagu dilay in ka badan 200 oo falastiiniyiin ah iyo ku dhawaad 30 Israa’iiliyiin,kadib weerarro ay Israa’iil ku qaadeen dadka reer Falastiin.

Isu duwaha gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan geeddi-socodka nabadda ee Bariga Dhexe Tor Wennesland, oo la hadlay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay Isniintii ayaa sheegay in rabshadaha sii kordhaya ay sii wiiqayaan rajada mustaqbalka dadka Falastiiniyiinta iyo helitaanka waddan madax-bannaan.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

January 22, 2026
Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026

Ergayga ayaa tilmaamay in is-ballaarinta aan joogsiga lahayn ee deegaamaynta sharci darrada ah ee ay wadaan Israa’iil, burburinta guryaha falastiin iyo hawlgallada ay ciidammada Israa’iil ka wadaan deegaannada la haysto ee Daanta Galbeed ay horseedeen dhimashada iyo dhaawacyada faraha badan eek u habsaday dhinacyadaasi,gar ahaan dadka Falastiin.

Ergayga Bariga Dhexe,waxa uu ku taliyay in wax laga qabto rabshadaha iyo dilalka sii baahaya ee u dhaxeya Falastiin iyo Israa’iil,isagoo dhinaca kale tilmaamay in horumar la’aanta xagga aragtida siyaasadeed ee ku wajahan xalka dhinacyadaasi , ay sababi karaan colaad iyo deganaan la’aan.

Sanadkaan 200 oo falastiiniyiin ah iyo ku dhawaad 30 Israa’iiliyiin ah ayaa lagu dilay Daanta Galbeed ee la haysto,waxaana tirada dhimashada ay ka dhigeysaa mid aad u badan marka loo eego sanadkii hore iyo weliba sanadkii 2005-tii.

 

Previous Post

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka oo sheegay in ay dhowaan soo af-jarayaan Khawaarijta

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeellle oo Shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeellle oo Shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Madaxweynaha Hirshabeellle oo Shir guddoomiyay kulan muhiim ah

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo Qatar kulan kula yeeshay Wasiiru-Dowlaha Arrimaha Gudaha.

January 22, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar,...

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

Wasiirka Ganacsiga XFS oo kulan mira-dhal ah la qaatay Ganacsato

January 21, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dowladda Federaalka Soomaliya, Mudane Jamal Maxamed Xasan ayaa maanta kulan la yeeshay xubno ka tirsan...

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

Somalia Ratifies the IGAD Treaty

January 21, 2026
0

The Federal Republic of Somalia is pleased to announce the ratification of the new Intergovernmental Authority on Development (IGAD) Treaty,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Soomaaliya oo Ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD

January 21, 2026
0

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si rasmi ah u ansixisay Heshiiska Urur-Goboleedka IGAD, iyadoo noqotay dowladdii shanaad ee ansixisa, taas oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In