Sunday, May 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faa’iidooyinka Shirka Muqdisho ee Kooxda Xariirka Soomaaliya ee O.I.C

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Wararka
0
Faa’iidooyinka Shirka Muqdisho ee Kooxda Xariirka Soomaaliya ee O.I.C
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho waxay marti gelisay Shirka Kooxda Xariirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka oo laga soo saaray war-murtiyeed ugu baaqaya dawladaha xubnaha ka ah OIC in ay dawladda Soomaaliya siiyaan taageero dhinacya badan.

Waa Maxay ururka Iskaashiga Islaamka?

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026

OIC waa Urur dawladeedka Labaad ee ugu wayn dunida marka laga reebo Qaramada Midoobay, waxaana ku midaysan 57 dawladood oo Islaam ah, wuxuuna matalaa dad gaaraya 1.6 Bilyan Muslimiin ah .Waa codka midaysan ee dunida Islaamka, waxaa uu ilaaliyaa danaha muslimiinta iyo nabadda caalamiga ah

Soomaaliya iyo Dawrkii aasaaska OIC

Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya, Aadan Cabduule Cusmaan ayaa 1967, Boqorkii Sucuudiga, Boqor faysal u soo bandhigay fikradda dhismaha urur mideeya Muslimiinta caalamka oo xuquuqdooda u dooda.

Laba sano kadib soo jeedintii Madaxwayne Aadan Cabulle Cusmaan, ayaa Boqorkii dalka Marocco Boqor xasankii 2aad wuxuu Boqor Faysal kala hadlay dhaqan gelinta soo jeedintii madaxwaynihii Soomaaliya, Waxaana OIC lagu aasaasay magaalada Rabat ee dalka  Morocco Sept. 25, 1969, iyada oo laga jawaabayo gubitaankii Yuhuudda ee  Masjidka wayn ee Al-Aqsa.

Maxaan ka naqaan Kooxda Xariirka Soomaaliya?

 Kooxda Xariirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka waxaa la aasaasay sannadkii 2007 si ay ula socaan arrimaha Soomaaliya, horumarrada la gaarana ay u geeyaan shirarka golaha guud ee Iskaashiga Islaamka.

Kooxda Xariirka Soomaaliya waxa ay shirarkooda ku yeelan jireen New York, waxaana tillaabo wnaagsan ah in shirka loo soo wareejiyo gudaha Soomaaliya si ay u ogaadaan xaaladda dhabta ah ee ka jirta Soomaaliya.

Faa’iidada Kulanka O.I.C ee Muqdisho

Soomaaliya waa dal ka soo kabanaya dhibaatooyinkii ka dhashay codalaadihii sokeeye iyo qaran jabkii ku dhacay, waxaana yarayd rajada laga qabay in lagu qabto kulamo caalami ah, maadama ay adkayd in lagu soo dhiirado, waxaana meesha ka baxaya sheegashadii ahayd in aan dalku marti geli karin shir heer caalami ah. Shirku waxa uu horseed u noqonayaa kulamo kale oo heer caalami ah iyo in indhaha caalamka  loogu soo fiiriyo Soomaaliya si ka duwan sidii hore.

Kulanku waxa uu muujiyay in Soomaaliya soo ceshatay kaalintii ay ku lahayd fagaarayaasha  caalamka, ayna ka faa’iidaysanayso fursadda jirta, dawladdu waxa ay ku soo bandhigtay ajandayaasheeda oo ay ka mid yihiin hir-gelinta Doorasho qof iyo cod ah, xasilinta dalka, siyaasadda loo dhanyahay iyo kobcinta dhaqaalaha.

Wasiiru dawlaha arrimaha dibadda Qatar oo ah hoggaanka kooxda xariirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka ayaa kulanka ka sheegay kooxda xariirka Soomaaliya iyo ururka iskaashiga Islaamku ay garab taagan yihiin DFS, dawladda uu wasiirka ka yahayna ay horay mashaariic horumarineed uga bilaawday Soomaaliya.

Waxa uu sidoo kale sheegay wasiiru dowlaha Qatar in OIC ay ilaalinayso midnimada iyo horumarka Soomaaliya, isaga oo caddeeyay in qodobadii ka soo baxay kulankaan lagu soo bandhigayo  Shirka guud ee golaha iskaashiga islaamka.

