Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faah-faahin:- Shuban Biyoodka Ka Dilaacay Beledweyne.

admin by admin
7 years ago
in Wararka
0
Faah-faahin:- Shuban Biyoodka Ka Dilaacay Beledweyne.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka ka imaayana magaalada Baledwene ee gobalka Hiiraan oo ka tirsan maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in cudurkii shuban biyoodka ahaa ee deegaanadaas ka dillaacay uu wali taagan yahay heerkiisii, islamarkaana ay goobaha caafimaadka ku yartahay aagabka caafimaad iyo dawooyinka kala duwan ee looga hor tagi karo cudurkaan.

Cudurka ayaa halis ah ku ah dadka tabarta daran ee la daalaa dhacaya nolosha oo ay ka mid yihiin dadka Soomaaliyeed ee soo barakacay  kuna dhaqan deegaanada kala duwan ee Beledweyne laga maamulo.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha caafimaadka ayaa saacadihii lasoo dhaafay sheegay in astaamaha lagu yaqaan shuban biyoodka ay ka mid tahay inuu sii xoogaysto marba marka ka dambaysa.

Laamaha caafimaaadka magaalada Beledweyne ayaa dhankooda dadaal xoogan ugu jira sidii ay u dabiibi lahaayeen dadka uu haleelay shuban biyoodku, balse waxay hoosta ka xariiqeen in goobaha caafimaadka intooda badan ay ku adag tahay inay helaan dawooyinkii kala duwanaa ee u sahlaayay inay ka hor tagaan shuban biyoodkaan.

Cudurkan shuban biyoodka ah ee ka dillaacay Beledweyne ayaa la rumaysan yahay inuu ka dhashay saamayntii ay fatahaadihii ka dhacay gobolkaasi ku yeesheen magaalada beledweyne iyo deegaanada hoos taga.

Zakariye Khaliif Faarax

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post

Wasiirka ganacsiga iyo madaxda Baanka Adduunka oo ka wada hadlay horumarinta ganacsiga Soomaaliya+Sawirro

Next Post
Wasiirka ganacsiga iyo madaxda Baanka Adduunka oo ka wada hadlay horumarinta ganacsiga Soomaaliya+Sawirro

Wasiirka ganacsiga iyo madaxda Baanka Adduunka oo ka wada hadlay horumarinta ganacsiga Soomaaliya+Sawirro

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In