Saturday, November 8, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

FAALLO:- Muhiimad intee la eg ayay leeyihiin qodobadii shirkii Baydhabo?

caqiil by caqiil
7 years ago
in Wararka
0
FAALLO:- Muhiimad intee la eg ayay leeyihiin qodobadii shirkii Baydhabo?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025

Shirka Golaha Amniga Qaran oo seddexdii maalin ee la soo dhaafay ka socday magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa la soo gabagabeeyey, waxaana ka soo baxay qodobo dhowr ah oo lagu wajahayo amniga guud ee dalka.

Shirka oo ugu dambeyntii lagu soo saaray war-murtiyeed dhinacyo badan taabanayay oo ay ku xusnaayeen qodobadii ay isku afgarteen madaxdii kulanka ka qeybgashay oo isugu jiray dowladda dhexe iyo maamul gobolleedyada, uuna shir-guddoominayay Madaxweynaha Dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo Qodobada ka soo baxay shirkaasi in kastoo ay badnaayeen mihiimaddoodana lahaayeen ayaan waxa aan ka xusi karaa kuwa sida weyn loo wada sugayay, waxaana ka mid ah:-

– Goluhu wuxuu bogaadiyay horumarka laga sameeyay hawlaha la xiriira dib-ula-falgelidda hay’adaha dhaqaalaha adduunka, gaar ahaan wada shaqeynta ay Xukuumaddu la leedahay Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF) iyo Bangiga Adduunka (World Bank) oo uu Goluhu dhiirrigelinayo in la sii adkeeyo wada shaqeyntaas, si wadajir ahna loola dagaallamo musuqmaasuqa, lana joogteeyo nidaamka isla-xisaabtanka.

Qodobka kale oo isna mihiimaddiisa lahaa waxa uu ahaa:- Goluhu wuxuu go’aamiyay in si deg deg ah loo mideeyo canshuuraha dalka, sida canshuurta Furdooyinka, macaashka shaqaalaha iyo faa’iidadda ganacsiga.

Qodobka kale oo isna si weyn loo bayaaniyay ayaa ahaa qodobka Wadaagga Kheyraadka Dabiiciga ah (Shidaalka iyo Macdanta).
-Goluhu wuxuu heshiis ka gaaray Lahaanshaha, Maamulka, iyo Wadaaga Khayraadka Dabiiciga ah ee dalka sida ku cad heshiiska Wadaaga Khayraadka Dabiiciga ah ee lagu saxiixay Magaalada Baydhabo 5tii bishan Juun 2018-ka.

waxaa kaloo ka misd ahaa qodobada war-muriyedka :- Habka Doorasho ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya 2020-ka.
– Goluhu wuxuu ku heshiiyay in dalka laga hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020 sida ku cad heshiiska habka doorasho ee lagu saxiixay magaalada Baydhabo 5tii bishan Juun, 2018-ka.

Qodobka kale oo isna muhiimaddiisa lahaa waxa uu ahaa:- Ka hortagga khataraha.
– Golaha Amniga Qaranka markii uu dhegeystay khataraha amni ee ay argagixisadu ka geysanayaan dalka waxa uu adkeynayaa in la dardargeliyo qalabeynta iyo tayeynta ciidamada qalabka sida, labada heer, lana siiyo tababarro iyo xirfado la xiriira qaababka looga hortagi karo falalka argagixisada.

War-murtiyeedka sidoo kale waxaa ku xusnaa in deegaannad Galmudug iyo Puntland, oo aysan joogin ciidamada AMISOM, laga caawiyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada Al Shabaab iyo Daacish oo ku sugan Buuraha Galgala, deegaannada Bariga fog iyo Koonfurta Galmudug, lagana taakuleeyo saddexda qaybood ee qorshaha kalaguurka.

Waxaa kaloo jira in Shirka Golaha Amniga Qaran oo afartii maalin ee u dambeeyey ka socday magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxana ka soo baxay qodobo dhowr ah oo lagu wajahayo amniga guud ee dalka, iyadoo islmarkaana lagu boggaadiyay Maamulka Gobolka Banaadir howlgallada lagu sugayo amniga iyo Barnaamijka Dariseynta oo si habsami leh uga socda Caasimadda.

