Thursday, January 8, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga gaarka ah oo booqday Carruur nafaqo darro heyso oo ku jira Isbitaalka Banaadir “SAWIRRO

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Ergeyga gaarka ah oo booqday Carruur nafaqo darro heyso oo ku jira Isbitaalka Banaadir “SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha ayaa u kuur galay xaaladda dad kusoo barakacay Magaalada Muqdisho, balse hadda wajahaya xaalad nafaqo darro ah.

Nafaqo darradan oo ka dhalatay xaaladda abaaraha ka jira dalka, ayaa Carruurtan loo keenay Isbitaalkaa, iyada oo badankooda laga keenay Gobollada dalka kuwaasi oo ay abaaro baahsan ka jiraan.

Related posts

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr. Fartuun Shariif Maxamed, ayaa uga war bixisay Ergeyga baahida xooggan ee ka jirta Isbitaalka ee la xariirta la tacaalidda Carruurta ay saamaysay nafaqo darrada ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, waxay ay sidoo kale Agaasime Fartuun sheegtey in aad loogu baahan yahay in si deg deg ah arrintaan wax looga qabto.

Dadka abaarta ka soo barakacay ayaa ah kuwo nolol ahaan aad u hooseeya oo ay duruuf xooggani ka muuqato, keliya maahan nafaqo darro waxa haya ubadkaasi balse waxaa u wehliya xannuunada faafa, sida jadeecada IWM.

Sababaha ugu badan ee arrintan ayey ku sheegeen dadkaan in aysan helin cunto fiican taas oo sababtay in ay dhaqaale ahaan noloshooda dabbari karayn, oo ay yihiin dad danyar ah oo aan awood u lahayn maaraynta noloshooda iyo ubadkooda.

Agaasime Fartuun ayaa sheegtay in ay hadda Isbitaalka ku sugan yihiin 220 Carruur ah oo ay soo ridatay xaaladda nafaqo darrada ee dalka ka jirta, sidoo kalena ay buuxsameen sariirihii loogu tala galay in la jiifiyo bukaannada waajahaya xaaladda nafaqo darrada ah.

Ugu danbayn, Ergeyga ayaa ugu baaqay hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee gargaarka bani’aadanimo ka shaqeeya in ay gurmad degdeg ah u fidiyaan Caruurta nafaqo darradu hayso iyo waalidiintooda abaartu saamaysay.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Safiirka Jaamacada Carabta u fadhiya Soomaaliya

Next Post

Agaasimaha Tacliinta Sare oo daah furay Kulan socon doono seddex maalin

Next Post
Agaasimaha Tacliinta Sare oo daah furay Kulan socon doono seddex maalin

Agaasimaha Tacliinta Sare oo daah furay Kulan socon doono seddex maalin

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

January 8, 2026
0

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Janaraal Xasan Dhicisow, ayaa gaaray deegaanka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

January 8, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa booqasho kormeer ah ku tagay degmada Matabaan ee...

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

Munaasabad lagu dhiirrigelinayo Saraakiisha amniga KGS oo lagu qabtay Baydhabo.

January 8, 2026
0

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu qabtay munaasabad lagu dhiirrigelinayay saraakiisha booliska...

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

Culimada Soomaaliyeed ee Koonfur Afrika oo Cambaareeyay Faragelinta YH-da ee dalkeenna.

January 8, 2026
0

Culimada Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Koonfur Afrika ayaa si adag u cambaareeyay faragelinta qaawan ee ay YH-da Israa’11l ku...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In