Saturday, October 24, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga Abaaraha oo ka qeybgalay kulan xal loogu raadinaayo cunta yarida Geeska Afrika 

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Ergeyga Abaaraha oo ka qeybgalay kulan xal loogu raadinaayo cunta yarida Geeska Afrika 
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame,ayaa ka qeybgalay kulan xal loogu raadinayey halista cunto yarida dalalka ay abaaruhu sida ba’an u saameeyeen ee Geeska Afrika.

Kulanka oo ka dhacay xarunta Midowga Afrika ee Addis ababa ayay isugu yimaadeen Wasiirrada Beeraha dalalka ay abaaruhu wax-yeellada ba’an u geysteen ee Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Koonfurta Suudaan.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Shirka oo ay wadajir u marti-galiyeen Midowga Afrika, Hay’adda IFRC, FAO iyo Baanka Horumarinta Afrika, ayaa diiradda lagu saaray xal u raadinta qatarta cunto yarida dalalka afarta ah iyo sidii loo dhisi ahaa mashaariicda adkaysiga iyo soo kabashada bulshada abaaruhu saameeyeen.

Dhinacyadu waxa ay isku raaceen in wadajir looga shaqeeyo xooggana la saaro mashruucyada wax ku oolka ah ee dhisaya adkaysiga, soo kabashada iyo xalka waara.

Malaayiin qof oo ku nool Geeska Afrika ayaa wajahaya cunto yari, xilli gobolku la daalaa-dhacayo mid ka mid ah abaarihii ugu xumaa ee soo mara in muddo ah, waxaana u sii dheer colaado iyo xasillooni darro sanado badan jirta.




 

 

Previous Post

Bulshada ku nool deegaanka Mirjiicleey oo helay dayactir iyo qodis Ceelbiyoodyo

Next Post

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madax ka socotay UNDP

Next Post
Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madax ka socotay UNDP

Guddoomiyaha SoDMA oo kulan la qaatay Madax ka socotay UNDP

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In