Tuesday, May 13, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

FAALO:- Sahankii Nabadda!

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
July 4, 2018
in Maqaallo, Wararka
0
DAAWO: Wasaaradda Arrimaha gudaha oo ku baaqday joojinta colaadda gobolka Hiiraan
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Maanta Aadanuhu wuxuu sahminayaa xog kale oo ka daahsoon dadyow badan oo ku nool adduunka kuwasoo loo marayo aqoonta iyo agabka sahlaya, kuwasoo lagu gaaray maskax nadiif ah iyo hogaamiyayaal ku xeel dheer hagida Ummaddaha ay madaxda u yihiin.

Amniga, Aqoonta Hagida hannaanka dowliga ah, Dhaqalaha iyo bulsho leh dareen wadaniyadeed ayaa saldhig u ah horumar walba oo la gaaray la’,aantoodna aysan waxba qabsoomin.

Related posts

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025

Qarnigaan waxaa bulshooyinka caalamku doonayaan in ay gaaran meelo aysan horey u gaarin Qarnigii tagay, hadii aan si kale u iraahdo waxa ay ku haminayaan horumar ka baaxad weyn kii ay gaaran labadii Qarni aynu soo dhaafnay, tusaale wax soo saarka beeraha, baddaha, xoolaha nool, khayraadka dhulka hoostiisa ku jira, ka faa’iideysiga khayradka biyaha iyo tamarta oo loo adeegsanayo taknaloojiyadda casriga ah.

Hadba dib u eeg akhriste dalkeena iyo dadkeena halka aynu joogno maanta iyo sahanka aynu ku jirno waa hubaal in ay aad u kala fog yihiin oo aysan xita isla jaanqaadi karin marka loo eego hankeena yar iyo himilooyinka aan hor u tebinta lahayn.

Dadyowga ku nool dalalka ka run sheegay hamigooda oo gaaray heer loo soo qaato tusaale, waxaa ay ku gaareen waa wadaniyad iyo iyagoo garanaya waxa ay doonaayaan iyo halka ay ku socdaan Ummadda Soomaaliyeedna ma aysan garan waayin intaas iyo ka badanba, laakiin waxa ay u baahnaayeen hogaamin run ah iyo hogaamiye leh aragti dheer han iyo himilooyin fog.

Bulshada Soomaaliyeed oo maanka ku hayay hagar daamooyinkii la soomaray buqno goynta iyo dibindaabooyinka lala damacsanaa ayaa gartay in dalku u baahan yahay hogaamiye leh aragti dheer han iyo himilooyin fog kasoo dalka ka saari kara dhibta iyo dib u dhaca la haray Ummadda Soomaaliyeed.

Dhibtu ma ahan wax lagu waaro mar ayaana laga baxaa waa hadii la helo aragti bulsho oo mideysan, taasoo soo saari karta xalka iyo ku xiran Alle weyne dedaalkii iyo sahmintii muddada dheer qaadatay oo ay ku doonayaan in ay ku helaan qofkii rumeyn laha rajooyinka iyo riyooyinka aan niyada dhaafsiisneen .

Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” Madaxweynaha dalka iyo Ummadda Soomaaliyeed ayaa noqday hogaamiyihii bulshada ay baadi goobayeen in uu ku hago dhabada horumarka iyo dib u kabayashada dal iyo dadba, codka dheer ee shacabka Soomaaliyeed ayaa noqday mid soo dadajiya isbadal dhan walba leh oo ay siyaasaddu ugu horeyso.

Madaxweyne Farmaajo oo maanka ku haya baaxadda howlaha Qaranka ayaa garowsaday in loo baahan yahay in la badalo albaabka laga soo galo dalka si looga maarmo faro galin shisheeye iyo gacmihii tirada badna ee ku milmay siyaasadda iyo arrimaha dibada dalka oo ah halka ugu muhiimsan dal walba.

Madaxweynaha dalka ayaa Soomaaliya ka dhigay mar kale mid leh go’aan diidmo iyo ogolaansho taas oo ugub ku noqotay kuwii doonayay in ay go’aanada inoo gaaran inaguna aynu adeegayaal u noqono.

