Sunday, February 1, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faah Faahin Ku Saabsan Qasaaraha Qaraxyo Lala Eegtay Maqaayad Ku Taal Beydhabo

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

in kabadan 10-ruux ayaa ku geeriyootay qaraxyo ismiidaamin ah oo galabta lala eegtay maqaayad ku taala bartamaha magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay oo ay fadhiyeen dadweyne aad u fara badan, halka dhaawacana la soo sheegayo in kor uu  u dhaafay 30-ruux.

Qaraxyadani oo ahaa kuwa naftii halignimo ah ayaa la sheegay qaraxa hore in uu fuliyay dhagar qabe  naftiisa ku halaagay goobtaasi kaddib markii uu shaah dalbaday isagoo dadka ku dhex jira, iyadoo qaraxa labaad oo loo adeegsaday gaari waxyaaba qarxa laga soo buuxiyay isla goobtaasi uu ka dhacay qaraxa xili lagu guda jiray daad gureynta dadka ku waxyeeloobay falkaasi cadowtooyada ah.

Related posts

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026

Wariya madax banana oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay dadka ku dhintay weerarkan ay ku jireen laba wariye oo ka mid ah kuwa ka howlgala Baydhabo, kuwaasi oo kala ahaa Cabdulqaadir Maynot oo ka tirsanaa wariyeyaasha Soomaali Channel Tv, iyo Maxamed Isxaaq Barre, halka ay dhaawacmeen afar wariye oo ka shaqeynayay magaaladaasi kuwaa oo u shaqeynayay warbaahinta gudaha.

Guddoomiyaha gobolka Bay Cabdi Aadan Hoosow oo la hadlay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in xaalada magaalada ay dagantahay ciidamaduna baaritaano ay wadaan ayna ku geeriyoodeen in kabadan 10 ruux oo dad shacab ah kuwaa oo aan waxba galabsan

isbitaalka magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Bay oo la geeyay dadkii ku waxyeeloobay weerarkaasi ka baxsan bini’aadanimada ayaa lagu dabiibayaa, iyadoo dhaqaatiirta isbitaalkaasi ay ku mashquul sanyihiin la tacaalida dadkaasi ku dhaawacmay

Bilowgii sanadkani ayay eheyd markii qarax sidaan oo kale lala eegtay maqaayadani oo ay ku geeriyoodeen in kabadan 20-ruux oo aan waxba galabsan.

Previous Post

War Deg Deg Ah:-Qaraxyo Lala Eegtay Maqaayad Ku Taal Beydhabo

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

Guddoonka Aqalka sare oo go’aanno kasoo saaray xubno ka tirsan Aqalka sare

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Go'aan kasoo baxay xafiiska Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Aqalka Sare, Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa looga joojiyay ka-qeybgalka kulamada...

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

Guddoomiyaha Baarlamaanka oo go’aanno adag ka soo saaray fadhiyada Baarlamaanka

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa soo saaray go’aanno rasmi...

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay in xubno sare oo Khawaarijta ka tirsani codsiyo u soo dirsadeen

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in Khawaarij waaweyn ay si toos ah ula...

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

Ciidamada Booliska Soomaaliyeed oo soo bandhigay dhalinyaro loo soo xiray qalqalgelin amni

February 1, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan saldhigga degmada Hodan, ayaa xiray Mahad Maxamuud Xamarow (Garyaqaan), kaas oo lagu eedeeyay kicin...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In