Sunday, October 4, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faahfaahin ku saabsan shirka madasha wada tashiga ee maanta ka furmay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Faahfaahin ku saabsan shirka madasha wada tashiga ee maanta ka furmay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirkii koowaad ee golaha lagu magacaabo Madasha Wadatashiga oo lagu sameeyey heshiis ay bishii hore wada gaareen madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Related posts

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q. M

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q. M

October 4, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo horumarinta dalka islamarkaana aan lagu mashquulin muran iyo faro isku taag taag oo dalka dib u dhiga, waxaana wax wanaagsan uu ku tilmaamay in dalka looga tashanayo Aayaha Dalka,  taladana ay Soomaaliya u taalo, inkastoo beesha caalamka uu ku ammaanay dadaallada ay ku bixinayaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo sidii dalka loo horumarin lahaa, waxaana uu ugu baaqay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay isku tanasulaan oo ay ka shaqeeyaan aayaha dalkeena.

C/kariim Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug oo isna ka hadlay Shirka ayaa sheegay in uu rajeynayo in shirkani wax wanaagsan ay ka soo bixaan, maaddaama horumarro kale duwan uu ku tilaabsanayay dalka waqtiyadii ugu dambeeyay.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan sidii dalka loo badbaadin lahaa muhiimadda koowaadna ay siiyaan maslaxadda ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isna hadlay ayaa tilmaamay in dalka horumarro kale duwan uu gaaray,  loona baahanyahay in la sii xoojiyo horumarka, waxaana uu ku baaqay in maskaxda laga saaro kala shaki.

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan “Jawaari” oo isna hadal ka jeediyay  furitaankii shirka wada-tashiga doorashooyinka Somalia ee 2016-ka ayaa ka dhawaajiyay in dalka Dastuur uu leeyahay Protocol dambana aan dalka lagu dhaqi doonin, isagoo hoosta ka xariiqay in waqtigoodu uu dhamaaday saxiixayaal  go’aan ka gaara masiirka dalka Baarlamaankana uu dhabarka u ridan doono wixii ka soo baxa Shirkani.

Madashani oo ay ku jiraan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaaari”, Ra’iisdul Wasaare Cumar Cabdirashiid, wasiirro iyo wakiillo ka socda Maamul Goboleedyada ayaa u xil saaran inay ka soo talo bixiso sida doorasho uga dhici karto Soomaaliya sannadka dambe marka ay dhammaadaan muddada Afarta sano ah ee la doortay dawladda iyo baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Oo Sheegay In Waqtigu Yaryahay Loona Baahanyahay in Aan Lagu Dhumin Is Qab Qabsi

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

Wasiirka Tamarta Galmudug ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta

October 4, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Galmudug, Mudane Abdullaahi Maxamed Daahir, ayaa kulan shaqo la qaatay Madaxa Mashaariicda Tamarta...

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q. M

Guddoomiyaha SoDMA oo qaabilay Ku-xigeenka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Q. M

October 4, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta xarunta Hay’adda ku qaabilay George Conway, Ku-xigeenka...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐱𝐚𝐫𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐤𝐚 𝐣𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐁𝐚𝐧𝐝𝐡𝐢𝐠𝐠𝐚 𝐂𝐚𝐫𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐁𝐚𝐧𝐚𝐚𝐝𝐢𝐫

October 4, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamahuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta xarig-jaray Bandhigga Carwada Ganacsiga Banaadir, oo lagu qabtay...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Tanzania

October 4, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa magaalada Arusha ee dalka Tanzania kulan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In