Saturday, October 10, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Galmudug oo guddi u saartay wax ka qabashada abaaro ka jira deegaannadeeda+War-saxaafadeed

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Galmudug oo guddi u saartay wax ka qabashada abaaro ka jira deegaannadeeda+War-saxaafadeed
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Dowlada Goboleedka Galmudug ayaa waxa ay warsaxaafadeed ka soosaartay Abaaraha xoogan ee ka taagan deeganada Galmudug isla markaana magacaawday gudi loo xilsaaray gurmadaka abaaraha Galmudug.

Halka Hoose Ka Akhriso.

Related posts

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026

WAR-SAXAAADEED:–Iyadoo ay jirto abaaro xoogan oo ka jira gayiga soomaaliya gaar ahaan degaanada Galmudug, ayaa abaarahan waxa ay keeneen dhibaatooyin kala duwan oo isugu jira barakac, macluul, iyo baaba’ ku yimid xoolaha nool.

Abaarahan waxay gabi ahaanba saameeyeen deegaanada Gobolka Mudug iyo Galgaduud, sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah in loo gurmado dadka ay saameeyeen abaaruhu si loo gaarsiiyo gargaar bini aadanimo oo ay ugu muhiimsan tahay biyo iyo baad.

Dowladu waxa ay ku howlan tahay in ay gaarsiiso dadkaa dhibaateysan deeq macaawino ah oo dhawaan naga soo gaartay Dowlada aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

BAAQ Dowlad Goboleedka Galmudug waxay baaq u diraysaa Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya, Hay’adaha samafalka iyo dhamaan jaaliyadaha ka soo jeeda Galmudug in ay gacan ka geystaan gurmadna loo fidiyo dadkaas ay ku dhufteen abaaruhu si looga hortago in ay ka dhalato xaalad bini aadanimo oo intaa ka sii liidata.

Si loo qaado talaabada ugu haboon ee gacan looga geysan karo gurmadka abaaraha ka jira deegaanka Galmudug, Dowladu waxey magacaawday guddi ka kooban 11-xubnood oo iskugu jira Wasiiro, Xildhibaano iyo Ganacsatada deegaanka, waxeyna kala yihiin:

1. Wasiir Shire Xirsi Maxamuud (Gudoomiye)

2. Wasiir Cumar Maxamed Diirye, Guureeye(G/x)

3. Wasiir C/llaahi Axmed Calasow

4. Wasiir Maxamed Nuur Diini

5. Wasiir Cabdi daahir Xuseen Cali

6. Xildh. Farxiyo Xasan Cali

7. Xildh. Farxiyo C/llaahi Sh Doon

8. Xildh. C/wali Cali Maxamuud

9. Xildh. Maxamed Xasan Xuseen

10. Xildh. Xasan Axmed Maxamed

11. G. C/kariin Shiikh Axmed Koofuroow

Ugu dambeyn waxan u mahadcelineynaa Dowladda Turkiga, hay’adaha samafalka sida Hay’adda ICRC iyo cidwaliba oo qeyb ka qaadatay taakuleynta shacabka Galmudug.

Dhammaad

Previous Post

Madaxweynaha “Doorashooyinka dalka ka dhacay waa guul weyn oo ay Soomaaliya gaartay”

Next Post

Wafdi uu hogaaminayay wakiilka Q. M. oo booqday, Kismaayo+Sawirro

Next Post
Wafdi uu hogaaminayay wakiilka Q. M. oo booqday, Kismaayo+Sawirro

Wafdi uu hogaaminayay wakiilka Q. M. oo booqday, Kismaayo+Sawirro

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

Dowladda Soomaaliya oo cambaaraysay weerarka lagu qaaday xarunta korontada ee Masjidka Nabiga (NNKH) ee Magaalada Madiina

DFS oo cambaaraysay weerar lagu qaaday garoomo ku yaalla dalka Sacuudiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si xooggan u cambaareyneysaa weerarrada ay kooxda Xuutiyiintu ku qaadeen Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee...

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

𝐊𝐮𝐥𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐬𝐢𝐢𝐫𝐫𝐚𝐝𝐚 𝐗𝐮𝐤𝐮𝐮𝐦𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐚𝐧𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐨𝐨 𝐥𝐨𝐨𝐠𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐱𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐠𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐝𝐚𝐥𝐤𝐚

October 8, 2026
0

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, oo maanta yeeshay kulankooda toddobaadlaha ah, ayaa lagu soo bandhigay warbixinno kala duwan oo...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚: 𝐌𝐚𝐚𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐨𝐨𝐦𝐚𝐚𝐥𝐢𝐲𝐚 𝐰𝐚𝐱𝐚 𝐚𝐲 𝐝𝐢𝐲𝐚𝐚𝐫 𝐮 𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲 𝐢𝐧 𝐚𝐲 𝐟𝐮𝐫𝐭𝐨 𝐚𝐥𝐛𝐚𝐚𝐛𝐚𝐝𝐚 𝐦𝐚𝐚𝐥𝐠𝐚𝐬𝐡𝐢 𝐞𝐞 𝐝𝐮𝐧𝐢𝐝𝐮 𝐮 𝐛𝐚𝐚𝐡𝐚𝐧𝐭𝐚𝐡𝐚𝐲

October 6, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa galabta ka qeyb-galay xiritaanka Madasha Ganacsiga Soomaaliya iyo Midowga...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In