Friday, July 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga gaarka ah oo booqday Carruur nafaqo darro heyso oo ku jira Isbitaalka Banaadir “SAWIRRO

Fardowso Xasan by Fardowso Xasan
4 years ago
in Wararka
0
Ergeyga gaarka ah oo booqday Carruur nafaqo darro heyso oo ku jira Isbitaalka Banaadir “SAWIRRO
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha ayaa u kuur galay xaaladda dad kusoo barakacay Magaalada Muqdisho, balse hadda wajahaya xaalad nafaqo darro ah.

Nafaqo darradan oo ka dhalatay xaaladda abaaraha ka jira dalka, ayaa Carruurtan loo keenay Isbitaalkaa, iyada oo badankooda laga keenay Gobollada dalka kuwaasi oo ay abaaro baahsan ka jiraan.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026

Agaasimaha Isbitaalka Banaadir Dr. Fartuun Shariif Maxamed, ayaa uga war bixisay Ergeyga baahida xooggan ee ka jirta Isbitaalka ee la xariirta la tacaalidda Carruurta ay saamaysay nafaqo darrada ka dhalatay abaaraha ka jira dalka, waxay ay sidoo kale Agaasime Fartuun sheegtey in aad loogu baahan yahay in si deg deg ah arrintaan wax looga qabto.

Dadka abaarta ka soo barakacay ayaa ah kuwo nolol ahaan aad u hooseeya oo ay duruuf xooggani ka muuqato, keliya maahan nafaqo darro waxa haya ubadkaasi balse waxaa u wehliya xannuunada faafa, sida jadeecada IWM.

Sababaha ugu badan ee arrintan ayey ku sheegeen dadkaan in aysan helin cunto fiican taas oo sababtay in ay dhaqaale ahaan noloshooda dabbari karayn, oo ay yihiin dad danyar ah oo aan awood u lahayn maaraynta noloshooda iyo ubadkooda.

Agaasime Fartuun ayaa sheegtay in ay hadda Isbitaalka ku sugan yihiin 220 Carruur ah oo ay soo ridatay xaaladda nafaqo darrada ee dalka ka jirta, sidoo kalena ay buuxsameen sariirihii loogu tala galay in la jiifiyo bukaannada waajahaya xaaladda nafaqo darrada ah.

Ugu danbayn, Ergeyga ayaa ugu baaqay hay’addaha Qaramada Midoobay iyo kuwa kale ee gargaarka bani’aadanimo ka shaqeeya in ay gurmad degdeg ah u fidiyaan Caruurta nafaqo darradu hayso iyo waalidiintooda abaartu saamaysay.

Previous Post

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la kulmay Safiirka Jaamacada Carabta u fadhiya Soomaaliya

Next Post

Agaasimaha Tacliinta Sare oo daah furay Kulan socon doono seddex maalin

Next Post
Agaasimaha Tacliinta Sare oo daah furay Kulan socon doono seddex maalin

Agaasimaha Tacliinta Sare oo daah furay Kulan socon doono seddex maalin

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

Wasiirka Warfaafinta oo ka tacsiyadeeyey geerida fanaan Cigaal

July 31, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda, Mudane Cabdiraxmaan Yuusuf Cumar...

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN  Axmed Cali Cigaal

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo ka tacsiyeeyay geerida AUN Axmed Cali Cigaal

July 31, 2026
0

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, ehelada, bahda...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo ka qeybgalay shirka ka jawaabista saameynta la filayo ee Super El Niño 2026

July 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku matalay shir dhanka Zoomka ah...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO KULAN MIRO DHAL AH LA QAATAY DHIGGIISA DALKA YUGAANDHA

July 30, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa galinkii dambe ee maanta safar shaqo ku gaaray magaalada Kambaala ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In