Saturday, July 12, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gaalkacyo “Xaaladda amni ee Gaalkacyo waa mid la isku haleyn karo”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
April 16, 2017
in Wararka
0
Gaalkacyo “Xaaladda amni ee Gaalkacyo waa mid la isku haleyn karo”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee Dowlad Gobaleedka Galmudug Mudane Cabdirashiid Xaashi Cartan oo wareysi gaar ah maanta siiyay Warbaahinta Qaranka Soomaaliyeed ayaa faah faahin dheer ka bixiyay xaaladda amaan ee guud ahaan Gobalka Mudug, gaar ahaan magaalada Galkacyo ee xarunta Gobalka, waxaana uu sheegay in xaaladda Nabadgelyo ee magaalada Gaalkacyo ay tahay mid aad u wanaagsan isla markaana Ciidamada Amaanka iyo shacabk ay si wadajir ah isaga kaashadaan sidii loo adkeyn lahaa amniga magaalada.

Related posts

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025

Guddoomiye Cartan dhanka kale waxa uu wax laga xumaado ku tilmaamay in laga been sheego xaaladda magaalada Gaalkacyo, isla markaana ay wax kama jiraan yihiin warar lagu baahiyay 48dii saac ee u danbeysay baraha bulshada, kuwaasi oo lagu sheegay in xiisado coladeed ay ka jiraan magaalada Gaalkacyo.

Guddoomiyaha Gobolka Mudug ayaa xusay inay jiraan shaqsiyaad doonaya inay warar been abuur ah ka faafiyaan magaalada, kuwaasi oo uu sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonaan.

Ugu danbeyn Guddoomiyaha Gobalka Mudug ee Galmudug ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka Gobalka Mudug in ay gacan ka siiyaan labada maamul ee Puntland iyo Galmudug sidii looga hortagi lahaa cid walba oo ay u arkaan inay caqabad ku tahay nabadda Gobalka.

Si kasta xaaladda magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobalka Mudug ayaa ah mid ay soo hagaageyso xaaladeeda amaan tan iyo wixii ka danbeeyay markii lagu guuleeystay dabayaaqadii sanadkii tegay ee 2016 in lasoo afjaro colaadahii u dhaxeeyay maamulada Galmdug iyo Puntland.

 

 

Previous Post

Wasiirka Amniga oo xarigga ka jaray hab-raaca qaadashada baasaboorka “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Barnaamijka Wadajir

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Wadajir

Dhageyso Barnaamijka Wadajir

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

Ciidamada Nabad Sugidda NISA oo horjoogayaal iyo maleeshiyaad ku beegsaday gobolka Shabeellaha Dhexe

July 12, 2025
0

Ciidamada Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa qaaday howlgallo qorsheysan oo ka dhacay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan...

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

Ku xigeenka madaxweynaha Galmudug iyo Guddoomiyaha SODMA oo yeeshay kulan muhiim ah

July 12, 2025
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee hay’adda ku qaabilay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

July 12, 2025
0

Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud , oo booqasho ku joogo dalka Turkiga, ayaa maanta xarunta madaxtooyada dalkaas kula...

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

Wasiirka Isgaarsiinta XFS oo Geneva kaga qayb galay shir Caalami ah

July 12, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada JFS, Mudane Maxamed Axmed Aadan Macalin, ayaa magaalada Geneva ee dalka Switzerland kaga qaybgalay kulanka...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In