Saturday, July 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

FAALLO:-Soomaaliya waxay galeysaa Marxalad cusub

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
9 years ago
in Wararka
0
Dabaal degyo lagu taageerayo Madaxweynaha cusub oo ka socda dalka
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Inta aanan u galin dulucda Faallada Maanta bal marka hore, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waa Nin ceynkee ah?
Maxamed Cabdullaahi farmaajo,waxa uu ku dhashay Muqdisgo sanadkii 1962-dii , dugsigiisa hoose dhexe iyo sare ku qaatay Muqdisho, wuxuu shahaadada B.A iyo M.A ka qaatay Jaamacadda New York ee ku taalla Buffalo sanadihii 1997-kii iyo 2000-kii.

Farmaajo, waxa, Wuxuu ka soo shaqeeyay Safaaradda Soomaaliya uu ku lahaa dalka Maraykanka sanadihii 1986-kii ilaa 1989-kii. dhanka kale Wuxuu agaasime guud ka soo noqday hay’ad u dooda xuquuqda bulshada sanadkii 2002-dii taasi oo ilaaa 2010-kii uu ka shaqeynayay.

Related posts

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

July 10, 2026
Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

July 10, 2026

Farmaajo, waa Ra’iisul wasaarihii ka noqday Dowladdii Ku meel gaarka aheyd, wuxuuna xilkaasi hayay muddo 6 bilood ah oo kaliya, muddadaasi ayuuna ku kasbaday quluubta dad badan oo Soomaali ah, Baarlamaan-kii ku meel gaar-ka ayaa Ansixiyay Maxamed Cabdullaahi farmaajo, 31-10-2010, Isagoona xilkaasi iska casilay 19-kii juun 2011, Kadib markii Shir lagu heshiisiinayay Madaxweynihii xilligaasi Shariif sheekh Axmed iyo Guddoomiyihii Baarlamaan-ka Shariif Xasan sheekh Aadan, Oo ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda lagu Go’aamiyay in laba shariif ay Awoodda qeysadaan, Farmaajana Cadaadis lagu saaro in uu is Casilo, Go’aankii Labada shariif madaxweynihii xilligaasi iyo guddoomiyihii Baarlamaanka, Waxaa si cad ugasoo hor jeestay Shacab-ka Soomaaliyeed, Iyagoona taageero u muujiyay Farmaajo.

Farmaajo ayaa go’aansaday, in uu Rabitaanka shacabka rumeyo isla markaana xilkiisa sii hayo, Balse, Arrintaas ayaa suurta gal u noqon weysay kadib markii uu cadaadis fara badan kala kulmay, Baarlamaankii xilligaasi iyo dhammaan beesha caalam-ka, Isagoona markii dambe is casilay 19-kii juun 2011-kii.

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Markiisii ugu horreysay xilka Madaxweyne iskusoo sharraxay sanadkii 2012-kii isagoona xilligaasi helay wax ka yar 15 cod, Iyadoona shacab-ka Soomaalidu si xad dhaaf ah u taageersanaayeen, Farmaajo ayaa markiisii labaad isku soo sharaxay in uu dalka Madaxweyne ka noqdo, in badan oo shacabka Soomaalida ka mid ah wax rajo ah kama aaney qabin in farmaajo uu noqon doono Madaxweynaha Soomaaliya, balse, Xildhibaannada Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay isbedel dhab ah sameeyay, Iyagoona rumeyay riyadii shacabka Soomaaliyeed.

Haddaba markii ay muuqatay in uu Madaxweyne noqday Maxamed C/lah Farmaajo ayaa waxaa Magaalada Muqdisho iyo qaybo badan oo ka mid ah dalka ka bilowday Banaanbaxyadii ugu weynaa oo lagu taageero Madaxweyne Cusub, waxaa la arkayay dadweyne badan oo maraya Wadooyinka Magaalada Muqdisho iyo qeybo kale oo ka mid ah Gobalada Dalka Soomaaliya, sidoo kale waxaa la maqalayaa rasaas badan oo kor loo ridayo, taasi oo qeyb ka ah dabaaldegga.

