Monday, February 2, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gaadiidka sida xad dhaafka ah loo raro oo laga joojiyey Dekadda Muqdisho “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
7 years ago
in Wararka
0
Gaadiidka sida xad dhaafka ah loo raro oo laga joojiyey Dekadda Muqdisho “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Iyaddoo R/wasaare ku xiggeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo si rasmi ah Xalay u furay in Dekadda Magaaladda Muqdisho markii ugu horreysay burburkii kadib ay si toos ah u shaqeyneyso Habeen iyo Maalin (24 Saac), ayaa maanta Taliska Ciidanka Booliska, gaar ahaan Hoggaanka Canshuuraha ee Ciidankaasi, waxuu soo saaray Amaro ku socda Ganacsatada iyo gaadiidleyda Isticmaasha Dekadda.

Dekadda Magaaladda Muqdisho, ayaa maanta waxaa kulan ku yeeshay Guddi ay ku mideysan yihiin Ganacsatada iyo Gaadiidleyda Soomaaliyeed iyo Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu wehliyaan Taliyaha Hoggaanka Ilaalada Nabad gelyada wadooyinka, Taliyaha Saldhiga Booliska Dekadda iyo Saraakiil kale.

Related posts

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026

Kulankaasi, ayaa waxaa si aad ah looga hadlay siddii loo joojin lahaa Gaadiidka sida xad dhaafka loo raro ee ka baxa Dekadda Muqdisho oo dhibaato aad u weyn ay ka dhalato, kuwaasi oo mararka qaar ku Rogmada Wadooyinka Muqdisho, islamarkaana ay ka dhashaan Qasaaro isugu jira Naf iyo Maal.

Maxamed Xirsi Xaashi oo ah Afhayeenka  Guddiga Ganacsatada iyo Gaadiidleyda Soomaaliyeed, ayaa Dowladda kaga mahad celiyey suurto gelinta ay suuro gelisay in ka badan 28 sano kadib in  xilli habeen ah ay shaqeyso Dekedda magaalada Muqdisho, waxaana uu tilmaamay in ay diyaar u yihiin ka qeyb qaadashada Horumarka dalka.

Taliyaha Hoggaanka Canshuuraha ee Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Cabdullaahi Xasan Bariise oo la hadlay Warbaahinta Qaranka , ayaa sheegay in la joojiyey in Dekadda Muqdisho uu ka baxo Gaadiid Rarkiisa uu Xad dhaaf yahay,  in Gaari Waqtigiisa dhammaaday Dekadda uu ka qaado Badeeco iyo Jididka gaadiidka ay u maraan siddii loogu talo galay.

“Laga Bilaabo maanta waxaa la joojiyey in Dekadda uu ka baxo Gaadiid rarkiisa uu xad dhaaf yahay, Gaari Waqtigiisa uu dhammaaday iyo in wadooyinka siddii loogu talo galay loo maro,  Ganacsatada waxay naga codsadeen in Gaariga markuu ka baxo Dekadda ilaa iyo uu ka tagayo goobtii loogu talo in amnigiisa la sugo, waana ka aqbalnay” ayuu yiri Gen. Bariise.

Previous Post

Kulan looga hadlayey dar-dar gelinta Howlaha Dekedde Muqdisho oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post

Madaxweyne Farmaajo “Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka iyo dib-u-curashada dawladnimada dalka”+Sawirro

Next Post
Madaxweyne Farmaajo “Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka iyo dib-u-curashada dawladnimada dalka”+Sawirro

Madaxweyne Farmaajo “Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay udub dhexaad u yihiin horumarka iyo dib-u-curashada dawladnimada dalka”+Sawirro

NISA oo gacanta ku dhigtay xubno u hoggaansamay baadda Khawaarijta

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka oo howlgal qorsheysan ku dilay horjoogeyaal Khawaarij ah

February 1, 2026
0

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), ayaa howlgal qorshaysan oo ay shalay ka fuliyeen deegaanka Maxaa Saciid ee Gobolka...

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

Shirweynaha Isku-duwidda Tamarta oo lagu soo gabagabeeyay Dhuusamareeb

February 1, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Tamarta iyo Khayraadka Biyaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya (XFS), Mudane Cabdullaahi Bidhaan Warsame, oo ay weheliyaan Wasiiru-Dowlaha iyo...

Xukuumadda Soomaaliya oo waraaqadaha dal ku galka kala noqotay Danjirihii la ceyriyay

Dowladda oo War-saxaafadeed ka soo saartay hannaanka Amniga

February 1, 2026
0

Dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadi ka saaran tahay amniga iyo badqabka muwaadiniinta, si taa loo fuliyo, xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxay hore...

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

Madaxweynaha JFS oo magacaabay Guddoomiye Ku-xiigeennada Jaamacadda Ummadda

February 1, 2026
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay masuuliyiinta hoos ku xusan xilalka Guddoomiye Ku-xigeennada Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed:...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In