kulan maanta ay xaruntooda Villa Hargaysa ku yeesheeen Xubnaha gudiga Joogtada ah ee Baarlamaanka oo uu shir godoominayey godoomiyaha barlamanka federalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Sheikh Cusmaan Jawari ayaa ajandihiisu ahaa furitanka kalfadhiga 6aad ee baarlamaanka iyadoo ay ka soo baxday furintankas oo lagu wadey 20 bishan inuu furmo dib u dhac inuu ku yimid arimo farsamo awgood isla markana furitanku uu u dhacey 27-da bishan sida uu ku dhawaaqay Gudoonka Baarlamaanka .
Gudiyada joogtada ah ayaa sidoo kale ugu baaqey xubnaha golaha baarlamaanka ee safarada dibada ah ku maqan iney sida ugu dhaqsiyaha badan dalka dib ugu so labtaan isla markana furitanka kalfadhiga 6-aad ka soo qeyb galaan.
Kualnka gudiyadda joogtada ah ee baarlamaanka markii uu soo idlaaday ayaa waxaa warbaahinta qaranka u faah faahiyey waxyaabihii kulankooda ka soo baxay ku xigenka xoghayaha joogtada ah ee barlamanka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullahi Ciyow .
“waxaa kulanka gudiga joogtada ah diirada lagu saaray furitaanka kalfadhiga 6.aad ee baarlamaanka runtii si aad u wanaagsan ayaa looga dooday howshaas waxaana ka isla gartay in 20 bisha oo balanku ahaa in uu furmo uusan suura galeyn waxaana loo dhigay 27 ka april marka waxaa laga codsaday mudanayaasha in ay waqtigaas ku yimaadaan “
Kalfadhiga 6-aad ee barlamanka federalka ah ayaa markii uu furmo waxaa mudanayasha Golaha shacabka hor yaala ajandayaal fara badan oo u baahan in wax laga qabto Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaana furi doona sida Dastuurku dhigayo.