Friday, April 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Fursad shaqo oo ka bannaan golaha shacbiga

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Fursad shaqo oo ka bannaan golaha shacbiga
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Related posts

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026

Shaqo banaan

I. Gogoldhig

Sargaalka warbaahinta iyo wartabintu wuxuu masuul kayahay maaraynta xidhiidhka gudaha iyo midka dibada ee baarlamaanka iyo Warbaahinta dawlada ama mida gaarka loo leeyahay, danwadaagta (partners) iyo deeq bisiyayaasha, iyo sidoo kale macluumaadka dadweynaha iyo danwadaagta qaranka. Arimahan waxaa kamida diyaarinta iyo hirgalinta xidhiidhka istiraatijiyadeed ee baarlamaanka si uu uga taageero dhaqan-galinta qorshaha istiraatijiyadeed. Sidoo kale waxaa kamida, in la nidaamiyo xidhiidhka warbaahineed ee baarlamaanka; soo saarida iyo daabacaada iyadoo lala kaashanayo xubnaha shaqaalaha kale, soosaarida macluumaad la soo bandhigo, ka soo muujinta bogga golaha macluumaadkaa, la shaqaynta warbaahinta guddaha iyo mida qaranka si looga faa’iidaysto baraha bulshada (social media) iyo in si joogta ah loo tabiyo wararka kulamada golaha, kulamada guddiyada iyo dhaqaysiga dadweynaha.

Sargaalka warbaahinta iyo wartabintu wuxuu u warbixiyaa xoghayaha guud ee baarlamaanka wuxuuna si dhaw ula shaqeeyaa shaqaalaha kale, gaar ahaan kuwa xafiiska gudoonka.

II. Waajibaadka iyo Masuuliyadaha

• Inuu ka taageero Baarlamaanka horunamariyo xidhiidhka dibada iyo midka guddaha ee xoghaynta baarlamaanka iyo xafiiska gudoonka si loo kobciyo aqoonta warbaahinta iyo xidhiidhka shaqada ee baarlamaanka.

• In uu ka caawiyo golaha maaraynta kulamada dhagaysiga dadweynaha iyo kulamada kale, uuna duubo muuqaalka qaadana sawiro, kana diyaariyo warbixin si looga soo muujiyo bogga shabakada golaha.

• inuu ka caawiyo baarlamaanka samaynta warbixin sannadeed, ka taageero xoghaynta baarlamaanka diyaarinta macluumada sida druid-sharci, maqaalo, fariimo iwm; uuna wargaliyo gudoonka baarlamaanka wararka degdega ah ee ku saabsan golaha.

• Isagoo kaashanaya xafiiska xoghayaha guud iyo agaasimaha xafiiska gudoonka inuu shaaciyo kulamada dadweynaha, kulamada doodaha ee baarlamaanka, uuna duubo warbixinta iyo fariinta la tabinayo.

• Inuu ka caawiyo golaha inuu jawaab haboon ka bixiyo su’aalaha la xidhiidha macluumaadka dadweynaha, diyaariyo nuqulka koowaad ee warsaxaafadeedka, durida sharci iyo waxyaabaha kale si uu u ogaysiiyo warbaahinta gudaha iyo mida gobalka arrimaha muhiimka ah ee baarlamaanka.

• Isagoo kaashanaya xoghaynta baarlamaanka inuu ka caawiyo diyaarinta hadaljeedin iyo qodobada uu ka hadlayo afhayaanka baarlamaanka fadaraalka (spokesperson) ee arimaha kulamada caaadiga ah iyo la macaamilida warbaahinta.

• Inuu ka caawiyo diyaarinta fariin iyo macluumaad khuseeya gobolada tusaale ahaan wacyi-galinta bulshada ee arimaha baarlamaanka, dhagaysiga dadweynaha/hanaanka latashiga dib u eegista dastuurka, uuna bogga shabakada baarlamaanka ku joogteeyo dhacdooyinka iyo macluumaadka .

• Inuu la shaqeeyo xoghayaha guud ee baarlamaanka si uu u sameeyo heer qiyaaseed (standard) khuseeya ujeedooy uuna diyaariyo hab lagu qiyaaso sida ay u shaqaynayaan agabka sida bogga shabakada golaha, barta bulshada (facebook), si ay uga caawiso in baarlamaanku horumariyo kalana saaro mudnaantooda.

III. Heerka Waxbarasho

Waa inuu haystaa ugu yaraan shahaado dugsi sare iyo dibloome ama certificate ku saabsan Saxaafada, Wartabinta, iyo xidhiidhka dadweynaha;

IV. Khibrada Shaqo

• Waa inuu leeyahay ugu yaraan 5 sanno oo khibrad la xidhiidha saxaafada, warbaahinta, ama xidhiidka bulshada.

• Waa inuu u leeyahay xirfad sare qoraalka iyo xirfaad fikirka istiraatijiyadeed

• Waa inuu u leeyahay Xirfad wanaagsan barnaamijyada koombuyuutarka.

• Waa inuu awood u leeyahay inuu ku shaqeeyo xaalad adag iyo wakhtiga loo cayimay inuu shaqo ku dhameeyo

• Waa Inuu leeyahay xirfad xidhiidhka bulshada iyo xalinta mashaakilaadka

• Waa Inuu yahay qof la shaqaynkara koox (team work)

• Inuu u heelanyahay ilaalinta cadaalada arimaha bulshada.

 

V. Xilliga shaqada

• Xilliga shaqada waa muddo lix (6) Bilood oo la kordhin karo

VI. Shuruudaha Luuqadeed

• Inuu si buuxda u qori karo uguna hadlikar af-Somaaliga

• Aqoonta Afafka kale waa caawinaysaa

Waxaa  lagu soo haagjinayaa Cinwaannada
[email protected] iyo [email protected]

Saxaafada

SHAQADA LABAAD

22-6-15 Chief Technical Adviser
Fadlan riix halkaan si aad u akhrisato shaqada labaad ee ka bannaan xafiiska golaha shacbiga

SHAQADA SADDEXAAD

22-6-15 Senior Resource Officer
Fadlan riix halkaan si aad u akhrisato shaqada saddexaad ee ka bannaan xafiiska golaha shacbiga

Previous Post

Dhageyso Warka Habeen ee Radio Muqdisho

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso barnaamijka bandhigga wareysiyada ee ka baxa Radio Muqdisho

Dhageyso Barnaamijka Dhacdooyinka ee Radio Muqdisho

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo Ka Qayb Galay Casho Sharaf Diblomaasiyadeed

April 2, 2026
0

Xoghayaha 1aad ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Cabdullaahi Maxamed Siyaat, iyo Mardiya Abdi Mohamed oo kamid...

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

Hay’adda SoDMA oo Xuddur kun qoys ugu qeybisay deeq raashin ah

April 2, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka ayaa degmada Xuddur gargaar raashin ah u qeybisay 1,000 qoys oo isugu jira danyar, dad naafo...

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka KGS oo si diirran loogu soo dhaweeyay Baydhabo

April 2, 2026
0

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Ku-meelgaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa gaaray magaalada...

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyay Hindise-sharciyeedyo iyo Heshiisyo Muhiim ah

April 2, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankoodii toddobaadlaha ahaa ayaa ansixiyey Hindise-sharciyeedyo, Heshiisyo iyo Xeer—nidaamiyayaal muhiim ah...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In