Dalku wuxuu u baahna sixidda siyaasadda ladagallanka musuq maasuqa, horumarinta hay’adaha dowliga, xoojinta xiriirka dowlad gobolledyada ee iskaashiga, wax wada qabsiga caalamka, amniga iyo xasilinta dalka, howlahaas oo dhan waxaa looga baahan yahay laanta fulinta oo halbowle u ah Madaxweynaha oo arrimahaas oo dhan ogsoon ayaa Ra’iisul Wasare u soo xushay aqoon yahan ku aragti ah, lehna dareen wadaniyadeed iyo han sare Mudane Xasan Cali Khayre.

Wasiirka kowaad ee laanta fulinta ayaa dusha u dhigtay in la helo Soomaaliyada cusub oo ka fog eex, xatooyada hantida Qaranka, laalush, ku tagri falidda awoodda xafiisyada hay’adaha dowliga ah iyo in la helo isla xisaabtan dhab ah oo cidna looga turin, waana midda keentay in Soomaaliya mar kale caalamku aamino, isla markaana laga cafiyo deymo tiro badan oo lagu lahaa.

Maanta dadkeena Soomaaliyeed waxaa la gudboon in ay la yimaadan dareen lahaanshiyo oo ay kala gartaan mugdi iyo iftiin, run iyo been, sokeeyaha iyo cadowga Ummadda Soomaaliyeeed, waana midda aynu ku gaari karo halka ay gaareen asaageena.

Doorashadii Madaxweynaha dalka waxaa ay soo iftiimisay Wadajirka iyo Midnimada Ummadda Soomaaliyeed, waxaana caalamka tustay in dadka Soomaaliyeed ka run sheegi karaan rabitaankooda.

Dad badan oo ku nool dunida ayaa dadkeena ku tilmaama sifooyin aan dhagaha u wanagsaneen oo ay ka mid yihiin dadkii faqriga ahaa, isla weyna xasidka isku ahaa, dhiigyo cabka ahaa, dhulkii bulsho badeedka, dhulkii aragagixisada iyo kuwa ka sii liita, dhammaan waxaan uga gudbi karnaa inagoo la shaqeyna Madaxda Qarankeena kana ilaalino dhibta iyo cidkasta oo abuureysa in qalaan qal siyaasadeed.

Bulshooyo wadajirkeenu waa guusheena, sixitaanka khaladaadkii hore waa horumarkeena, Madaxdu waxba ma qaban karaan kaligood haddii inagu garbo iyo shidaalba aynu u noqon.

Hadaba fariinteenu waa in bulshaeena ay u istaagto ka shaqeynta horumarka dalka.

W/Q: Sharma’arke Maxamed Warsame

 

 

 

Previous Post

Tababar ku aadan Horumarinta Istaraatiijiyada Xogaha Qaranka oo lagu soo gaba gabeeyay Muqdisho “SAWIRRO”

Next Post

Jeneraal Bashiir Ameeriko “Waxeynu abuureynaa Koox ka tirsan C.I.D–da  oo ka hortageysa laaluushka”

Next Post
Jeneraal Bashiir Ameeriko “Waxeynu abuureynaa Koox ka tirsan C.I.D–da  oo ka hortageysa laaluushka”

Jeneraal Bashiir Ameeriko “Waxeynu abuureynaa Koox ka tirsan C.I.D–da  oo ka hortageysa laaluushka”

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

Howlgal lagu dilay xubno katirsan khawaarijta oo ka dhacay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug

May 12, 2025
0

Ciidanka Deegaanka ee ka howlgala aagga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug ayaa fuliyay howlgal ay ku dileen ugu yaraan saddex...

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda oo Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda hirgelinta heshiiska lagu dhisay ururka IGAD

May 12, 2025
0

Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya mudane Cali Maxamed Cumar (Balcad),ayaa maanta Xildhibaannada Golaha Shacabka ka hor akhriyay muhiimadda...

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF oo uu shir uga furmay Magaalada Nairobi

May 12, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa ka furmay shir muhiim ah oo u dhexeeya Hay’adaha Maaliyadda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo...

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

Ciidanka xoogga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay degaanka Deynuunay gobolka Baay

May 12, 2025
0

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 8-aad ee qeybta 60-aad oo garab ka helaya Ciidanka Daraawiishta Koonfur Galbeed, ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In