Tuesday, July 15, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Gabar xanuunsan oo la gaarsiiyay deeq lacageed “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
December 18, 2015
in Wararka
0
Gabar xanuunsan oo la gaarsiiyay deeq lacageed “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ardayda wax ka barata dhamaan xarumaha hoostaga Mua’sasada Imaamu Shaafici iyo Barayaashooduba ayaa deeq lacageed oo gaareysa $2,000 (labo kun) gaarsiiyay Maryama Abuukar Jimcaale oo mudooyinkaan ku xanuunsaneysay magaalada Muqdisho.

Ardaydaan iyo barayaashooda ayaa ku mashquulsanaa mudooyinkii dambe sidii kaalme dhaqaale ay u gaarsiin lahaayeen Maryama kadib xaaladda inantan yar oo looga warbixiyay, iyagoo si aada uga damqaday xaaladda caafimaad ey ku sugantahay.

Related posts

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025

Qaar ka mid ah dugsiyada iyo Jaamacadaha wadanka ayaa waday sidii gacan loo siin lahaa gabadhan yari oo xaaladeeda caafimaad dhakhaatiirtu sheegtay inaan gudaha dalka waxba looga qaban Karin.

Maryama Afrika ayaa xanunka haya waxaa lagu sheegay Kansar ka asiibay xubnaha sare ee jirkeeda gaar ahaan sanka iyo  isha midig, waxaana loogu baaqay dhamaan bahweynta soomaalida iney gacan ka geystaan sidii inantaan sabab loogu naqan lahaa badbaadaneeda.

Ustaad Cabdi Shakuur oo ah madaxa waxbarashada Mu’asasada Imaamu Shaafici ayaa guddoominaayay deeqdaas maanta ay gaarsiiyeen Maryama, isagoo baaq u wada diray dhamaan umadda soomaaliyeed meel waliba ay ku suganyihiin.

Hooyo Nimco Cusmaan Tifow ayaa si aada uga mahadcelisay deeqaha isdaba joogga ah ee ay la soo gaaraayaan xarumaha waxbarashadu inanteeda, iyadoona Allaah uga barisay inuu ka abaal mariyo.

1 2 3 4 5 6 7 8 9 10

Previous Post

Shir looga hadlayay xadgudubyada ka dhanka ah Haweenka oo lagu soo gabagabeyay dalka Jabuuti “SAWIRRO”

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Next Post
Dhageyso Warka Habeennimo Ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee Radio Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo qaabilay Safiirka Imaaraadka ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u qaabilsan...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta XFS oo qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

July 14, 2025
0

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac, ayaa maanta Xarunta Wasaaradda ku qaabilay Safiirka...

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

Soomaaliya oo shir guddoomisay Shirka 25aad ee Wasiirada Maaliyadda ee Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika

July 14, 2025
0

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta shir Guddoominaya kulanka ay yeelanayaan Wasiirada Maaliyadda Madasha dalalka...

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

Shir-Wadatashi Qaran oo lagu diyaarinayo Qorshaha Qaran ee Ka Hortagga iyo Xakameynta Cudurka Cagaarshowga oo ka furmay Muqdisho

July 14, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Ali Haji Aden, ayaa maanta si rasmi ah u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In