Inka badan 400 oo carruur agoon ah oo ka mid ah kuwa Aabayaashood ay ku shahiideen dagaalka dalka looga xoreynayo khawaarijta Arxanka daran ee Al-shabaab ayaa maanta munaasabad lagu ciidsiinayo laga daahfuray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug
Munaasabada Daahfurka ciidsiinta Carruurta Shuhadada ayaa waxaa ka qeyb galay masโuuliyiin ka tirsan kuwa dowlad gobaleedyada Galmudug, Puntland iyo ย Waalidiin.
Carruurta Agoonta ah ee lagu wado la ciidsiiyo ayaa ku kala sugan dagmooyinka iyo deegaanada Hobyoย Wisil, Xero dhagaxleey Gawaan Dowgaab Bajeelaย Dhuure iyo Bitaale kuwaas oo dhamaan ay ka dhici doonaan munaasabadaha Ciidsiinta Agoonta Abaayashood naftooda u hureen ciribtirka Khawaarijta
Munaasabada Ciidsiinta ayaa waxaa isku xilqaamay dhallinyarada Gobalka Mudug kuwaas oo hormuud u ahaa Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gargaarka Dowlad Gobaleedka Galmudug Samafale Maxamed Cabdullaahi Cali.
Talaabadaan ayaa noqaneysa tii u horeeysay ee lagu farax galinayo Agoonta Aabayaashood u shahiideen Difaaca dalkooda iyo Dadkooda.