Saturday, January 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga Arrimaha Abaaraha Oo Kulan La Qaatay Safiiradda Uk iyo US

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
3 years ago
in Wararka
0
Ergeyga Arrimaha Abaaraha Oo Kulan La Qaatay Safiiradda Uk iyo US
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, u qaabilsan Arrimaha Bani’aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha, Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa maanta kulamo kala duwan la qaatay danjirayaasha Mareykanka iyo UK , Md. Larry E. Andre iyo Marwo Kate Foster.

Ergeyga, ayaa safiiradda la wadaagay marxaladda abaaraha baahsan ee dalka ka jira oo ay ugu dambeeyeen xaaladaha qallafsan ee uu ku soo arkay degaannada uu socdaalka ku tagay. Sidoo kale, wuxuu danjirayaasha ka dhageystay halka ay marayaan dadaallada safaaraduhu wadaan ee lagu garab istaagayo dadka abaaruhu saaameeyeen.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026

Safiirka Maraykanka Larry Andre ayaa Egeyga faahfaahin ka siiyey sida hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee gargaarka la shaqeeya loogu kala qoondeeyay, hab-maamulka deeq dheeraad ah oo gaareysa $476 milyan oo Mareykanku dhawaan ku kordhiyay tirada lacagta guud ee uu ugu deeqay Soomaaliya sanadkaan.

Ergeyga Ayaa yiri : “ waxaan uga mahadcelinayaa dowladda Mareykanka deeqda iyo dadalka is barbar socda oo ay la garab taagan tahay dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen, isagoo ugu baaqay dowladaha kale in ay ku daydaan dowladda Mareykanka, oo ay garagaarka iyo garab istaagga dadka wax-yeeshay abaaurtu xoojiyaan” Ayuu yiri Mudane Xildhibaan Cabdiraxmaan .

Dhanka kale, Ergeygu wuxuu dhinacyada kala hadlay sidii diiradda loo saari lahaa in indhaha caalamka lagu soo jeediyo abaarta daran ee ka taagan Gobolka Geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya, inta lagu guda jiro shirka heerkiisu sarreeyo ah ee looga hadlayo gurmadka abaaraha ee ka dhacaya Qaramada Midoobay.



 

Previous Post

Madaxweyne Dalka Oo Kulan Saagootin Ah La Qaatay Danjiraha Kenya Ee Soomaaliya

Next Post

Golaha Baarlamaanka Galmudug Oo Ansixinta Jadwal-Hawleedka Kalfadhiga 5aad

Next Post
Golaha Baarlamaanka Galmudug Oo Ansixinta Jadwal-Hawleedka Kalfadhiga 5aad

Golaha Baarlamaanka Galmudug Oo Ansixinta Jadwal-Hawleedka Kalfadhiga 5aad

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Dowladda Jamhuuriyadda dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray magaalada Jigjiga

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO(Jigjiga):-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa goordhaw magaalada Jigjiga ka dagay, halkaas oo si diirran uu...

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

Dowladda Soomaaliya oo kaalin weyn ka ciyaartay doorka hoggaaminta fadhiga Golaha Ammaanka ee QM

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda Xamse Aadan, ayaa sheegay tilmaamay in Soomaaliya ay fadhiga Golaha Ammaanka ee...

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

Xafiiska Hantidhowrka Guud oo barnaamijka tababarka Maaliyadda kusoo gabagabeeyay Ankara

January 31, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xafiisyada Hantidhowrka Guud ee JFS iyo Jamhuuriyadda Turkiga ayaa magaalada Ankara si rasmi ah ugu soo gebagabeeyay barnaamijka Tababarka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In