Dhir (Af-Ingiriis: plant; Af-Carabi: نبات) sidoo kale loo yaqaano Dhirta Cagaaran waa noole ka samaysan unugyo badan oo isku xidhan taasi oo dulsaaran oogada sare ee dhulka. Dhirtu waa kalmada jamcisa dhamaan geedaha noocaydooda kala duwan ee laga helo carada dusheeda, biyaha dhexdooda, buuraha iyo meelo badan oo kala duwan. Waxa jira noocyo badan oo dhirta ah kuwaasi oo lagu qiyaaso in ay ka kooban yihiin ilaa 375,000 oo nooc. Guud ahaan dhirtu waxa ay ka kooban tahay qaar iniinyo leh (Seed plants) iyo qaar aan lahayn, Waxa kale oo ay ka kooban tahay qaar qodax leh iyo qayb aan qodax lahayn haba yaraatee.
Qeybaha rasmiga ah ee dhirtu waa dhirta ubaxa leh (flowering plant), caleen-yare (carnifers), feerno, Lycopodiopsida, jirid-yare, algiya, caleenley iyo shurub. Dhirtu waxay ka mid tahay Nooleha. Sidoo kale, dhirtu waxay leedahay unugyo-dahaadhan (cellwalls) kuwaasi oo u suurta geliya ineey sameeysato cunto ayadoo isticmaaleysa ileyska qoraxda, biyo iyo kaarboon-labo-ogsajiin. Dhirtu waxay manaafacaad iyo faa’iido badan u leedahay dunidanaan ku noolnahay; waxay suurto-gelisaa in hawada ka soo saart kaarboonka isla markaana ku sii deeyso hawada Ogsajiin oo ah mida teegeerta nolosha xayawaanka iyo dadka.
Intaais waxaa dheer in dhirtu soo saarto miro, caleemo, jirid iyo xidido kal duwan taasi oo ay quud iyo cunto ka dhigtaan dhamaan noolaha intiisa kale ee xayawaanka iyo dadku ka midka yihiin. Guud ahaan waxaa jira noocyo badan oo dhir ah; kuwaasi waxaa ka mid ah: beeraha, keymaha, iyo dhuldaaqsiimeedka. Maadaama juqraafiga dhulku kala duwan yahay, meelaha dhirtu ka baxdo aduunyada weey kala duwan tahay. Meelaha qaar waxaa ka baxa kumanaan nooc oo dhir ah, halka deegaanada qaar (sida saxareha ama lamadegaanka) ay ku yar tahay dhirtu. Maadaama noloshu ku tiirsan tahay dhirta waxaa waajib ah in la ilaaliyo jiritaanka, koritaanka iyo caafimaadka dhirta.
Geedku wuxuu u baahan yahay ileys, biyo iyo hawo si uu u samaysto cunto asagoo isticmaalaya Habka Samayska Cuntada.Dhirtu waa noolaha kali ah ee cuntadiisa diyaarsada iyagoo isticmaalaya nidaam loo yaqaano Habka Samayska Cuntada (photosynthesis). Geeduhu waxay u baahan yihiin ileys(inta badan ileyska dabiiciga ah ee qoraxda), biyo ay xididadu ka soo nuugaan dhulka iyo hawo – gaar ahaan kaarboon-labo-ogsaydh (C2O) si uu u samaysto cunto asagoo isticmaalaya Habka Samayska Cuntada. Inta u badan dhirta, habka samayska cuntada ee geedku wuxuu ka dhex dhacaa caleemaha iyo laamaha dhirta, halkaas oo biyaha, awooda ileyska iyo [[kaarboon|kaarboon-labo-ogsaydh]ku ku falgalaan. Isku dhiska halkaas ka dhaca waxaa ka soo baxa Ogsajiin hawo ah oo caleemuhu cirka ku sii daayaan. Taasi oo ah faa’iidada koowaad ee dhirtu u leedahay deegaanka dhulka.
Haddaba maadaama ay Dhirtu ay faaiido badan u leedahay Bini’aadamka, Xoolaha iyo Dhulkaba waxaa loo baahan yahay in la dhowro jiritaankooda, si taasi la isugu baraarujiyo ayaa sanad walba bisha Apriil 17-keeda loo aqonsaday Maalinta dhirta, gaar ahaan Qaranka Soomaaliya waxa uu Maalintaasi u asteeyay maalinta dhir beerista Qaranka Soomaaliyeed, iyadoo munaasbad lagu weyneynayo maalintaasi ayaana lagu qabtay Muqdisho, iyadoo ay soo agaasintay Wasaaradda Xananada Xoolaha dhirta iyo daaqa Xukuumadda Soomaaliya.
Agaasimaha guud ee wasaaradda beeraha iyo agaasimaha guud wasaarada Xanaanada xoolaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay Munaasabadaasi, ayaa sheegay in ay dhiiri galinayaan, islamarkaana ay xoogga saari doonaan beerista dhirta.
Masuuliyiintii goobtaasi ka hadashay waxaa kaloo ka mid ahaa Xil C/fitaax Qaasim oo ka tirsan Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ilaaliyaan dhirta, isaggoo xusay in diinta Islaamka ay ka hadashay dhowrista dhirta, iyadoo Dadkii ka soo qeyb galay Munaasabadda, ayaa ku baaqeen in la joojiyo xaalufinta dhirta, taasi oo keeni harta nabaadguur.
Dhirtu waxay ka mid tahay Khayraadka rabbi uu ku maneystay dadka iyo noolaha kale waxayna u leeyihiin manaafacaad kala duwan oo lawada garanayo balse marka laga yimaado manaafacaadkaasi waxaa jira faa’iidooyin muhiim ah oo ay dhirtu leedahay, kuwaasi oo nolosha u bahantahay, sidaasi awgeed waxaa loo baahan yahay in loo guntado dhowristeeda, waxaana dhihi karaa Dhirtu waa Nolole waa in la dhowraa.
W.D. C/laahi Ruush