Sida war-murtiyeedka lagu sheegay in maamulka Gobolka Banaadir guullo la taaban karo kasoo hooyay afartii bilood ee la soo dhaafay isku xirka Shacabka, Maamulka iyo Hey’adaha Amniga taasi oo ka dhalatay in si wadajir ah loo sugo amniga loogana hortago falal argagixiso, kadib markii ay meesha ka baxeen habacsanaantii ka jirtay wadashaqeyn la’aanta.

Isaga oo hoosta ka xarriiqay horumarka laga gaaray amniga Caasimadda iyo isku xirka bulshada ayuu Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) khudbaddiisa furitaanka shirka ku ballan-qaaday in maamulkiisu uu diyaar u yahay ka shaqeynta sidii amniga Caasimaddu u noqon lahaa mid la isku halayn karo, lana diyaariyey qorsheyaal cad-cad oo lagu xaqiijinayo amniga iyo horumarrada socda, wuxuuna soo dhaweeyey qodobada ka soo baxay shirka Golaha Amniga Qaranka, ayaa xusay mudnaanta sare ee la siiyey sugidda amniga iyo Barnaamijka Dariseynta Caasimadda ay muujinayso dadaalka dheeriga ah iyo waqtiga uu Maamulkiisu geliyey.

Warmurtiyeedka ayaa lagu yiri “Goluhu wuxuu bogaadinayaa hawlgallada sugidda amniga Caasimadda iyo barnaamijka Derisaynta ee ka socda degmooyinka Gobolka Benaadir, wuxuuna qirayaa in degaanada ku dhow Caasimadda ee Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose ay qeyb muhiim ah ka yihiin sugidda amniga Caasimadda”.

Sidoo kale, muddadii uu shirku socday, ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Eng. Yarisow ku soo bandhigay ajendaha maamulkiisa ee ku aadan Doorashooyinka la qorsheynayo sanadka 2020-ka, qeybsiga Khayraadka dalka iyo u-diyaar garowga la wareegitaanka amniga dalka, iyadoo dhammaan arrimahan laga gaaray is-faham ku salaysan danta Ummadda Soomaaliyeed.

haddaba muhiimad ballaaran oo dhinacyo badan leh ayay leeyihiin Qodobadii ka soo baxay Shirkii Amniga ee dhowrka maalmood uga socday Magaalada Baydhabo Madaxda Dowladda Dhexe iyo kuwa Maamul-goboleedyada, sidaasi awgeed Madaxdii gaartay kuna heshiisay Qodobada Shirkii Amniga ayaa waxaa laga filayaa inay u howlgalaan fulintooda.

W.Q:- C/laahi Ruush

Previous Post

Ciidanka Xoogga Dalka oo ka hortagay weerar Maleeshiyada Shabaab ay ku soo qaadeen deynuunaay(DHAGEYSO)

Next Post

Duqa Muqdisho oo Dawladda Talyaaniga kala wareegay Qalab Casri ah oo loogu talagalay Dabdamiska +Sawirro

Next Post
Duqa Muqdisho oo Dawladda Talyaaniga kala wareegay Qalab Casri ah oo loogu talagalay Dabdamiska +Sawirro

Duqa Muqdisho oo Dawladda Talyaaniga kala wareegay Qalab Casri ah oo loogu talagalay Dabdamiska +Sawirro

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

Turkiye oo soo dhoweysay qaadidda cunaqabateyntii saarneyd maamulka Suuriya

November 7, 2025
0

Turkiye ayaa maanta oo Jimco ah soo dhaweysay go’aanka Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay,kaas oo liiska cunaqabateynta looga saaray Madaxweynaha...

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo isku afgartay dib u dhiska garoomada ciyaaraha ee dalka

November 7, 2025
0

Wasiirka wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali ayaa kulan muhiim ah la qaatay dhigiisa Mudane Amiir Cabdulcasiis...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

Wasiirka Warfaafinta oo kulan la qaatay masuuliyiinta qeybaha kala duwan ee Wasaaradda.

November 6, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa kulan kula qaatay xafiiskiisa masuuliyiinta kala duwan ee qeybaha hoos...

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

Guddoomiyaha Dhallinyarada Qaranka oo ka qeyb-galaya shir muhiim ah oo ka socda Jabuuti.

November 6, 2025
0

Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka Soomaaliyeed, Mudane Maxamed Cali Siyaad, ayaa ku sugan dalka Jabuuti, halkaas oo uu uga qeyb-galayo shir...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In