Friday, August 14, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ra’iisul Wasaare Cumar oo ka tacsiyeeyey dilkii shalay loo gaystay Xildhbaan Yuusuf Dirir

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
11 years ago
in Wararka
0
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Doha Qadar halkaa oo sidiiran loogu soo dhaweeyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

 

Muqdisho, 24. May, 2015—– Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Cumar Cabdirashid Cali Sharmarke ayaa ka tacsiyeeyey dilkii shalay loo gaystay xildhibaan Yusuf Dirir, kaas oo ka dhacay agagaarka Hotel Maka-Al-Mukarama.

Related posts

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026

“Marxuumku wuxuu ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka 10-kii sano ee ugu danbeeyey, wuxuu ahaa wadani jecel nabada iyo horumarka dalka, waxaana halkaan tacisi tiiraanyo leh uga dirayaa qoyskii, eheladii, asxaabtii, Xildhibaanada Baarlamaanka, iyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed dilkii loo gaystay Xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi, waxaana ilaahay uga baryeeyna inuu Janadiisa ka waraabiyo samir iyo imaana ka siiyo ehelkiisa” ayuu yiri RW Cumar.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale sheegay in qaabka uu u dhacay dilkaan ay si faahfaahsan u soo gudbin doonaan, “Hay’adaha Amniga waxay sameeyeen baaritaano horudhaca ah oo ay ku ogaanayaan qaabka u dhacay dilka Xildhibaanka, waxayna u soo gudbinayaan shacabka iyadoo faahfaahsan, Waxaana ku boorinayaa laamaha amniga iney xoojiyaan amaanka xildhibaanada, masuuliyiinta dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed” Ayuu yiri mar kale RW Cumar.

Dhanka kale shir ay xalay isugu yimaadeen hay’adaha amniga oo uu shir gudoominayey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka mudane Maxamed Cumar Carte ayaa looga hadlay dhacdadii uu ku geeriyooday Allaha ha u naxariistee xildhibaan Yuusuf Dirir Cabdi iyo darawalkiisa kuna dhaawacmeen askari boolis ah iyo lix ka tirsam ciidanka milateriga, wuxuuna Ra’iisul Wasaare ku xigeenku tacsi u dirayaa dhamaan qoyskii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday xildhibaanku.

—DHAMAAD—

Previous Post

Kenya oo markale bilaabaysa dib u soo celinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Xeryaha Dhadhaab ku jira

Next Post

Gabdhaha Kubadda Kolleyga ee degmada Shibis oo ku guulestay tartan isboorti “SAWIRRO”

Next Post
Gabdhaha Kubadda Kolleyga ee degmada Shibis oo ku guulestay tartan isboorti “SAWIRRO”

Gabdhaha Kubadda Kolleyga ee degmada Shibis oo ku guulestay tartan isboorti “SAWIRRO”

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

Wasiirka Amniga Gudaha oo soo xiray tababarka Dufcadda 5-aad ee Ciidanka Darawiishta

August 13, 2026
0

Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa si rasmi ah u soo xiray tababarka...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo gaaray Degmada Dhuusamareeb

August 13, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar iyo wafdi saraakiil ah oo uu hoggaaminayo ayaa lagu...

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Kenya

August 13, 2026
0

Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Jaamacadda Muqdisho, Dr. Ibraahim Maxamed Mursal, ayaa booqasho rasmi ah ku tegay xarunta Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Agaasimaha Horumarinta UK

August 13, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Horumarinta Boqortooyada Midowday (UK),...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In