Sunday, May 11, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

FAALLO: Sidee bay Kenya uga falcelineysaa gar maqalka badda ee noo dhaxeysa ?

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
March 17, 2021
in Maqaallo, Wararka
0
FAALLO: Sidee bay Kenya uga falcelineysaa gar maqalka badda ee noo dhaxeysa ?
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Muqdisho:- Dawladda, Shacabka iyo warbaahinta dalka aanu deriska nahay ee Kenya ayaa siyaabo kala duwan waxay uga falceliyeen dacwadda gar maqalka badda Soomaaliya oo ay Kenya oo ka dhacaysa Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda, magaalada Hogue ee dalka Netherlands.

Dawladda Kenya ayaanan xaadirin madasha gar maqalka, waa xarunta Maxkamadda Adduunka, waxaana ay ku falcelisay diidmo, in aysan ku qanacsaneen maxkamadda iyo cudur-daar dambe oo ay Maxkamadda hor yaala, kaasi oo ay ka fiirsaneyso maxkamadda jawaabta ay ka bixineyso.

Related posts

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

May 10, 2025
Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

May 10, 2025

Dawladda Kenya waxa ay aad u jeclaan lahayd in meel aan ahayn  Maxkamadda Caalamiga ay ku heshiiyaan labada dawladood oo markii horeba ee ay Soomaaliya galka dacwadda gaysay Maxkamada sannadkii 2014-kii, kuba farax-sanayn.

Kenya dhowr Jeer bay Maxkamadda ka codsatay in dib looga dhiga gar- maqalka dacwadda badda ee ay iyada muranka nagu gelisay, waana laga yeelayey marka laga reebo tan hadda socota oo ay soo xaadiri waysay oo gar-naqsan kari weysay.

Shacabka Kenya si gaar ah dadka degan deegaanada dhaca xeebta ayaa ku falceliyey Mudaaharaad, iyaga oo dawladda ugu baaqay in ay difaacaan qaddiyadda ee kala dhaxeysa Soomaaliya, waxaana ay wel-wel ka qabaan in haddii dacwadda socota ay Soomaaliya ku guuleysato, noloshooda saameyn doonta maadaama xeebta Lamu soo mari doonta dhanka Soomaaliya, Sidaa darteed gabal baa u damaya.

“Xaqiiqdii aad baa uu wel-weli noo hayaa, haddii aan arrimaha xadka si fiican loo xalin dhibaato ayey noo keenaysaa. Tani waxa ay meesha ka saari doontaa  meelaha aan ka kalluumeysano, waxa ayna xiisad ka dhex-dhalinaysaa bulshooyinka Soomaalida iyo Kenya”, Cali Adam, Kullumeysato Kenyan ah ayaa u sheegay Warbaahinta DW ee laga leeyahay dalka Jarmalka.

Bedka la’isku hayo ee Kenya muranka gelisay waxa uu ka badan yahay 160,580 Square kilometers (62, 000 Square miles). Warbaahintaas waxa intaas ku dartay in ayada oo lagu saleynayo xeerarka caalamiga, waxaa si weyn loo rajeynayaa in Maxkamaddu u xakunto Soomaaliya.

War-baahinta Kenya ayaa suuq yeeshay oo dhanka akhrisashada sheekooyinka dhegaysiga dacwadda badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya ay ka qorayaan labadii maalin ee la soo dhaafay, waxaan ay muujinayaan rajada xun ay ka qabto gar naqsiga kala dhaxeeya Soomaaliya iyo go’aanka Maxkamadda.

Jara’idka Kenya uga weyn, Nation ayaa ku micneeyey ka qayb-gal la’aanta Kenya dacwadda ka socota Maxkamadda Caalamiga in ay tahay “ Naxdin”, waxaana ay uga sii darnayd markii ay soo qortay in Soomaaliya ay dhimineysa (danqineyso) boog hor leh oo ah in Tanzaniya iyo Kenya Maxkammada ay isla aadaan oo ay Tanzaniya geyso dacwadaas, maadaama labada dal muran badda ah ka heshiiyeen 2009-kii.

Waxaana tani ay timid kaddib markii qareenada difaacaya Soomaaliya ay tusaale u soo qaateen damaca Kenya ee ah in lagu xalin karo mushkiladda taagan meel ka baxsan Maxkamadda sida Tanzaniya iyo Iyada mid u dhaxeeyey oo aan sharciga caalamiga ah waafaqsaneyn iyo Mid kale Mozambique iyo kuwa kale oo Afrika ka mid ah.

Wuxuuna ila yahay in tafsiir qalad ah oo Kenyanka ku kicinayaan ay sameeyeen, si isfahmi waaga labada dal meesha hadda uu jooga, meel ka xun uu u gaaro.

Gunaanud

Oday Soomaali ah baa beri loo sheegay in wiilkiisii hebel—hebel ah laga guuleystay kaddib markii laga gar helay, wuxuu su’aalay raggii warkaa u keenay, in wiil kiisa garta qaatay iyo in kale, waxaa loo sheegay in garta uu qaatay, markaa baa odeygii ku yiri raggii, “ Wiilkaygana wuu guuleystay haddii garta uu qaatay”.

Hadda Kenya maxay u gar-naqsan la’dahay oo ay uga baqaysa goobta gar-maqalka?

Qalinkii: Maxamed Cismaan Cabdi (Black Cobra)

               Tifaftire, SONNA

 

 

 

 

Previous Post

Wargelin : Wakaaladda SONNA oo dib u casriyeyn lagu sameynayo

Next Post

 Akhriso: Jadwalka Tallaalka ee Degmooyinka Gobalka Banaadir oo la soo saaray

Next Post
 Akhriso: Jadwalka Tallaalka ee Degmooyinka Gobalka Banaadir oo la soo saaray

 Akhriso: Jadwalka Tallaalka ee Degmooyinka Gobalka Banaadir oo la soo saaray

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo qaabilay Safiirka Shiinaha oo booqasho sharafeed ugu yimid

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa maanta oo Sabti ah ku qaabilay xafiiskiisa...

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka oo Shacabka uga jawaabay su’aalo ay waydiiyeen

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Waxa xalay magaaladda Muqdisho lagu qabtay maddal si weyn loo soo agaasimay taas oo su’aalo lagu waydiinayey Guddoomiyaha...

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobkii ka da’ay Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo kormeeray goobo ay saameeyeen roobkii ka da’ay Muqdisho

May 10, 2025
0

RADIO MUQDISHO: Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa kormeeray xalay goobo gurmad ay qeyb ka yihiin...

ogeysiis dadweyne

ogeysiis dadweyne

May 9, 2025
0

Lifaaqa 3 - Ogeysiis Dadweyne   Lifaaqa 4 - Application Form_SOM

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In