Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya oo la kulmay khabiir xuquuqda aadanaha ah

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya oo la kulmay khabiir xuquuqda aadanaha ah
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wakiilka gaarka ah ee midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Ambassador Francisco Madeira, ayaa xafiiskiisa magaalada Muqdisho waxaa uu ku qaabiley khabiir madax banaan ee xuquuqda aadanaha ,Mr. Bahame Tom Nyanduga.

Ambassador Madeira iyo khabiirka madax banaan ee xuquuqda aadanaha ayaa ka wada hadlay arimo badan oo ay kamid tahay howlgalada AMISOM ee ku aadan waajibka ka saaran ilaalinta xeerka caalamig ah iyo  dhowrida xuquuqul insaanka marka ay ku guda jiraan howlgalada amni sugidda ee Soomaaliya.

Related posts

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026

Khabiirka madax abaan ee xuquuqda aadanaha ayaa AMISOM ku amray inta ay wadaan howlaha soo celinta nabadda Soomaaliya ay ilaaliyaan waajibaadka ka saaran xaqiijinta xeerka caalamiga ah iyo kan xuquuqul insaanka.

Wakiilka midowga Afrika ee Soomaaliya ayaa tilmaamay in meelaha ciidanka AMISOM iyo kuwo xooga dalka Soomaaliyeed ay ka saareen kooxda Al-shabaab ay fursad u heleen in  ay sameystaan maamulo iyo in ay horumariyaan isla markaana ilaaliyaan xuquuqda aadanaha lana awooday in la gaarsiiyo kaalmada bani’aadanimada.

“Marka aan kaaga warbixino socdaalkaagii 29 May 2015, AMISOM waxaa ay sii waday  in ay tababaro ku saabsan xuquuqda aadanaha siiyo xoogaga kala duwan, si kor loogu qaado ilaalinta xeerka caalamiga ah iyo kan xuquuqul insaanka  marka ay socdaan howlgalada ay sameynayaan AMISOM, ayuu hadalkiisa ku daray.

Ambassador Madeira ayaa sheegay in  la xoojin doono ilaalinta dadka rayidka ah lagana fogaado dhibaatada loo geysanaayo isla markaana la yereeyo khasaaraha soo gaari kara dadka sahcabka ah inta lagu guda jiro howlgalada amni xaqiijinta.

“Kama tagi doono anagoo hal dhagax booskiisa ka dhaqaajinin ilaa la xaqiijiyo in dambiiliyaasha ku xad gudbay xeerka caalamiga ah iyo kan xuquuqul insaanka si buuxda loola xisaabtamaayo.” Ayuu yiri Ambassador Madeira.

Khabiirka madax banaan ee xuquuqul insaanka, Mr. Bahame Nyanduga ayaa waxaa ay u aheyd  booqashadii labaad ee Soomaaliya uu ku yimaado isla markaana uu awood u heley in ay wax ka ogaado halka ay mareyso xaaladda xuquuqda aadanaha  dalka, isagoo la kulmay xubno ka tirsan dowladda federaalka ee Soomaaliya.

Waxaana la filayaa in waxyaabaha uu Soomaaliya ku arkay uu ka hor jeedin doonn golaha xuquuqda aadanaha marka bisha September ee sanadkan ay ku kulmaan magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Previous Post

Xaflad loo qabtay arday dhameysatay jaamacadaha Pakistan-Sawirro

Next Post

Qaramada midoobay oo guddi u saaraysa musiibadii ka dhacday badda Madateriniyaanka

Next Post
Qaramada midoobay oo guddi u saaraysa musiibadii ka dhacday badda Madateriniyaanka

Qaramada midoobay oo guddi u saaraysa musiibadii ka dhacday badda Madateriniyaanka

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

Ergada Dowladda Soomaaliya ee QM oo kulan casho sharaf ah u sameeyay diblomaasiyiin

January 29, 2026
0

Ergada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa munaasabad casho sharaf ah u qabatay Danjireyaasha iyo Diblomaasiyiinta ka howlgala Xarunta...

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

Muqdisho oo martigelinaysa Shirweynaha Qaran ee kaabayaasha Dijitaalka (DPI).

January 29, 2026
0

Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo kaashanaya hay'adaha kala ah: Bangiga Dhexe ee Soomaaliya (CBS), Hay’adda...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In