Tuesday, January 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Faraax Cabdiqaadir oo gudbiyay dacwad ku saabsan faldambiyeed lala damacsanaa in la geliyo

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Wararka
0
Faraax Cabdiqaadir oo gudbiyay dacwad ku saabsan faldambiyeed lala damacsanaa in la geliyo
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Xog ay heshay Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa lagu ogaaday in uu jiro qorshe Siyaasadaysan oo aan la ogayn sababta ka danbaysa kaas oo laga been abuuray Xildhibaan Faarax Sheikh Cabdulqaadir oo ka tirsan Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya.

Wakaaladda SONNA waxaa ay heshay Nuqul ka mid ah Dacwad uu Xildhibaanku ugudbiyay Xeer-ilaalinta Qaranka taas oo uu kaga cabanayo in Magaciisa si been abuur ah loogu isticmaalay in lagu Kireeyo Markab Shixnad lagu sheegay Gargaar Biniaadannimo oo ku socotay Magaalada Xudayda ee Wadanka Yemen taas oo lagu sheegay in ay gaarsiinaysay Hayโ€™ad lagu magacaabo Islamic Charity Foundation oo lagu sheegay in ay ka diiwaan gashantahay Dalka Kenya, taasi oo lagu tilmaamay in uu xildhibaanku ka mid yahay Aaas-aasayaasha Hayโ€™addaas ee Markabka Kiraysatay.

Related posts

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
๐€๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ ๐š๐›๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

Xildhibaanku waxa uu ku cadeeyay Dacwadiisa in aanay jirin waxna aanu ka ogayn Hayโ€™addaas iyo waxa ay waday toona,wuxuuna ku xusay Nuqulka Dacwadiisa in ujeedada laga leeyahay adeegsiga magaciisa iyo isticmaalka Warqadda aqoonsigiisa in ay tahay faldambiyeed lagu doonayo in lagu magac-dilo, laguna dhaawaco sumcadiisa,wuxuuna ku tilmaamay xadgudub been abuur ah.

Xog lagu kalsoonyahay oo ay heshay SONNA ayaa tilmaamaysa in Markabka wada Shixnadda been abuurka ah oo lagu magacaabo MV-LIBERTY, in hadda lagu hayo waddanka Jabuuti ayna ku socoto Baaris ay iska kaashanayaan Dawladaha Soomaaliya, jabuuti iyo Kenya taasi oo ladoonayo in lagu ogaado ujeedada dhabta ah iyo Ciddii ka dambaysay dhacdadaan Shirqoolka.

Xogta aan helnay ayaa intaasi ku dartay in Markabkaan oo waday Shixnad lagu sheegay Gargaar Bini aadannimo laga soo celiyay Magaalada Xudayda oo ahayd halkii uu ku socday,ka dibna uu ku soo xirtay Dekadda Magaalada Jabuuti halkaasi oo lagu qabtay laguna hayo wali.

Previous Post

Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka oo la kulmay Madaxa UNHCR โ€œSAWIRROโ€

Next Post

Doorka haweenka ee doorashooyinka dalka oo laga hadlday

Next Post
Doorka haweenka ee doorashooyinka dalka oo laga hadlday

Doorka haweenka ee doorashooyinka dalka oo laga hadlday

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud oo Soo Bandhigay Guulihii 2025 iyo Qorshayaasha 2026 ka

January 27, 2026
0

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa maanta qabtay shir ujeedkiisu ahaa soo bandhigidda guulihii la gaaray sannadkii dhammaaday, qorshayaasha sannadka...

๐€๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ ๐š๐›๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

๐€๐ช๐š๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ซ๐ž ๐จ๐จ ๐€๐ง๐ฌ๐ข๐ฑ๐ข๐ฒ๐š๐ฒ ๐’๐ก๐š๐ซ๐œ๐ข๐ ๐š ๐ƒ๐š๐š๐ฐ๐š๐๐š ๐ข๐ฒ๐จ ๐€๐ ๐š๐›๐ค๐š ๐‚๐š๐š๐Ÿ๐ข๐ฆ๐š๐š๐๐ค๐š ๐ƒ๐š๐ฅ๐ค๐š

January 27, 2026
0

Ku-simaha Wasiirka ahna Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Maryan Xuseen, oo ay weheliyaan khubaro ka socday Wasaaradda Caafimaadka...

๐–๐š๐ฌ๐š๐š๐ซ๐š๐๐๐š ๐€๐ซ๐ซ๐ข๐ฆ๐š๐ก๐š ๐ƒ๐ข๐›๐š๐๐๐š ๐จ๐จ ๐ฅ๐š ๐Š๐ฎ๐ฅ๐š๐ง๐ญ๐š๐ฒ ๐†๐š๐ง๐š๐œ๐ฌ๐š๐ญ๐š๐๐š ๐’๐จ๐จ๐ฆ๐š๐š๐ฅ๐ข๐ฒ๐ž๐ž๐

Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Cumar, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay hoggaamiyeyaasha ganacsiga Soomaaliyeed,...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Wasaaradda Caddaaladda oo war ka soo saartay hannaanka dib u eegista Dastuurka

January 27, 2026
0

Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka jawaabeysaa hadallo dhawaan ay jeediyeen qaar ka mid...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

ยฉ 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In