Xilka loo doortay Farmaajo waxaa durbadiiba u hambalyeeyay Beesha Caalamka,Masuuliyiinta Maamul-goboleedyada iyo daweynaha Soomaaliyeed oo ku kala dhaqan Dalka gudahiisa iyo dibaddiisaba, waxayna dhammantood ugu duceeyeen inuu xilkaasi uu Eebbe la garab galo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa doorashadiisa kadib sheegay in uu shacabka uga mahadcelinayo taageerada ay la garab taagan yihiin, waxaana uu Xildhibaannada uga mahadceliyay sida ay u fuliyeen rabitaanka shacabka.

“Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Soomaaliyeed sida aad ii garab istaagteen iyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo har iyo habeenba u taagan inay cadowga ka celiyaan shacabka, waxaan shacabka ka codsanayaa inay is dajiyaan oo ay guryahooda dib ugu laabtaan, waad muujiseen shacuurtiina iyo dareenkiina, wixii aad rabteen waad hesheen, waxaan idinka codsanaya inaad dib ugu laabataan guryahiina, oo aad la shaqeysaan laamaha amniga, si loo sugo guud ahaan amniga dalka” ayuu yiri Madaxweynaha cusub ee dalka.

Madaxweynaha cusub ayaa sheegay in dhawaan uu jeedin doono khudbad uu kaga hadlayo qorshaha u degsan, waxaana uu ciidanka ka dalbaday inay xoojiyaan amniga dalka.

Haddaba maxaa looga baahan yahay Madaxweynaha cusub?, waxaa looga baahan yahay in uu fiiriyo danta shacabka Soomaaliyeed, oo u baahan tabantaabo, badbaado iyo dareyeel, maadama ay haatan Dalka ay ka jiraan abaaro ba’an iyo gaajo, marka waxaa lagaa rabaa in hadda Soomaaliya la galiyo marxalad cusub oo ay ku hiigsaneyso gaaritaan nolol cusub oo horumar iyo amniba leh.

W.Q: C/llahi Ruush

Previous Post

Jaamacadda Carabta ayaa Hambalyo usoo dirtay Madaxweyne Farmaajo.

Next Post

Maamulka Galmudug oo hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya.

Next Post
Galmudug oo guddi u saartay wax ka qabashada abaaro ka jira deegaannadeeda+War-saxaafadeed

Maamulka Galmudug oo hambalyo u diray Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya.

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

Taliyaha gaarka ah ee XDS oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Talyaaniga 

July 10, 2026
0

Taliyaha Taliska Ciidanka Gaarka ah ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Aadan Maxamed Cumar, iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray Saraakiil iyo saraakiil xigeenno ka qalin-jabiyay dugsiga TURKSOM 

July 10, 2026
0

Muqdisho, 10 Luulyo 2026: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta tababar u soo xiray Saraakiil iyo...

Ururka Siyaasadeedka JSP oo xaruntiisa dhexe ee Galmudug si rasmi ah looga daah-furay Dhuusamareeb

Ururka Siyaasadeedka JSP oo xaruntiisa dhexe ee Galmudug si rasmi ah looga daah-furay Dhuusamareeb

July 10, 2026
0

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa maanta lagu daah-furay xarunta dhexe ee Ururka Siyaasadeedka Caddaaladda iyo Wadajirka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

Taliyaha Ciidanka Dhulka Dowladda Jamhuuriyadda Turkiga, Metin Tokel, oo booqasho rasmi ah ku yimid Soomaaliya

July 10, 2026
0

Muqdisho, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sahal Cabdullaahi Cumar, ayaa maanta Garoonka Aadan Cadde ku soo dhaweeyey...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In