Tuesday, October 20, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Galmudug oo ka hadashay go’aan kii puntland ku joojisay Gawaarida Xamuulka “War-Saxaafadeed “

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
War Saxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirada Galmudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Galmudug oo uu shirgudoominayay Madaxweyne ku xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha, laguna gorfeeyay arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha, islamarkaana si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha cakiran ee kataagan magaalada Gaalkacyo, ayaa xukuumaddu waxa ay ka soo saartay:

1- Sidii aan horay u sheegnayba waxaan aaminsanahay in isku-socodka shacabka iyo madax-banaanida ganacsigu ay laf-dhabar u yihiin nolosha shacabka soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Galmudug iyo Puntland.

Related posts

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026

2- Mar labaad waxaan ka digaynaa in xanibaad iyo kala qoqob kasta oo lagu sameeyo isku- socodka shacabka walaalaha ah iyo madax-banaanida ganacsigooda uu horseedi karo burbur dhaqaale iyo amni darro baahda.

3- Waxaan tuhunsanahay in go’aamadaas ay yihiin kuwo dad yar oo ku jira xukuumadda Puntiland ay dano qarsoon oo gaar ah ka leeyihiin, ayagoo mar marsiiyo ka dhiganaya arrimo amni, isla markaana aysan ka tarjumaynin danta, rabitaanka iyo maslaxadda shacabka iyo ganacsatada Puntland.

4- Waxaan ka xunnahay qasaaraha ka dhashay go’aamada aan laga fiirsan ee ay gaartay Puntland kuwaas oo keenay in 48 saacadood la xanibo gawaari sidda xoolo nool, qudaar, raashin iyo badeecooyin kale, sababayna in xoolihii baqtiyaan, qudaartiina baaba’do, ayna ka dhasheen burbur dhaqaale oo xoogleh, kuwaas oo kasoo horjeeda qaanuunka ganacsiga, horumarka, soomaalinimada iyo garashada wanaagsan ee bani’aadamka.

5- Waxaan ku wargelinaynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bulshada caalamka ay si dhaw ula socdaan il gaar ahna ku hayaan ficilada ay Puntlaand samaynayso oo ah kuwo xadgudub ku ah heshiiskii ay Galmudug iyo Puntland gaareen 2dii bishii December 2015ki ayna goobjoog ka ahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bulshada caalamka.

6- Waxaan ka xunnahay dhibaatada ku dhacday ganacsatada iyo shacabka soomaaliyeed, waxaanna muujinaynaa walwalka aan ka qabno arrinkaas, wixii cawaaqib-xumo dhaqaale, amni iyo bulsho ah ee ka dhasha go’aamadaasna ay Puntland dusha-u-ridandoonto.

7- Waxaan u soo jeedinaynaa maamulka Puntland in ay ka waantoobaan falalka xambaarsan daandaansiga iyo colaad-abuurka ee ay ku kacayaan, ayagoo marmarsiiyo ka dhiganaya arrimo amni.

8- Waxaan soo dhawaynaynaa kuna dadaalaynaa wax kasta oo soomaalinimada, midnimada ummadda soomaaliyeed, walaaltinimada iyo derisnimada xoojinaya.
Dhmaad

Wixii Faahin dheeri ah fadlan kala xiriir:

Md. Maxamuud Aadan Cusmaan
Wasiirka Warfaafinta Hanuuninta Dhaqanka iyo Dalxiiska
Dowlad Goboleedka GalMudug ee Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Tel:+252616562950

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Magaalada Jowhar oo ku jirta qabanqaabadii ugu dambaysay ee shirka Labada Gobol

Next Post
Magaalada Jowhar oo ku jirta qabanqaabadii ugu dambaysay ee shirka Labada Gobol

Magaalada Jowhar oo ku jirta qabanqaabadii ugu dambaysay ee shirka Labada Gobol

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

Guddoonka Golaha Wakiillada Galmudug oo la doortay

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xildhibaan Xuseen Maxamed Nuur (Dhegaweyne) ayaa loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug, kaddib markii uu helay 79 cod. Sidoo...

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

Dhismayaal lagu horumarinayo bilicda oo laga xarig jaray Madaxtooyada Qaranka

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Agaasime Kuxigeenka Guud ee Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Kusimaha Agaasimaha Guud Mudane Zakariye Yuusuf Xuseen ayaa xarigga ka...

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

Xulka Soomaaliya ee ka yar 17-ka sano oo u soo gudbay final-ka tartanka CECAFA

October 18, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Xulka qaranka Soomaaliya ee da’doodu ka hooseyso 17-ka sano ayaa u soo baxay finalka CECAFA U17 - AFCON Qualifiers...

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In