Friday, January 30, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Oo u hambalyeeyay hogaamiyaha cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed 

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Beydhabo, 3 December 2014 – Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay caleema-saarka Shariif Xasan Sheekh Aadan loogu caleema-saaray hogaanka Maamulka dhowaan la dhisay ee Kumeel gaarka ee Koonfur Galbeed,  Isagoo ka hadlay  xaflada lagu qabtay magaalada Beydhaba ayuu Kay yiri,

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Shariif Xasan Sheekh Aadan caleema-saarka la caleema saaray, tanina maanta waa talaabo muhiim ah oo horey loogu qaaday xaga dhismaha Soomaaliya ee  federaalka ah, mideysan oo xoog leh sida laga dheehanayo Aragtida 2016”.

Related posts

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026

Waxaan soo dhoweynayaa muhiimada la siiyay ka-wada-qeybgalka iyo dib-u-heshiisiinta dhamaan dadka dega deegaanada maamulkani  waxaana ku boorinayaa dhamaan dadka arrintu khuseyso in ay sii wadaan dadaalladaas.

“Dhisidda maamulkani waxay wadada u sii fureysaa dadaalada lagu dhisayo maamul shaqeeyo oo awood u leh in uu gaarsiiyo bulshada deegaanka adeegyada aadka loogu baahanyahay,” ayuu yiri Necholas Kay. “Waxaan rajeynayaa in la dhiso hay’ado loo wada dhanyahay oo ay qeyb ka yihiin kuna jiraan haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tirada badanyahay,”

Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya  iyo maamul goboleedyada kale ee ku meelgaarka ah waxay leeyihiin dowr muhiim ah oo ay uga qeyb qaataan dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka Kumeelgaarka ah, waxaana kamid ah diyaarinta doorashooyin iyo sameynta nidaam federaal ah, iyo weliba hirgelinta Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya, Waxaan mar kale ku celinayaa ballan qaadka adag ee Qaramada Midoobay ee ku aadan taageerada howlahaan iyo in la caawiyo dhismaha nabada, xasillooni, iyo barwaaqo ay gaarto Soomaaliya iyo gobolka.”

Previous Post

Madaxweyne Xasan oo baaq u jeediyay shacabka iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed “Sawirro”

Next Post

Wasiirada Arrimaha Gudaha Iyo Maaliyada Oo Maanta Baarlamaanka Dalka Hortagay

Next Post

Wasiirada Arrimaha Gudaha Iyo Maaliyada Oo Maanta Baarlamaanka Dalka Hortagay

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

Soomaaliya oo ka Qeyb Galeysa Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka Carabta iyo Hindiya

January 30, 2026
0

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, ayaa maanta gaaray New Delhi,...

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

wafdi ka socda Dowladda Soomaaliya oo shir kaga qayb galay dalka Talyaaniga

January 30, 2026
0

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ka qeyb galay shir caalami ah oo lagu...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda oo War-saxaafadeed soo saaray

January 29, 2026
0

Guddiga Xukuumadda iyo Ururrada Siyaasadda ee ka qeyb qaatay doorashada goleyaasha deegaanka ee Qof iyo Cod ayaa kulankooda maanta ka...

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada oo kulan la yeeshay Ururrada Siyaasadda

January 29, 2026
0

Guddiga Wasiiradda ee XFS ugu xilsaaran wadahadallada ayaa maanta oo taariikhdu tahay Jannaayo 29, 2026 wadatashi layeeshay ururrada siyaasadda. Kulankan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In