Friday, July 4, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

(Faallo)ย Maxaad ka taqaan xuska 20-ka Disember?

admin by admin
December 20, 2019
in Wararka
0
(Faallo)ย Maxaad ka taqaan xuska 20-ka Disember?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025

20-ka disember ,waa astaan ka mid ah maalmaha qaran ee loo dabbaaldego xusuusta dhaxalgalka ah ee umadda,gaar ahaan aasaaska ciidamada Boliiska oo ka mid ah qeybaha ciidamada ee xil iska saaray difaaca dadka iyo dalka,isla markaana door wax ku oolka ah ka soo qaatay miraha xoriyadda ee aan harsaneyno .

Sanadkii 1943-diii ayeey aheyd markii la unkay dhismaha ciidan Boliis ah oo xilligaasi loo arkayey in uu yahay midka ugu faca weyn ,isla markaana lagama maarmaan u ah aasaaska dowlad Soomaaliyeed oo ku soo biirta beesha caalamka.

Inkastoo aasaaska iyo dhismaha ciidamada la bilaabay xilligaasi,haddana waxaa jiray ciidamo Soomaaliyeed oo la soo shaqeeyay gumeysiga Ingiriiska iyo Talyaaniga ee kala qeybsaday geyigga.Tusaale ahaan:-

ย ย Ciidamadii Soomaaliya ee xilligii gumeysiga

Laga soo bilaabo sanadkii 1910-40-kii .waxaa jiray ciidamo Somaaliyeed oo uu aasaasay gumeysigii Ingiriiska,ka dib markii uu qabsaday gobolada Woqooyi ee Soomaaliya,ciidamadaasina waxa ay la howlgaleen kuwii Ingiriiska ee xilligaasi joogay dalalka Kenya,Tansaniya,Yemen iyo dalal kale,iyago soo qabtay shaqooyin ay ka mid yihiin sugidda amniga magaalooyinka,ilaalinta xeebaha iyo xallinta dagaalada iyo khilafaadka soo kala dhexgala beelaha,qaarkoodna waxa ay ka qeybgaleen dagaalkii labaad ee dunida.

Dhanka kale Talyanaaniga oo gumeystay bartamahaha iyo koonfurta Soomaaliya waxa uu sanadihii u dhexeeyay 1909-1940-kii, aasaasay ciidamo Soomaali ah,kuwaas oo ka mid noqday ciidamo gaaraya dhowr iyo labaatan kun oo joogay gudaha dalka,sanadkii 1936-diina ciidankii Soomaalida waxay ka qeybaleen dagaalkii isballaarinta ee Talyaanigu ku qaaday dalka Itoobiya.

Inkasto ciidamo badan oo Soomaali ah oo ka kala socday gobolada woqooyi iyo koonfur ay ka qeybgaleenย dagaalkii 2-aad.,haddana waxaa aasaaska ciidamada Boliiska lagu guuleystay sanadkii 1943-dii kaย dib markii dib loo habeeyay ciidamadii gobolada woqooyi iyo konfur oo xilligasi ay gacanta ku hayeen maamulkii Ingiriiska.

Ciidamada Boliiska Xilligii Xoriyadda

Sanadkii 1950-60- kii dib u dhiska ciidamada Boliiska ayaa mar kale ka bilowday gobolada koonfurta Soomaaliya,ka dib kolkii Qaramada Midoobay ay ogolaatay in muddo 10 sano oo xornimo gaarsiin ah Talyaaniga loo dhiibo maamulka gobolada koonfureed, si dadka Soomaliyeed looga caawiyo barashada maaulka dowladnimo,halka gobolada woqooyi maamulkooda ay sii haayey dowladdi Ingiriiska.

Xoreyntii gobolada koonfureed iyo israaca laba gobol ee woqooyi iyo koonfur,waxaa la sameeyay ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban 3700-askari,isla markaana leh qalab iyo tababar casri ah oo la mid ah kuwa caalamka ee dunida,waxaana lagu kordhiyay kun askari oo Daraawiish ah,iyadoo xlligaasi taliyaha ciidanka Boliiska loo magacaabay Geeneral Maxamed Abshir Muuse Haamaan.

Waxqaadka ciidanka Boliiska

Ciidamada Boliiska Soomaaliyeed oo marna ah hey’adda ugu weyn ee fulinta sharciga madaniga,waxaa ka mid ah waajibaadkiisa

1-la dagaallanka dambiyada

2-la-dagaallanka argagixisada

3-difaaca dalka

4-Sugidda amniga Gudaha dalka

5- Ilaalinta sharciga dalka

Dhismaha Ciidamada

Awooddaย  dheeraadka ah ย ee ay la soo baxeen ciidamadaย  Boliiskaย  dalka Soomaaliya,waxa ay sababeen in la la sameeyo dhismaha hoggaanno badan oo ku yimid dadaallo miro dhal ah,ka dib kolkii ay kordheen aqoonta iyo howlaha kale ee lagama maarmaanka u ah ciidamada Boliiska.

Hoggaamada Ciidamada Boliiska

1-Hoggaanka ย ย Maaliyadda

2-Hoggaanka ย ย Saadka

3-Hoggaanka ย ย Tababarada

4-Hoggaanka ย ย Dab damiska.

