Tuesday, October 21, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Ciyaaraha

Gabdhaha Kubadda Kolleyga ee degmada Shibis oo ku guulestay tartan isboorti “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
10 years ago
in Ciyaaraha, Wararka
0
Gabdhaha Kubadda Kolleyga ee degmada Shibis oo ku guulestay tartan isboorti “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Bandhigga soo nooleynta Farshaxanka, Cayaaraha iyo Dhaqanka oo maalmahan ka socday magaalada Muqdisho ayaa lagu soo gabo gabeeyay garoonka kubadda Kolleyga Wiish ee degmada C/casiis, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiirka dhallinyarada iyo Isboortiga Mudane Maxamed Cabdullahi Xasan (Nuux), Wasiirka Haweenka iyo Xuquuqul insaanka Marwo Sahro Maxamed Cali Samatar, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble iyo dadweyne aad u fara badan.

Kulanka oo ahaa kii ugu dambeeyay oo lagu soo gabo gabeynayay bandhigga soo nooleynta dhaqanka iyo farshaxanka qeybtiisa cayaaraha ayaa waxaa ka qeyb galay afar degmo oo kala ah Shibis, Howlwadaag, Yaaqshiid iyo Hodan, waxaana kulanka kama dambeysta ah galabta isku arkay cayaartooy ka kala socotay degmooyinka Howlwadaag iyo Shibis, iyagoo soo bandhigay cayaar aad u wanaagsan oo ay la dhaceen dadkii uu soo daawasho tegay cayaarta.

Related posts

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

October 20, 2025
Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

October 20, 2025

Degmada Shibis ayaa ku guuleystay tartankii loo dhigay afarta degmo, kadib markii ay 43 dhibco ah ay uga adkaaday degmada Howlwadaag oo la timid 38 dhibcood.

Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Kolleyga Cabdulaahi Maxamed Nuur (Cadaani) oo goobta hadal ka jeediyay ayaa tilmaamay in tartankan uu yahay mid ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Warfaafinta, xiriirkuna uu gacan ka geystay xagga farsamada iyo garoonak ayna ku faraxsanyihiin soo nooleynta dhaqanka iyo farshaxanka.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Cabdullaahi Colaad Rooble oo soo xiray Bandhigga soo nooleynta Farshaxanka iyo Dhaqanka, qeybtiisa Cayaaraha ayaa xusay in Wasaaraddu ay dhiiri gelineyso tallaabo kasta oo lagu horumarinayo dhaqanka, isagoo uga mahadceliyay cayaartooydii tartankaasi ka qeyb gashay ee ka kala socday degmooyinka Howlwadaag iyo Shibis.

Gabo gabadii Wasiirka iyo mas’uuliyiintii kale waxa ay koob iyo bilado guddoonsiiyeen gabdha kubadda Kolleyga ee degmada Shibis.

DSC00728 DSC00735 DSC00740 DSC00742 DSC00743 DSC00745 DSC00750 DSC00760 DSC00761 DSC00765 DSC00767 DSC00770 DSC00773 DSC00779 DSC00787 DSC00802 DSC00814 DSC00815 DSC00817 DSC00820 DSC00821 DSC00830  DSC00845 DSC00847 DSC00849 DSC00851 DSC00857 DSC00863 DSC00870 DSC00872 DSC00874 DSC00877 DSC00879 DSC00881

Sawir Qaade:- Cabdullaahi Muxudiin Codka

Previous Post

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey dilkii shalay loo gaystay Xildhbaan Yuusuf Dirir

Next Post

Kulan looga hadlayay sida loogu gurman karo qaxootiga Yemeniyiinta ah oo lagu qabtay Muqdisho

Next Post
 Soomaali Ka Carartay Colaada Yemen Oo Gaaray Boosaaso “Sawirro”

Kulan looga hadlayay sida loogu gurman karo qaxootiga Yemeniyiinta ah oo lagu qabtay Muqdisho

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

Tiigsigii wuu taabbo-galayaa

October 20, 2025
0

Waddada Dimuquraaddiyadda. Waxaa lasii daayay tiradii ugu horaysay ee Caasimadda Muqdisho isku diiwaangalisay in ay codeeyaan inka badan 50 sano...

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

Xildhibaanada BFS oo ansixiyay Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika

October 20, 2025
0

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey Heshiiska Aaga ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, waxaana ogolaatay...

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

Ra’iisul Wasaaraha XFS oo la kulmay Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Geeska Afrika

October 20, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo safar shaqo ku jooga dalka Masar, ayaa la kulmay...

Maamulka Warbaahinta Qaranka oo abaal marino lacageed guddoonsiiyay guuleystayaasha tartan cilmiyeedka

Maamulka Warbaahinta Qaranka oo abaal marino lacageed guddoonsiiyay guuleystayaasha tartan cilmiyeedka

October 20, 2025
0

Munaasabad kooban oo lagu abaal marinayay tartamayaasha degmooyinkii kaalimaha hore ka galay tartan Cilmiyeedka bisha Ramadaan ee Warbaahinta Qaranka oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In