Wednesday, May 14, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ergeyga QM ee Soomaaliya oo soo dhoweeyay dadaalada doorashada 2016

caqiil by caqiil
April 20, 2016
in Wararka
0
Ergeyga QM ee Soomaaliya oo soo dhoweeyay dadaalada doorashada 2016
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Kulan gaar ah oo golaha ammaanka ay ku yeesheen xarunta QM ee magaalada New York, ayaa waxaa ay warbixin ka ku saabsan Soomaaliya ka dhageysteen  wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating, isagoo ka hadlay arimaha siyaasadda, ammaanka, dhaqaalaha iyo arimaha bani’aadanimada eek a jira qeybo kamid ah Soomaaliya.

Danjire, Keating, ayaa sheegay in Soomaaliya horumar dhab ah uu ka jira isla markaana madaxda dowladda dhexe, maamul goboleedyada iyo ururada bulshada rayidka ah ay isku waafaqeen nidaamka doorashada sanadkan 2016.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

May 14, 2025
Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

May 14, 2025

Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa sidoo kale sidoo ka hadlay dhismaha dowladda goboleeyada, waxaana uu carabta ku dhuftay in maamul u sameynta  gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha  uu hadda meel wanaagsan uu marayo inkastoo  dib u dhac badan  uu soo maray.

Micheal Keating, ayaa tilmaamay in todobaadkii la soo dhaafay madaxda dowladd federalka iyo kan maamulada ay ku heshiiyeen ahaanka doorasho ee dhamaadka sanadkan ka dhici doonta dalka.

“Waxaa ku baaqayaa in hanaanka doorashada si deg deg ah loo meel mariyo si doorashada ay ugu dhacdo waqtigii loo qorsheeyay, waxaan soo dhaweynayaa niyad samida ay muujiyeen madaxda dalka, sidoo kale rabitaanka golaha ammaanka oo ah in aysan jiri doonin muddo kororsi,” ayuu sheegay Mr Keating.

Danjiraha ayaa sidoo kale xusay in doorashadan ay si weyn ugu duwan tahay tii 2012 maadaama tirada soo xuleysa xubnaha baarlamaanka ay ka badan yihiin sidii kuwii hore.

Wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa khudbadii uu u jeediyay 15 xubnood ee golaha ammaanka waxaa uu sidoo kale uga hadlay dib u eegista dastuurka oo uu sheegay in howshaas ay meel wanaagsan marayso isla markaana qeybtii ugu horeysay la soo bandhigay kadib dib u eegista.

Dhanka amniga ayaa danjiraha waxaa uu ka hadlay duulaankii fashilmay ee dhowaan maleeshiyaadka Al-shabaab ay ku qaadeen deegaano nabdoon oo ka wada tirsan maamulada Puntland iyo Galmudug, isagoo xaqiijiyay in kooxdu khasaare xoogan kala kulantay dagaalkaas.

Waxaana uu amaan u jeediyay ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed iyo kuwo midowga Afraka ee AMISOM dadaalada naf huridda oo ay sameynayaan si nabad loogu soo dabaalo dalka geeska Afrika ku yaala ee Soomaaliya.

“Iskaashiga sadex geesoodka ah oo u dhaxeeya dowladda Federalka, Midowga Africa iyo QM  ayaa ah mid aas aas adag u ah nabaad iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya,”  ayuu yiri mar kale .

“Amniga iyo barwaaqada dalka waxaa ay ku xiran tahay sida awood loogu yeesho in laga maarmo ku tiirsanaanta kaalmi dibadeed iyo in diiradda la saaro asalka dhibaatada sida u nuglaanshaha rabshada argagaxisanimo “, ayuu yiri Mr. Keating .

Istiraajiyadda isfahamka siyaasadda ayaa keeni karta in dalka maalgashiga , shaqo abuurka, ku dhaqanka sharciga iyo in la dhowro xuquuqda aadana, sidoo kalena la helo xoogag awood u leh la dagaalanka wax loogu yeero argagaxisada ayaa kamid ah waxyaabaha loo baahan yahay.

Iyadoo taasina ay ku xiran tahay sida ay ugu go’an tahay madaxda dalka, hogaamiyeyaasha dhaqanka, wadamada dariska ah iyo guud ahaan beesha caalamka.

 

 

 

Previous Post

Golaha ammaanka oo shir gaar ah ka yeeshay Soomaaliya

Next Post

Ragii la sheegay in ay ka Dambeeyay Dil xalay dad shacab ah loogu geestay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Next Post
Ciidamada ammaanka oo howl-gallo ka wada degmooyinka Muqdisho qaarkood

Ragii la sheegay in ay ka Dambeeyay Dil xalay dad shacab ah loogu geestay Muqdisho oo gacanta lagu dhigay

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

Ra’iisul Wasaare Xamse “Waa in talada shacabka loo celiyo si loo helo xasillooni siyaasadeed.”

May 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamse Cabdi Barre, ayaa ku tilmaamay hubanti la’aanta siyaasadeed ee dalka ka jirtay muddo...

Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

Madaxweyne Qoor Qoor “Albaabka Doorashada dadban waa la xiray, talada Shacabka lagu soo celiya.”

May 14, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), ayaa si cad u sheegay in maamulka uu go’aansaday in uu...

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo kulan Muqdisho kula qaatay Safiirka Turkiye   

Wasiirka Kalluumeysiga Soomaaliya oo kulan Muqdisho kula qaatay Safiirka Turkiye   

May 14, 2025
0

Wasiirka Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga Soomaaliya, Mudane Axmed Xasan Aadan, ayaa shir heer sare ah kula qaatay Magaalada Muqdisho Safiirka...

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

Wasiirka Maareeye oo Azerbaijan uga qaybgalaya bandhigga Beeraha

May 14, 2025
0

Wasiirka Beeraha iyo waraabka JFS Xil. Maxamed Cabdi Xayir ( Maareeye) iyo wafdigii uu hogaaminaayay ayaa ka qeyb galay xaflada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In