Thursday, January 29, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faahfaahin ku saabsan shirka madasha wada tashiga ee maanta ka furmay Muqdisho

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Faahfaahin ku saabsan shirka madasha wada tashiga ee maanta ka furmay Muqdisho
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Magaalada Muqdisho waxaa maanta ka furmay shirkii koowaad ee golaha lagu magacaabo Madasha Wadatashiga oo lagu sameeyey heshiis ay bishii hore wada gaareen madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo furay Shirka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo horumarinta dalka islamarkaana aan lagu mashquulin muran iyo faro isku taag taag oo dalka dib u dhiga, waxaana wax wanaagsan uu ku tilmaamay in dalka looga tashanayo Aayaha Dalka,  taladana ay Soomaaliya u taalo, inkastoo beesha caalamka uu ku ammaanay dadaallada ay ku bixinayaan Soomaaliya.

Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo shirka ka hadlay ayaa sheegay in muhiim ay tahay in laga wada shaqeeyo sidii dalka loo horumarin lahaa, waxaana uu ugu baaqay Siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay isku tanasulaan oo ay ka shaqeeyaan aayaha dalkeena.

C/kariim Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamul goboleedka Galmudug oo isna ka hadlay Shirka ayaa sheegay in uu rajeynayo in shirkani wax wanaagsan ay ka soo bixaan, maaddaama horumarro kale duwan uu ku tilaabsanayay dalka waqtiyadii ugu dambeeyay.

Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa ugu baaqay mas’uuliyiinta Soomaaliya in ay ka shaqeeyaan sidii dalka loo badbaadin lahaa muhiimadda koowaadna ay siiyaan maslaxadda ummadda Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan oo isna hadlay ayaa tilmaamay in dalka horumarro kale duwan uu gaaray,  loona baahanyahay in la sii xoojiyo horumarka, waxaana uu ku baaqay in maskaxda laga saaro kala shaki.

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Maxamed Sh. Cismaan “Jawaari” oo isna hadal ka jeediyay  furitaankii shirka wada-tashiga doorashooyinka Somalia ee 2016-ka ayaa ka dhawaajiyay in dalka Dastuur uu leeyahay Protocol dambana aan dalka lagu dhaqi doonin, isagoo hoosta ka xariiqay in waqtigoodu uu dhamaaday saxiixayaal  go’aan ka gaara masiirka dalka Baarlamaankana uu dhabarka u ridan doono wixii ka soo baxa Shirkani.

Madashani oo ay ku jiraan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaaari”, Ra’iisdul Wasaare Cumar Cabdirashiid, wasiirro iyo wakiillo ka socda Maamul Goboleedyada ayaa u xil saaran inay ka soo talo bixiso sida doorasho uga dhici karto Soomaaliya sannadka dambe marka ay dhammaadaan muddada Afarta sano ah ee la doortay dawladda iyo baarlamaanka Soomaaliya.

 

 

 

Previous Post

Madaxweynaha Oo Sheegay In Waqtigu Yaryahay Loona Baahanyahay in Aan Lagu Dhumin Is Qab Qabsi

Next Post

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiir ku-xigeenka Gaadiidka Turkiga

January 28, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa Hoygiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiir...

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga farsamada ee Dowladda iyo Golaha Mustaqbalka oo yeeshay kulan muhiim ah

January 28, 2026
0

Waxaa maanta kulankoodii ugu horreeyey yeeshay labadii guddi farsamo ee kala matalaya Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed....

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha XFS oo kulan la qaatay George Conway

January 28, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali, ayaa kulan la qaatay...

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Kulan la qaatay Wafdi heer sare ah oo ka socday Midowga Yurub.

January 28, 2026
0

Muqdisho, Arbaco, 28 Jannaayo 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In