Saturday, April 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga gaarka ah ee arrimaha gurmadka abaaraha oo kulan la qaatay madaxa kooxda agaasimayaasha arrimaha deg-degga ah.

Liibaan Lugcad by Liibaan Lugcad
4 years ago
in Wararka
0
Ergeyga gaarka ah ee arrimaha gurmadka abaaraha oo kulan la qaatay madaxa kooxda agaasimayaasha arrimaha deg-degga ah.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa kulan la qaatay madaxa Kooxda Agaasimayaasha Arrimaha Degdega ah ( Emergency Directors Group) Marwo. Ghada Eltahir Mudawi.

Kulanka ayaa diirrada lagu saaray dardargelinta howlaha gurmadka abaaraha, waxaana sidoo kale kasoo qeybgalay madax sare oo kala socotay hay’addaha UNDP, FAO, UNHCR, WVI, WFP, ICV, iyo OCHA oo ay hoggaamineysay Marwo Ghada Mudawi oo ah madaxa howlagallada OCHA.

Related posts

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

April 11, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026

Md. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa warbixin ka siiyay wafdiga howlaha xafiiskiisa iyo sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay fududeynta iyo iskububbaridka howlaha Gurmadka Abaaraha, isaga oo ugu danbeyn uga mahadceliyay wafdiga booqashada iyo tegitaanka goobaha sida gaarka ah abaauhu u samaayeen taas oo sare u qaadeysa wacyiga bulshadeena Soomaaliyed iyo Beesha Caalamka.

Marwo Ghada, oo hormuud u ahayd wafdigaan ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in la dardar geliyo howlaha Gurmadka Abaaraha sida ugu dhaqsiyaha badan , waxa ay sidoo kale aad uga deyrisay xaaladda dadkii ay kusoo aragtay qaar ka mid ah deegaanadii ay kormeerka ku tagtay.

Ugu danbeyn, Ergeyga iyo wafdiga ayaa isla gartay in wax badan ay qabsoomeen iyagoo dhanka kale isku raacay in baahida weli taagan darteed la joogteeyo dedaallada Gurmadka Abaaraha ee iskugu jira U-qareemidda, fududeyntam iskudubbaridka iyo gaarsiinta gargaarka guud ahaan meelaha ay abaauhu ka jiraan

Previous Post

Ra’iisulwasaare Xamsa oo soo bandhigay waxyaabaha ay mihiimadda siineyso xukuumaddiisa

Next Post

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Qaabilay Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Dallka “SAWIRRO”

Next Post
Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Qaabilay Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Dallka “SAWIRRO”

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Qaabilay Qaar Ka Mid Ah Ganacsatada Dallka "SAWIRRO"

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS oo soo magacawday Guddiga Farsamada ee Dib-u-heshiisiinta KGS

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS ayaa magacowday Guddiga Farsamada ee wada-hadalka iyo dib-u-heshiisiinta Koonfur Galbeed. Guddigan farsamo...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulan la qaatay Isimada Puntland

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan soo dhaweyn ah u sameeyay isimada Puntland, oo ay...

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

Wafdi ka socda Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed oo ka qaybgalay Shirka Arrimaha Bariga Africa

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wafdiga ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed ee ka qeybgalay shirka Arrimaha Bariga Afrika ee ay martigelisay Jaamacadda Yangzhou ayaa...

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

Dowladda Soomaaliya oo dib dalka ugu soo celinaysa 400 Muwaadiniin Soomaaliyeed oo sugan Libya

April 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cali, ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In