Saturday, July 25, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga Abaaraha oo ka qeybgalay kulan xal loogu raadinaayo cunta yarida Geeska Afrika 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Ergeyga Abaaraha oo ka qeybgalay kulan xal loogu raadinaayo cunta yarida Geeska Afrika 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame,ayaa ka qeybgalay kulan xal loogu raadinayey halista cunto yarida dalalka ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen ee Geeska Afrika.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee Addis ababa ayay isugu yimaadeen Wasiirrada Beeraha dalalka ay abaaruhu wax-yeellada ba’an u geysteen ee Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Koonfurta Suudaan.

Related posts

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

July 25, 2026
Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026

Shirka oo ay wadajir u marti-galiyeen Midowga Afrika, Hay’adda IFRC, FAO iyo Baanka Horumarinta Afrika, ayaa diiradda lagu saaray xal u raadinta qatarta cunto yarida dalalka afarta ah iyo sidii loo dhisi ahaa mashaariicda adkaysiga iyo soo kabashada bulshada abaaruhu saameeyeen.

Dhinacyadu waxa ay isku raaceen in wadajir looga shaqeeyo xooggana la saaro mashruucyada wax ku oolka ah ee dhisaya adkaysiga, soo kabashada iyo xalka waara.

Malaayiin qof oo ku nool Geeska Afrika ayaa wajahaya cunto yari, xilli gobolku la daalaa-dhacayo mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee soo mara in muddo ah, waxaana u sii dheer colaado iyo xasillooni darro sanado badan jirta.

Previous Post

Bulshada ku nool deegaanka Mirjiicleey oo helay dayactir iyo qodis Ceelbiyoodyo

Next Post

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madax ka socotay UNDP

Next Post
Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madax ka socotay UNDP

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madax ka socotay UNDP

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

Saraakiil Boolis oo shahahaadada Master Degree ka qaatay Ruushka

July 25, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Afar sarkaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa si rasmi ah uga qalinjabiyay Akadeemiyadda Maamulka ee Wasaaradda Arrimaha...

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

Musharrax JSP ee Galmudug oo socdaal ku maraya deegaano ka tirsan Mudug iyo Galgaduud

July 24, 2026
0

Wafdi uu Hoggaaninayo Musharraxa Hoggaamiyaha Galmudug ee Urur Siyaasadeedka JSP Mudane Liibaan Axmed Xasan ayaa socdaal ku maraya deegaano iyo...

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

Dowladda iyo Hey”adda CARE oo ka wada hadlay taageerada qorshaha Qaran

July 24, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Cabdifataax Cabdulqaadir Faarax (Abdifatah Hared), ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha...

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

Wasiirka Waxbarashada XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya

July 24, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee XFS, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In