Sunday, October 18, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gabar xanuunsan oo la gaarsiiyay deeq lacageed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Gabar xanuunsan oo la gaarsiiyay deeq lacageed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ardayda wax ka barata dhamaan xarumaha hoostaga Mua’sasada Imaamu Shaafici iyo Barayaashooduba ayaa deeq lacageed oo gaareysa $2,000 (labo kun) gaarsiiyay Maryama Abuukar Jimcaale oo mudooyinkaan ku xanuunsaneysay magaalada Muqdisho.

Ardaydaan iyo barayaashooda ayaa ku mashquulsanaa mudooyinkii dambe sidii kaalme dhaqaale ay u gaarsiin lahaayeen Maryama kadib xaaladda inantan yar oo looga warbixiyay, iyagoo si aada uga damqaday xaaladda caafimaad ey ku sugantahay.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

Qaar ka mid ah dugsiyada iyo Jaamacadaha wadanka ayaa waday sidii gacan loo siin lahaa gabadhan yari oo xaaladeeda caafimaad dhakhaatiirtu sheegtay inaan gudaha dalka waxba looga qaban Karin.

Maryama Afrika ayaa xanunka haya waxaa lagu sheegay Kansar ka asiibay xubnaha sare ee jirkeeda gaar ahaan sanka iyo  isha midig, waxaana loogu baaqay dhamaan bahweynta soomaalida iney gacan ka geystaan sidii inantaan sabab loogu naqan lahaa badbaadaneeda.

Ustaad Cabdi Shakuur oo ah madaxa waxbarashada Mu’asasada Imaamu Shaafici ayaa guddoominaayay deeqdaas maanta ay gaarsiiyeen Maryama, isagoo baaq u wada diray dhamaan umadda soomaaliyeed meel waliba ay ku suganyihiin.

Hooyo Nimco Cusmaan Tifow ayaa si aada uga mahadcelisay deeqaha isdaba joogga ah ee ay la soo gaaraayaan xarumaha waxbarashadu inanteeda, iyadoona Allaah uga barisay inuu ka abaal mariyo.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10

Previous Post

Shir looga hadlayay xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka oo lagu soo gabagabeyay dalka Jabuuti “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In