Wednesday, September 23, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Gabdhaha Kubadda Kolleyga ee degmada Shibis oo ku guulestay tartan isboorti “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Gabdhaha Kubadda Kolleyga ee degmada Shibis oo ku guulestay tartan isboorti “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bandhigga soo nooleynta Farshaxanka, Cayaaraha iyo Dhaqanka oo maalmahan ka socday magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gabo gabeeyay garoonka kubadda Kolleyga Wiish ee degmada C/casiis, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiirka dhallinyarada iyo Isboortiga Mudane Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux), Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble iyo dadweyne aad u fara badan.

Kulanka oo ahaa kii ugu dambeeyay oo lagu soo gabo gabeynayay bandhigga soo nooleynta dhaqanka iyo farshaxanka qeybtiisa cayaaraha ayaa waxaa ka qeyb galay afar degmo oo kala ah Shibis, Howlwadaag, Yaaqshiid iyo Hodan, waxaana kulanka kama dambeysta ah galabta isku arkay cayaartooy ka kala socotay degmooyinka Howlwadaag iyo Shibis, iyagoo soo bandhigay cayaar aad u wanaagsan oo ay la dhaceen dadkii uu soo daawasho tegay cayaarta.

Related posts

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026

Degmada Shibis ayaa ku guuleystay tartankii loo dhigay afarta degmo, kadib markii ay 43 dhibco ah ay uga adkaaday degmada Howlwadaag oo la timid 38 dhibcood.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolleyga Cabdulaahi Maxamed Nuur (Cadaani) oo goobta hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in tartankan uu yahay mid ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, xiriirkuna uu gacan ka geystay xagga farsamada iyo garoonak ayna ku faraxsanyihiin soo nooleynta dhaqanka iyo farshaxanka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble oo soo xiray Bandhigga soo nooleynta Farshaxanka iyo Dhaqanka, qeybtiisa Cayaaraha ayaa xusay in Wasaaraddu ay dhiiri gelineyso tallaabo kasta oo lagu horumarinayo dhaqanka, isagoo uga mahadceliyay cayaartooydii tartankaasi ka qeyb gashay ee ka kala socday degmooyinka Howlwadaag iyo Shibis.

Gabo gabadii Wasiirka iyo mas’uuliyiintii kale waxa ay koob iyo bilado guddoonsiiyeen gabdha kubadda Kolleyga ee degmada Shibis.

DSC00728 DSC00735 DSC00740 DSC00742 DSC00743 DSC00745 DSC00750 DSC00760 DSC00761 DSC00765 DSC00767 DSC00770 DSC00773 DSC00779 DSC00787 DSC00802 DSC00814 DSC00815 DSC00817 DSC00820 DSC00821 DSC00830  DSC00845 DSC00847 DSC00849 DSC00851 DSC00857 DSC00863 DSC00870 DSC00872 DSC00874 DSC00877 DSC00879 DSC00881

Sawir Qaade:- Cabdullaahi Muxudiin Codka

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey dilkii shalay loo gaystay Xildhbaan Yuusuf Dirir

Next Post

Kulan looga hadlayay sida loogu gurman karo qaxootiga Yemeniyiinta ah oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
 Soomaali Ka Carartay Colaada Yemen Oo Gaaray Boosaaso “Sawirro”

Kulan looga hadlayay sida loogu gurman karo qaxootiga Yemeniyiinta ah oo lagu qabtay Muqdisho

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

Madaxweynaha JFS oo ka qeybgalay Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay

September 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qayb galay furitaanka Meertada 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞  𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐀𝐫𝐝𝐚𝐲𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐞𝐞𝐝 𝐞𝐞 𝐦𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐪𝐚𝐥𝐢𝐧𝐣𝐚𝐛𝐢𝐬𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐪𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐞𝐞𝐧 𝐲𝐨𝐨𝐥 𝐦𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦 𝐚𝐡

September 21, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad ay ku qalinjabinayeen arday Soomaaliyeed oo...

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

Wasiirka Gaashaandhigga XFS oo qaabilay Wafdi ka socday TurkSom

September 21, 2026
0

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi saraakiil Turki ah oo uu hoggaaminayey...

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Danjire Jabriil oo qaabilay Wakiilka Hay’adda WHO ee Soomaaliya

September 21, 2026
0

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Kenya, Mudane Danjire Jabriil Ibrahim Cabdulle, ayaa maanta Xarunta Safaaradda Soomaaliya ee Nairobi, ku qaabilay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In