Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Oo u hambalyeeyay hogaamiyaha cusub ee Maamulka Koonfur Galbeed 

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Beydhabo, 3 December 2014 – Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay, ayaa soo dhoweeyay caleema-saarka Shariif Xasan Sheekh Aadan loogu caleema-saaray hogaanka Maamulka dhowaan la dhisay ee Kumeel gaarka ee Koonfur Galbeed,  Isagoo ka hadlay  xaflada lagu qabtay magaalada Beydhaba ayuu Kay yiri,

“Waxaan ugu hambalyeynayaa Shariif Xasan Sheekh Aadan caleema-saarka la caleema saaray, tanina maanta waa talaabo muhiim ah oo horey loogu qaaday xaga dhismaha Soomaaliya ee  federaalka ah, mideysan oo xoog leh sida laga dheehanayo Aragtida 2016”.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Waxaan soo dhoweynayaa muhiimada la siiyay ka-wada-qeybgalka iyo dib-u-heshiisiinta dhamaan dadka dega deegaanada maamulkani  waxaana ku boorinayaa dhamaan dadka arrintu khuseyso in ay sii wadaan dadaalladaas.

“Dhisidda maamulkani waxay wadada u sii fureysaa dadaalada lagu dhisayo maamul shaqeeyo oo awood u leh in uu gaarsiiyo bulshada deegaanka adeegyada aadka loogu baahanyahay,” ayuu yiri Necholas Kay. “Waxaan rajeynayaa in la dhiso hay’ado loo wada dhanyahay oo ay qeyb ka yihiin kuna jiraan haweenka, dhalinyarada iyo dadka laga tirada badanyahay,”

Maamulka Koonfur galbeed Soomaaliya  iyo maamul goboleedyada kale ee ku meelgaarka ah waxay leeyihiin dowr muhiim ah oo ay uga qeyb qaataan dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka Kumeelgaarka ah, waxaana kamid ah diyaarinta doorashooyin iyo sameynta nidaam federaal ah, iyo weliba hirgelinta Hiigsiga Cusub ee Soomaaliya, Waxaan mar kale ku celinayaa ballan qaadka adag ee Qaramada Midoobay ee ku aadan taageerada howlahaan iyo in la caawiyo dhismaha nabada, xasillooni, iyo barwaaqo ay gaarto Soomaaliya iyo gobolka.”

Previous Post

Madaxweyne Xasan oo baaq u jeediyay shacabka iyo Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed “Sawirro”

Next Post

Wasiirada Arrimaha Gudaha Iyo Maaliyada Oo Maanta Baarlamaanka Dalka Hortagay

Next Post

Wasiirada Arrimaha Gudaha Iyo Maaliyada Oo Maanta Baarlamaanka Dalka Hortagay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In