Thursday, September 28, 2023
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faah-faahin:- Shuban Biyoodka Ka Dilaacay Beledweyne.

admin by admin
January 30, 2020
in Wararka
0
Faah-faahin:- Shuban Biyoodka Ka Dilaacay Beledweyne.
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka ka imaayana magaalada Baledwene ee gobalka Hiiraan oo ka tirsan maamul goboleedka Hirshabeelle ayaa sheegaya in cudurkii shuban biyoodka ahaa ee deegaanadaas ka dillaacay uu wali taagan yahay heerkiisii, islamarkaana ay goobaha caafimaadka ku yartahay aagabka caafimaad iyo dawooyinka kala duwan ee looga hor tagi karo cudurkaan.

Cudurka ayaa halis ah ku ah dadka tabarta daran ee la daalaa dhacaya nolosha oo ay ka mid yihiin dadka Soomaaliyeed ee soo barakacay  kuna dhaqan deegaanada kala duwan ee Beledweyne laga maamulo.

Related posts

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

September 27, 2023
Tababaridda Howlwadeennada Hay’adda SoDMA oo laga shiray “SAWIRRO”

Tababaridda Howlwadeennada Hay’adda SoDMA oo laga shiray “SAWIRRO”

September 27, 2023

Maamulka gobolka Hiiraan oo kaashanaya Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha caafimaadka ayaa saacadihii lasoo dhaafay sheegay in astaamaha lagu yaqaan shuban biyoodka ay ka mid tahay inuu sii xoogaysto marba marka ka dambaysa.

Laamaha caafimaaadka magaalada Beledweyne ayaa dhankooda dadaal xoogan ugu jira sidii ay u dabiibi lahaayeen dadka uu haleelay shuban biyoodku, balse waxay hoosta ka xariiqeen in goobaha caafimaadka intooda badan ay ku adag tahay inay helaan dawooyinkii kala duwanaa ee u sahlaayay inay ka hor tagaan shuban biyoodkaan.

Cudurkan shuban biyoodka ah ee ka dillaacay Beledweyne ayaa la rumaysan yahay inuu ka dhashay saamayntii ay fatahaadihii ka dhacay gobolkaasi ku yeesheen magaalada beledweyne iyo deegaanada hoos taga.

Zakariye Khaliif Faarax

Previous Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho.

Next Post

Wasiirka ganacsiga iyo madaxda Baanka Adduunka oo ka wada hadlay horumarinta ganacsiga Soomaaliya+Sawirro

Next Post
Wasiirka ganacsiga iyo madaxda Baanka Adduunka oo ka wada hadlay horumarinta ganacsiga Soomaaliya+Sawirro

Wasiirka ganacsiga iyo madaxda Baanka Adduunka oo ka wada hadlay horumarinta ganacsiga Soomaaliya+Sawirro

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Federal Government of Somalia’s Weekly Briefing

September 27, 2023
0

1- The President of the Federal Republic of Somalia, Mr. Hassan Sheikh Mohamud met in Djibouti with the Minister of...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Akhriso Warbixinta Toddobaadlaha ee Dowladda  Federaalka  Soomaaliya

September 27, 2023
0

1- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Djibouti kula kulmay Wasiirka Difaaca Mareykanka, Lloyd Austin, isla markaana...

Tababaridda Howlwadeennada Hay’adda SoDMA oo laga shiray “SAWIRRO”

Tababaridda Howlwadeennada Hay’adda SoDMA oo laga shiray “SAWIRRO”

September 27, 2023
0

Guddoomiye ku-xigeenka Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Dr Axmed Cabdi Aadan oo ay wehliyaan Agaasimaha Waaxda Tababarada iyo Cilmi-baarista Musiibooyinka iyo...

Taliyaha cusub ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xilka si rasmi ah ula wareegay

Taliyaha cusub ee Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka oo xilka si rasmi ah ula wareegay

September 27, 2023
0

Munaasabad uu xilka kula waregayay Taliyaha cusub ee Ciidanka dhulka Xoogga Dalka Soomaliyeed ayaa ka dhacday Taliska ciidanka dhulka XDS....

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In