Saturday, September 12, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga gaarka ah ee gurmadka abaaraha oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Canada

Mulki Abdirahim Hassan by Mulki Abdirahim Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Ergeyga gaarka ah ee gurmadka abaaraha oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Canada
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga Gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Cabdiraxmaan Md. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa kulan la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Ottawa ee caasimadda dalka Canada.

Related posts

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026

Kulanka oo ay si weyn uga soo qeyb-galeen qaybaha kala duwan ee bulshada sida; culimada, aqoonyahannada dhallinyarada, haweenka iyo xirfadlayaasha ayuu Ergeygu uga warbixiyay xaaladda dalka, gaar ahaan mushkiladda abaaraha iyo colka argagexisada.

Ergeyga gaarka ah ayaa jaaliyadda Ottawa ku dhiirageliyey in ay si mug leh uga qayb-qaataan gurmadka abaaraha, isla-markaana aysan ka baaqsan ka qeyb-qaadashada dagaalka lagula jiro kooxaha argagexisada.

Ergeygu wuxuu sidoo kale jaaliyadda ku boorriyey in ay dawladda Canada culays ku saaraan in ay kordhiso deeqda gurmadka abaaraha, maadaama Canada tahay dawladda 7-aad ee deeqaha gargaarka bani’aadannimo ee Soomaaliya ku wajahan.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ku sii jeeda magaalada Toronto, halkaasoo uu galabta Jimcaha kula kulmi doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada ugu dadka badan Canada.

Previous Post

Soomaaliya iyo Maraykanka oo kala saxiixday heshiis dhaqaale

Next Post

Duqa Muqdisho oo deeq raashiin ah gaarsiiyay dad barakacayaal ah

Next Post
Duqa Muqdisho oo deeq raashiin ah gaarsiiyay dad barakacayaal ah

Duqa Muqdisho oo deeq raashiin ah gaarsiiyay dad barakacayaal ah

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

Xukunka Askari Jante Dartiis u dilay Muwaadin

September 12, 2026
0

Dable Xoogga Maxamuud Axmed Faarax Kabtan Dhashiike, ayaa Lagu Eedeeyay in uu si kas ah u dilay Marxuum Cabdicasiis Sheekh...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray magaalada Baydhabo

September 12, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed XDS General Sahal Cabdullaahi Cumar oo ay wehliyaan saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS ayaa...

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

Wasaaradda Amniga Galmudug oo daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta iyo wada-shaqaynta guddiyada

September 12, 2026
0

Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa maanta magaalada Gaalkacyo ka daahfurtay tababar lagu kobcinayo aqoonta, xirfadaha iyo wada-shaqaynta guddiyada iskaashiga Booliiska iyo...

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

Soomaaliya iyo Shiinaha oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga lada dal

September 12, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee JFS, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa qaabilay Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In