Saturday, January 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga Madaxweynaha JFS u qaabilsan gurmadka Abaaraha oo ka qeyb galay shir looga hadlayay Abaaraha

caqiil by caqiil
3 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ka qayb galay shir ay si wadajir ah u soo qaban qaabiyeen Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay oo ka dhacay xarunta Jaamacadda Carabta Qaahira ee dalka Masar, kaasoo looga hadlayay Abaaraha, badqabka cuntada iyo u adkaysiga is beddelka cimilada.

Ergeyga oo furitaankii shirka khudbad ka jeediyey ayaa sheegay in dadaalkii Dowladda Soomaaliya ee uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hormuudka u ahaa, deeqihii ka yimid dalalka deeq bixiyayaasha ah iyo ka go’naanshihii hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa maxalliga ah lagaga hor tegey macluul la saadaalinayay in ay dalka ka dhacdo sanadkan.

Related posts

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

January 16, 2026
Somalia Holds High-Level Meeting to Tackle Worsening Drought and Food Insecurity

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo iftiimiyay in qofkasta ay Mas’uuliyad ka saarantahay arrimaha abaaraha

January 16, 2026

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sidoo kale xusay in weli ay halistii taagan tahay, maadaama xilli roobaadkii 5-aad uu ka hooseeyo heerkii la rabay, sanadka soo socdanna aan la hubin gargaarka ka imaanaya dalalka deeqaha bixiya, wuxuuna Dowladaha iyo hay’adaha shirka ka qeyb galay ku boorriyay in ay gurmadka qeyb ka noqdaan.

Ergayga wuxuu kaloo sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay wax ka badan gargaar degdeg ah, taasoo ah in garab lagu siiyo sidii ay uga faa’iidaysan lahayd khayraadka dalka, sida in la helo maalgelinta mashaariic dhisaya u adkaysiga aafooyinka iyo la qabsiga is-beddelka cimilada si looga maarmo ku tiirsanaanta gaargaarka iyo gurmadka bani’aadannimada.

Ergayga gaarka ah ee Madaxweynaha oo qaybaha muhiimka ah ee shirka guddoominayey ayaa Dawladaha Carabta ugu baaqay in ay garab istaagaan Dawladda Soomaaliya si ay uga gudubto caqabadaha hortaagan, awoodna ugu yeelato in ay dadkeeda gagaar iyo gurmad la gaarto, una fuliso mashaariic horumarineed oo dadka wax tar u ah.

Waxaa Ergeyga shirka ku wehliyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Masar ahna wakiilka joogtadda ah ee Ururka Jaamacadda Carabta Danjire Ilyaas Sheekh Cumar, Guddoomiye ku xigeenka Hay’aada Maareynta Musiibooyinka – SoDMA, Axmed Cabdi Aadan iyo saraakiil kale oo ka socday SoDma iyo Wasaaradda Biyaha iyo Tamarta XFS.

Previous Post

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo gaaray Itoobiya

Next Post

Ciidamada Israa’iil oo gudaha u galay magaalada Nablus

Next Post

Ciidamada Israa’iil oo gudaha u galay magaalada Nablus

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

Madaxa SODMA “Maaraynta khataraha masiibooiyinka waa mas’uuliyad qaran oo saran cid kasta”

January 16, 2026
0

Guddoomiyaha hey’adda Maareynta Masiibooyinka Maxamuud Macallin Cabdulle  oo la hadlay warbaahinta qaranka ayaa sheegay in mas’uuliyadda maaraynta khataraha masiiboiyinka aysan...

Somalia Holds High-Level Meeting to Tackle Worsening Drought and Food Insecurity

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo iftiimiyay in qofkasta ay Mas’uuliyad ka saarantahay arrimaha abaaraha

January 16, 2026
0

Guddoomiyaha hey'adda Maareynta Masiibooyinka ayaa sheegay in mas’uuliyadda maaraynta khataraha masiiboiyinka aysan ahayn mid ku kooban hal hay’ad oo keliya...

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo la kulmay xubno ka socday hoggaanka dhaqanka ee Puntlan

January 16, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf Cali-Xoosh ayaa Magaalada Laascaanoon kula kulmay Suldaan Siciid Maxamed...

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

Kulan looga hadlayay ka jawaabidda xaaladda abaaraha oo lagu qabtay xarunra Hay’adda SoDMA

January 15, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Soomaaliyeed mudane Maxamuud Macallin Cabdulle iyo Ku Xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In