Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya oo la kulmay khabiir xuquuqda aadanaha ah

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya oo la kulmay khabiir xuquuqda aadanaha ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira, ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho waxaa uu ku qaabiley khabiir madax banaan ee xuquuqda aadanaha ,Mr. Bahame Tom Nyanduga.

Ambassador Madeira iyo khabiirka madax banaan ee xuquuqda aadanaha ayaa ka wada hadlay arimo badan oo ay kamid tahay howlgalada AMISOM ee ku aadan waajibka ka saaran ilaalinta xeerka caalamig ah iyo  dhowrida xuquuqul insaanka marka ay ku guda jiraan howlgalada amni sugidda ee Soomaaliya.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

Khabiirka madax abaan ee xuquuqda aadanaha ayaa AMISOM ku amray inta ay wadaan howlaha soo celinta nabadda Soomaaliya ay ilaaliyaan waajibaadka ka saaran xaqiijinta xeerka caalamiga ah iyo kan xuquuqul insaanka.

Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in meelaha ciidanka AMISOM iyo kuwo xooga dalka Soomaaliyeed ay ka saareen kooxda Al-shabaab ay fursad u heleen in  ay sameystaan maamulo iyo in ay horumariyaan isla markaana ilaaliyaan xuquuqda aadanaha lana awooday in la gaarsiiyo kaalmada bani’aadanimada.

“Marka aan kaaga warbixino socdaalkaagii 29 May 2015, AMISOM waxaa ay sii waday  in ay tababaro ku saabsan xuquuqda aadanaha siiyo xoogaga kala duwan, si kor loogu qaado ilaalinta xeerka caalamiga ah iyo kan xuquuqul insaanka  marka ay socdaan howlgalada ay sameynayaan AMISOM, ayuu hadalkiisa ku daray.

Ambassador Madeira ayaa sheegay in  la xoojin doono ilaalinta dadka rayidka ah lagana fogaado dhibaatada loo geysanaayo isla markaana la yereeyo khasaaraha soo gaari kara dadka sahcabka ah inta lagu guda jiro howlgalada amni xaqiijinta.

“Kama tagi doono anagoo hal dhagax booskiisa ka dhaqaajinin ilaa la xaqiijiyo in dambiiliyaasha ku xad gudbay xeerka caalamiga ah iyo kan xuquuqul insaanka si buuxda loola xisaabtamaayo.” Ayuu yiri Ambassador Madeira.

Khabiirka madax banaan ee xuquuqul insaanka, Mr. Bahame Nyanduga ayaa waxaa ay u aheyd  booqashadii labaad ee Soomaaliya uu ku yimaado isla markaana uu awood u heley in ay wax ka ogaado halka ay mareyso xaaladda xuquuqda aadanaha  dalka, isagoo la kulmay xubno ka tirsan dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Waxaana la filayaa in waxyaabaha uu Soomaaliya ku arkay uu ka hor jeedin doonn golaha xuquuqda aadanaha marka bisha September ee sanadkan ay ku kulmaan magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

 

Previous Post

Xaflad loo qabtay arday dhameysatay jaamacadaha Pakistan-Sawirro

Next Post

Qaramada midoobay oo guddi u saaraysa musiibadii ka dhacday badda Madateriniyaanka

Next Post
Qaramada midoobay oo guddi u saaraysa musiibadii ka dhacday badda Madateriniyaanka

Qaramada midoobay oo guddi u saaraysa musiibadii ka dhacday badda Madateriniyaanka

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In