Marti-gelinta shirar waawayn

Soomaaliya waxa ay horay u marti gelisay shirar kan ka horeeyay sida kan urur gobaleedka IGAD, shirka Midawga Afrika, markaan waxaa lagu qabtay shirka kooxda Xariirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka, waxaana u dhimman uun in Muqdisho lagu qabto shirka golaha wasiirrada OIC oo sannadkiiba mar dhaca iyo shir madaxeedka ururka oo sedaxdii sanbada mar la qabto.

 Shirkaan Muxuu uga duwanyahay kii Midawga Afrika ee Muqdisho lagu qabtay 1974-kii?

Shirka Midawga Afrika waxa uu ahaa shir ay leedahay qaarad kaliya, hase yeeshee shirka Kooxda Xariirka Soomaaliya ee waa heer caalami waxaana kasoo qayb galay wadamo ku yaalla qaarado kala duwan.

OIC waa Cudud dhaqaale oo laga faa’iidayn karo

Wadamada ku jira ururuka iskaashiga islaamka waxa ay haystaan fursad gacansi oo cudud dhaqaale ballaaran ay  ku sameyn karaan, Soomaaliyana waxa ay u baahan tahay in ay ansixiso  sideed sharci si badeecadaheeda ugu iib-gayso wadamada uu ka koobanyahay ururka iskaashiga islaamka

Faa’iidooyin gaar ah

Marka laga soo tago ballan qaadka caawimaadda Soomaaliya, hadana mas’uuliyiinta kulanka ka soo qayb galay waxa ay ka hadleen hannaanka Soomaaliya iyo dalalkoodu wax u wada qabsan karaan si ay uga wada macaashaan, arrintaasina waxa ay Soomaaliya u tahay fursad wanaagsan oo dhaqaalaha dalka lagu kobcin karo.

Cafinta Daymaha

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo furitaankii shirka ka hadlay ayaa ku boorriyay OIC in dawr hoggaamineed ay ka qaadato dadaallada Soomaaliya daynta looga cafinayo.dalalka Islaamka oo bixiya kaalmada ugu badan ee Soomaaliya caalamku siiyo ayaa ah dawladaha Soomaaliya ku leh qayb kamid ah daynta lagu leeyahay, waxa ayna taageerooda wanaagsan ka qayb qaadan kartaa hannaanka cafinta daynta Soomaaliya si dalkeenna ay ugu furmaan albaabadda dhaqaalaha aduunyada.

Maqaamka xafiirka OIC ee Soomaaliya

Maqaamka Xafiiska Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamku ayaa sare loo qaadayaa, waxaana xafiiska oo ka shaqayn jiray isku dubba ridka howlaha bini’aadninimada la gaarsiinayaa heer Diblamaasiyadeed, taas oo ka dhigaysa Xafiiska ugu wayn ee OIC  ay ku leedahay Afrika.

 

Previous Post

Al-Shabaab oo Qafaal iyo Boob daran ku haaya Shacabka degmada Jilib

Next Post

Dowladda Qadar iyo Ururka OIC oo xaqiijiyay iney ka go’an tahay taageerida Soomaaliya

Next Post
Dowladda Qadar iyo Ururka OIC oo xaqiijiyay iney ka go’an tahay taageerida Soomaaliya

Dowladda Qadar iyo Ururka OIC oo xaqiijiyay iney ka go’an tahay taageerida Soomaaliya

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐠𝐠𝐚 𝐬𝐚𝐚𝐫𝐭𝐚𝐲 𝐱𝐨𝐨𝐣𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐚𝐦𝐧𝐢𝐠𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐝𝐢𝐦𝐮𝐪𝐫𝐚𝐚𝐝𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝a

May 10, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb galay munaasabadda xuska Maalinta Yurub (Europe Day)...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya

DAAWO KHUBADDA MADAXWEYNAHA JFS

May 10, 2026
0

Hadal-jeedinta Madaxweynaha JFS Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ee xaaladda guud ee dalka, doorashooyinka qof iyo cod ee sida nabadda ah...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka dalka oo shir guddoomiyay kulan laba geesood u dhexeeyey Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Safiirrada dalalka Midowga Yurub

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:- Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta shir guddoomiyay kulan laba geesood ah...

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

Xildhibaanno heer Federaal ah oo ka codeeyay doorashada Baydhaba

May 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirro ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, xildhibaanno, iyo shacabka ku nool magaalada Baraawe ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In