Monday, December 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gaalkacyo “Xaaladda amni ee Gaalkacyo waa mid la isku haleyn karo”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
9 years ago
in Wararka
0
Gaalkacyo “Xaaladda amni ee Gaalkacyo waa mid la isku haleyn karo”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Cabdirashiid Xaashi Cartan oo wareysi gaar ah maanta siiyay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheer ka bixiyay xaaladda amaan ee guud ahaan Gobalka Mudug, gaar ahaan magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka, waxaana uu sheegay in xaaladda Nabadgelyo ee magaalada Gaalkacyo ay tahay mid aad u wanaagsan isla markaana Ciidamada Amaanka iyo shacabk ay si wadajir ah isaga kaashadaan sidii loo adkeyn lahaa amniga magaalada.

Related posts

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025

Guddoomiye Cartan dhanka kale waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in laga been sheego xaaladda magaalada Gaalkacyo, isla markaana ay wax kama jiraan yihiin warar lagu baahiyay 48dii saac ee u danbeysay baraha bulshada, kuwaasi oo lagu sheegay in xiisado coladeed ay ka jiraan magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa xusay inay jiraan shaqsiyaad doonaya inay warar been abuur ah ka faafiyaan magaalada, kuwaasi oo uu sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonaan.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee Galmudug ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Gobalka Mudug in ay gacan ka siiyaan labada maamul ee Puntland iyo Galmudug sidii looga hortagi lahaa cid walba oo ay u arkaan inay caqabad ku tahay nabadda Gobalka.

Si kasta xaaladda magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa ah mid ay soo hagaageyso xaaladeeda amaan tan iyo wixii ka danbeeyay markii lagu guuleeystay dabayaaqadii sanadkii tegay ee 2016 in lasoo afjaro colaadahii u dhaxeeyay maamulada Galmdug iyo Puntland.

 

 

Previous Post

Wasiirka Amniga oo xarigga ka jaray hab-raaca qaadashada baasaboorka “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Wadajir

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Wadajir

Dhageyso Barnaamijka Wadajir

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Duqa Muqdisho Oo Maanta Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) ayaa maanta kaarka codbixinta doorashada Dowladaha Hoose...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Ka Tacsiyadeeyay Geerida Madaxweynihii Hore Ee Puntland

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, bulshada Puntland iyo guud...

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

Ra’iisul Wasaare Xamse Oo Xarig Jaray Masraxa Cusub Ee Lagu Soo Kordhiyay Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xalay ka qeyb galay munaasabad xarigga looga jarayey...

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

Madaxweyne Xasan Sheekh Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta Golaha Deegaanka

December 14, 2025
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuridda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta si rasmi ah u qaatay Kaarka codbixinta ee Dooraahada...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In