Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faahfaahinta maamulka cusub ee loo sameeyay degmada Cabuudwaaq. “Digreeto+Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Faahfaahinta maamulka cusub ee loo sameeyay degmada Cabuudwaaq. “Digreeto+Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowlada Galmudug ayaa habeenkii xalay ahaa magacaabay maamul KMG ah oo ay yeelato degmada Caabudwaaq ee waqooyiga gobalka Galgduud.

Munaasabad xalay lagu qabtay degmadaasi kana qeybgaleen madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Wasiirro maamulkaasi ka mid ah, Odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ayaa lagu shaaciyay maamulkaan cusub.

Related posts

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee maamulka Galmudug Jaamac Xasan Salaad ayaa halkaasi ka akhriyay warqaddii magacaabista, waxaana gudoomiye loo magacaabay Mahad Cumar Cilmi.

Maamulkaan ayaa ka kooban 14 xubnood, waxay shaqeyn doonaan muddo 90 cisho ah ama Seddax Bil, waxaana ay ka shaqeyn doonaan sidii loo dhisi lahaa maamul aan KMG ahayn.

Sidoo kale, Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo madasha ka hadlay ayaa rajo ka muujiyay in maamulkaan cusub uu noqdo midkii amniga iyo kala dambeynta degmada soo celiya, kana hirgeliya doorasho dhacda mudadaasi.

Magacaabista taliyaha ciidamada Booliiska ee degmada Caabudwaaq iyo saraakiisha amniga ayaa dib loo dhigay, iyadoo madaxdii halkaasi ku sugneyd ay kula dardaarmeen shacabka Caabudwaaq inay la shaqeeyaan maamulkaan cusub.

Dhanka kale, wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa maanta u ambabaxay degmada Balanballe ee gobalka Galgaduud.

Madaxweyne ku-xigeenka oo socdaalkiia ka hadlay ayaa sheegay inay maamul usoo sameyn doonaan degmada Balanballe maalmaha ay joogaan isla markaana maamulkaasi ka imaan doona la-tashiyo iyo kulamo ay la yeelanayana bulshada degmadaasi ku dhaqan.

Si kastaba ha ahaatee, dowlada Galmudug aya wada howlo baaxad weyn oo maamul loogu dhisayo degmooyinka ka tirsan maamulkaasi, waxaana arrintaasi aad usoo dhaweeyay bulshada reer Galmudug.

unnamed

unnamed (1) unnamed (2) unnamed (3) unnamed (4) unnamed (5) unnamed (6) unnamed (7) unnamed (8) unnamed (9) unnamed (10) unnamed (11) unnamed (12) unnamed (13) unnamed (14) unnamed (15) unnamed (16) unnamed

Previous Post

Marwada Madaxweynaha oo booqatay xarun lagu xanaaneeyo caruurta dib jirka ah

Next Post

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Balan Bale “Sawirro”

Next Post
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Balan Bale “Sawirro”

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo lagu soo dhaweeyay Balan Bale "Sawirro"

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In