Ergayga Gaarka ah ee Arrimaha Soomaaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa maanta xafiikeeda kula kulmay Ku-simaha Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya (SRSG) Marwo Anita Kiki Gbeho, waxaana uu uga mahadcelayay dowrka Xafiiska Qaramada Midoobay ee arrimaha Dowlad dhiska iyo Dib u heshiisiinta Soomaaliya.
Ergeyga Gaarka ah ee Arrimaha Soomaaliland Mudane Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa Kusimaha Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya uga warbixiyay sida ay uga go’an tahay dib u billaabidda iyo dardargalinta wadahadalada Dowladda Fedaralka iyo Somaliland, iyo sidoo kale in Dowlada Soomaaliya ahmiyad gaar ah siineyso wadahadalaasi.
Ku-simaha Wakiilka Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya ayaa u ballanqaaday Ergeyga in ay si dhow ula shaqeyn doonaan, waxaana ay adkeesay sida diyaarka ugu yihiin in ay Soomaaliya garab istaagaan xili kasta iyo goor kasta.