5-Hoggaanka ย ย Caafimaadka

6-Hoggaanka ย ย Isgaarsiinta

7-Hoggaanka ย ย Dhismaha

8-Hoggaanka ย ย Gaadiidka

9-Hoggaanka ย ย Nabad-sugidda

10-Hoggaanka ย Ciidanka

11- Hoggaanka Ilaalinta Canshuuraha.

12- Hoggaanka barista dembiyada .

13-Hoggaanka ย Ilaalinta waddooyinka

14-Hoggaanka ย Dib u dhiska ciidanka

Waxaa marag ma doonto ah in ciidamada Boliiska Soomaaliyeed xiliyadii dhexe ee todobaatameeyadii ay la soo bexeen awood lixaad leh oo tiro ahaan iyo tayo ahaanba buuxiyay shuruudaha lagama maarmaanka u ah amniga udaha,hadana guulaha ugu weyn ee la tilmaamo in ay soo hooyeen ciidamada boliiska waxaa ka mid ah qeybtii ay ka qaateen dagaaladii dhacay sanadihii 1964-tii iyo 1977-dii,ee lagu raadinaayey dhulalkii ku maqnaa gacanta gumeysigii shisheeye.

Inkastoo bur-burkii ka dhacay dalka 1991-kii ee ay horseedka ka ahaayeen qaar ka mid ah hoggaamiyiyaasha Soomaalida uu saameyn weyn kuyeeshay ciidamada ,haddana laga soo bilaabo dowladdi Carta ee sanadihii 2000-2004tii, waxaa lagu guuleystay in dib loo uruuriyo ciidamada, isla markaana la howlgaliyo qeybihii iyo talisyadii uu ka koobnaa ,iyadoo lagu kordhiyay ย dhallinyaro ย cusub oo dhiirigeliyay soo celinta amniga iyo kala dambeynta.

Ciidamadu waxa ay dadaal ugu jiraan soo celinta amniga,sidaa daraadeed waxa ay u baahan yihiin in loo howlgalo sidii loo tayeyn lahaa, isla markaana loogu heli lahaa agab ama qalab mileteri oo ay ku hawl galaan iyo in la siiyo tababarro sare loogu qaadayo xirfaddoda shaqo si mustaqbalka dhow ay u hantaan ammaanka guud ee dalka.

Haddaba,ciidamada Boliiska ayaa u dabbaaldegaya xuska sanad guuradii 76-aad ee ka soo wareegatay aasaaskii ciidamadaan ย oo lagu tilmaamo hooyada ugu faca weyn ee dhismaha ciidamada Soomaliya,wana cududda labaad ee ay ku faanaan qeybaha bulshada oo xilligaanย  ku qanacsan qaabka ay u socdaan howlaha ciidamada iyo dadaalada kale ee ay kaga qeybgalayan horumarka dalka.

Xuska sanadguurada 76-aad ayaa ku soo beegmayaย  xilli ay so hagaageyso xaaladda dalka,gaar ahaan dhinaca ammaanka ,waxaana tallooyin badan oo madaxda dowladd ay siiyeen ciidamada ay ku soo biyo shubanayaan in ciidamadu ay laba jibaaraan howlaha gurmadka ah ee ay u hayaan umadda,gaar ahaan soo celinta nabadgelyada dalka.

Ugu dambeyntii saraakiisha,saraakiil xigeenada,alifleyda ,dableyda iyo guud ahaan xaasaska ciidamada Boliiska meel kasta oo ay joogaan waxaan u rajeyneynaa ย in sanadkaan kiisa kale ay ku gaaraan horumar iyo barwaaqo.

W/qoray Shire Xasan kulmiye

Previous Post

Halkee ayay maraysaa soo xulista xubnaha Baarlamaanka Galmudug.? “SAWIRO”

Next Post

Ciidanka xoogga Dalka oo 15 Al-Shabaab ahaa ku dilay Jubbada hoose

Next Post
Ciidanka xoogga Dalka oo 15 Al-Shabaab ahaa ku dilay Jubbada hoose

Ciidanka xoogga Dalka oo 15 Al-Shabaab ahaa ku dilay Jubbada hoose

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

๐‘๐š’๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ๐ฅ ๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐ž ๐—๐š๐ฆ๐ฌ๐š “๐‚๐ข๐ข๐๐š๐ง๐ค๐š ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š ๐๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐ ๐ฐ๐š๐ฑ๐š๐š ๐š๐ฒ ๐ฅ๐š๐Ÿ-๐๐ก๐š๐›๐š๐ซ ๐ฎ ๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐จ๐ฐ๐ฅ๐š๐๐ง๐ข๐ฆ๐จ ๐ฑ๐จ๐จ๐ ๐ ๐š๐ง.”

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa tababar u soo xiray saraakiil, saraakiil-xigeenno iyo cutubyo ka...

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

Duqa Muqdisho oo la kulmay madaxda UNOPS si loo dardargeliyo dib-u-dhiska waddooyinka

July 3, 2025
0

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay madaxda ugu sarreysa heyโ€™adda...

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo noqday qofkii uga horreeyay ee ka qaata kaarka Codeynta KGS

July 3, 2025
0

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa ka qeyb-galay munaasabadda daah-furka ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee deegaanada...

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

Raโ€™iisul Wasaare Xamsa oo xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden u qaabilsan Soomaaliya

July 3, 2025
0

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan sagootin ah xafiiskiisa kula qaatay Danjiraha dowladda Sweden...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In