Tuesday, May 19, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

FAALLO :Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waa soo jireen

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Maqaallo, Wararka, Xulashada
0
Soomaaliya iyo Turkiya oo Kala Saxiixday Heshiisyo Dhanka Horumarinta iyo Dhaqanka ah “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga waa xiriir diblomaasi oo dhinacyo badan leh, Xiriirkaan oo ah mid taariikhdiisa fogtahay ayaa waxa aan ku soo xasuusan karnaa dawladii cusmaaniga oo uu hogaaminaye cusmaan oo soo gaaray koonfurta dalka soomaaliya dawladaan oo aheyd dowlad islaam ah oo ka dhisneen dalka turkiga Magaalo Madaxna u aheyd istanbul, waxaana uu soo jira kuwaad 300 oo sano, caqiiddo ahaanna labada shacab waxay isaga mid yihiin Diinta Muslimka ahna ( suni.)

Shacabka turkiga iyo shacabka soomaaliyeed Taariikh dheer ayaa ka dhaxaysa sanadahii laga soo bilaabo 2010 ilaa hada 2017 xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya wuxuu gaarayaa meel wanaagsen labada wadan Madaxdooda ayaa booqasho joogta ah ku kala taga labada wadan, iyadoo Wadanka Turkiga uu saxiib ama walaal yar ka dhigtay shacabka soomaaliyeed ee ku nool Qaaradda Afrika, waxayna Booqashadii Taariikhiga aheyd Bishii August 19-keedi sanadkii 2011 uu Racep Tayyib Erdogan oo xilligaasi ahaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Turkiga waxa uuna booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho, isaga iyo Wafdiga ballaaran oo ka socday Dowlada Turkiga iyo ganacsato u dhalatay Dalkaasi, taasi oo bedeshay fikirkii ay Madaxda Caalamka ka qabeen Soomaaliya ee ahaa in aan la imaan Karin Soomaaliya.

Related posts

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026
Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

May 19, 2026

Madaxweynw Racep Tayyib Erdogan ayaa markii uu yimid Magaalada Muqdisho waxa uu booqday dad barakacayaal ah oo ku noolaa Magaalada Muqdisho, taasi oo Beesha Caalamka iyo Shacabka Soomaaliyeed ay ku farxeen, waxayna bilowday sanadkii 2011 gargaar bani’aadamnimo oo ay siinaayeen dad barakacayaal ah oo ku noolaa xerooyin ku yaalla Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo saameyn ay ku yeelatay abaartii ka dhacday Dalka.

Dawlada Turkiga ayaa ka qeybqaadatay soo celiso bilicda iyo quruxda caasimada soomaaliya ee Magaalada Muqdisho, waxaana laga hirgaliyay Dib u dayactirid Waddooyinkii, goobo Waxbarasho, isbitaallo, dhismaha Safaaradda ugu weyn Qaarada afrika ee Dawlada Turkigu leeyahay, garoomada diyaaradaha, Dekada oo la casriyeeyey, Dhismaha xarun lagu taba baro Ciidanka soomaaliya, taasina waxay sabatay in Rajada dawladnimo ee Soomaaliya ay soo noolaato.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Turkiga, wuxuuna la kulmay dhigiisa waddanka Turkiga Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan, kulankaasi oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada dalkaasi ee caasimada Ankara, waxayna ka wada hadleen xiriirka iyo Iskaashiga ka dhaxeeya Waddamada ee Turkiga iyo Soomaaliya, waxaana Madaxweynaha iyo wafdiga uu hogaaminayay soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Xarunta Madaxtooyada ee Ankara, isaga oo salaan sharaf ka qaatay cutub ka tirsan ciidanka dalkan , waxaana loo riday 21 madfac.

Labada Madaxweyne ayaa ku heshiiyay dhammaan qodobadii ay isla soo qaadeen oo ay ka mid ahaayeen amniga, dhaqaalaha, horumarinta, maalgelinta Mashaariicda Beeraha iyo Xoolaha Nool, Waxbarshada, is weydaarsiga hiddaha iyo dhaqanka iyo shirka Soomaaliya ee London oo ay dowladda Turkiya ka soo qeybgali doonto, waxaana Madaxweyne Erdogan uga mahaceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo Shacabka Soomaaliyeed taageeradii ay u muujiyeen kadib afgambigii dhicisoobay. Waxaa uu intaas ku daray in dowladda Turkiya ay mar walba taageero walaaltinimo la garab taagan tahay dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed, iyadoo Madaxweyne Farmaajo uu dhankiiisa uga mahadceliyay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiya soo dhaweynta diirraneyd ee ay u sameeyeen isaga iyo wafdigiisa iyo taageerada joogtada ah ee ay dowladda Turkiya mar walbas la garab taagan tahay Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiya ayaa kala saxiixday heshiisyo is-afgarad ah oo la xiriira horumarinta dhaqaalaha iyo isweydaarsiga hiddaha iyo dhaqanka waxaana dhanka Dowladda Federaalka Soomaaliya u saxiixay heshiiyada Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Yuusuf Garaad Cumar, halka Jamhuuriyadda Turkiya uu u saxiixay Wasiirka Horumarinta Mudane Lutfi Elvan.

Haddaba Xiriirka Dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga waa mid soo jireen ah mana bilaaban waqtiyo dhow, balse waxa uu sii xoogeystay , waxaana dhihi karaa heshiiska ay kala saxiixdeen waa mid dhabbaha u sii xaaraya Soomaaliya oo gaarta horumar dhan walba leh.


Qallinka: C/llaahi Ruush

Previous Post

Shirka Golaha Wasiirada oo looga hadlay Amniga, xaaladda shuban-biyoodka iyo Qorshaha Horumarinta Qaranka “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso: warka Duhur ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo gaaray Buur-Hakaba

May 19, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Buurhakabo...

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

Taliyaha Hay’adda NISA oo la kulmay Imaam Daahir Imaam Maxamuud

May 19, 2026
0

Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA), Mudane Mahad Maxamed Salaad, ayaa maanta degmada Gubadley ee Gobolka Banaadir kulan...

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

Soomaaliya oo ka mid noqotay dalalka Isku Aadka Qaramada Afrika loo qori tuuray

May 19, 2026
0

Xiriirka Kubadda Cagta Afrika ayaa shaaciyay isku aadka isreeb-reebka heerka Groupyada ee tartanka Qaramada Afrika ee 2027, iyadoo munaasabad weyn...

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan amniga looga hadlayey

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka XDS oo guddoomiyay kulan amniga looga hadlayey

May 19, 2026
0

Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Cabdullahi Xuseen Cirro ayaa shir guddoomiyay kulan looga hadlay amniga Gobolka Baay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In