Saturday, October 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faahfaahinta dabkii suuqa Barakaaraha “SAWIRRO”

caqiil by caqiil
10 years ago
in Wararka
0
Faahfaahinta dabkii suuqa Barakaaraha “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wararka u dambeeyay oo aan ka heleyno suuqa Bakaaraha ayaa sheegaya in dabkii saaka waaberigii hore qabsaday qeybo kamid ah suuqaas uu weli sii hurayo, waxaana daminta dabkaas ku howlan gaadiidka dab-damiska ee gobolka Banaadir iyo kuwo kale oo ay leeyihiin shirkadaha sida gaarka ah loo leeyahay oo ay Hormuud ka midtahay.

Suuqa Khaliifa oo aheyd meeshii markii hore uu dabka kacay ayaa mid kamid ah ganacsatada ku sugan suuqa Bakaaraha waxaa uu Radio Muqdisho u sheegay in gebi ahaanba suuqaas uu baabi’iyay dabka, isla markaana hadda lagu howlan yahay sidii aanu u gaari laheyd qeybaha kale ee suuqa weyn ee Bakaaraha.

Related posts

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026

Ilaa iyo hadda lama soo warinin wax khasaare nafeed oo dabkan ka dhashay, hase ahaatee hanti aad u badan ayaa ku basbeeshay, iyadoo dad badan oo kamid ah ganacsatada Soomaaliyeed oo hantidooda tiilay suuqa dabka uu baabi’iyay ay ku cerytoobeen musiibada ka dhacday suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Wariyaheena Cali Axmed Sheekh oo kamid ah warfidiyeenada suuqa Bakaaraha gaaray ayaa soo sheegaya in meelaha uu dabka baabi’iyay ay kamid tahay; qeybaha lagu iibiyo  maacuunta, bacaadlaha dharka, suuqa sarifka lacagaha qalaad iyo qeybo kale.

Dadweyne oo aad u badan isla markaana ka kala yimid xaafadaha ku dhow dhow suuqa Bakaaraha ayaa gaaray suuqa, kuwaas oo qeyb ka qaadanaya badbaadinta alaabaha yaala meelaha uusan weli dabku gaarin oo laga cabsi qabo in uu ku soo fido.

Wariye Cali Axmed, ayaa sidoo kale sheegay in ku dhowaad 20 gaadiidka dab-damiska ah ay ku howlan yihiin daminta dabka isla markaana inta badan ay ku guuleysteen in ay xakameeyaan dabka.

Ilaa iyo hadda ma cada sababta dhalisay dabkan khasaaraha badan geystay ee xalay goor dambe ka kacay suuqa weyn ee Bakaaraha.

 

Previous Post

Dab xoogan oo ka socdo Suuqa weyn ee Bakaaro.

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qeybgalaya Madasha Al-Calamayn Forum

October 2, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi ballaaran ayaa gaaray magaalada Al-Calamayn ee Jamhuuriyadda Carabta ee Masar....

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

Wasaaradda Gaadiidka Badda Galmudug oo Hawlgal Kormeer iyo Ilaalin Badeed ka Samaysay Biyaha Galmudug

October 2, 2026
0

Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Dowladda Galmudug, oo kaashanaysa Ciidanka Difaaca Badda iyo Ilaalada Xeebaha Soomaaliya, ayaa hawlgal kormeer iyo...

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

Danjiraha dalka Austria oo Booqasho ku timid xarunta Safaaradda Soomaaliya

October 1, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Austria u qaabilsan Kenya una magacaaban dalka Soomaaliya, Marwa Dr. Simone Knapp, ayaa booqasho ku timid Xarunta Safaaradda...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Tanzania

October 1, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray Magaalada Arusha...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In