Friday, October 16, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Galmudug oo ka hadashay go’aan kii puntland ku joojisay Gawaarida Xamuulka “War-Saxaafadeed “

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
War Saxaafadeed ka soo baxay golaha wasiirada Galmudug
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Shir deg-deg ah oo ay isugu yimaadeen Golaha Wasiirada Galmudug oo uu shirgudoominayay Madaxweyne ku xigeenka ahna kusimaha Madaxweynaha, laguna gorfeeyay arrimaha amniga, siyaasadda iyo dhaqaalaha, islamarkaana si gaar ah diiradda loogu saaray arrimaha cakiran ee kataagan magaalada Gaalkacyo, ayaa xukuumaddu waxa ay ka soo saartay:

1- Sidii aan horay u sheegnayba waxaan aaminsanahay in isku-socodka shacabka iyo madax-banaanida ganacsigu ay laf-dhabar u yihiin nolosha shacabka soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Galmudug iyo Puntland.

Related posts

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026

2- Mar labaad waxaan ka digaynaa in xanibaad iyo kala qoqob kasta oo lagu sameeyo isku- socodka shacabka walaalaha ah iyo madax-banaanida ganacsigooda uu horseedi karo burbur dhaqaale iyo amni darro baahda.

3- Waxaan tuhunsanahay in go’aamadaas ay yihiin kuwo dad yar oo ku jira xukuumadda Puntiland ay dano qarsoon oo gaar ah ka leeyihiin, ayagoo mar marsiiyo ka dhiganaya arrimo amni, isla markaana aysan ka tarjumaynin danta, rabitaanka iyo maslaxadda shacabka iyo ganacsatada Puntland.

4- Waxaan ka xunnahay qasaaraha ka dhashay go’aamada aan laga fiirsan ee ay gaartay Puntland kuwaas oo keenay in 48 saacadood la xanibo gawaari sidda xoolo nool, qudaar, raashin iyo badeecooyin kale, sababayna in xoolihii baqtiyaan, qudaartiina baaba’do, ayna ka dhasheen burbur dhaqaale oo xoogleh, kuwaas oo kasoo horjeeda qaanuunka ganacsiga, horumarka, soomaalinimada iyo garashada wanaagsan ee bani’aadamka.

5- Waxaan ku wargelinaynaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bulshada caalamka ay si dhaw ula socdaan il gaar ahna ku hayaan ficilada ay Puntlaand samaynayso oo ah kuwo xadgudub ku ah heshiiskii ay Galmudug iyo Puntland gaareen 2dii bishii December 2015ki ayna goobjoog ka ahaayeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo bulshada caalamka.

6- Waxaan ka xunnahay dhibaatada ku dhacday ganacsatada iyo shacabka soomaaliyeed, waxaanna muujinaynaa walwalka aan ka qabno arrinkaas, wixii cawaaqib-xumo dhaqaale, amni iyo bulsho ah ee ka dhasha go’aamadaasna ay Puntland dusha-u-ridandoonto.

7- Waxaan u soo jeedinaynaa maamulka Puntland in ay ka waantoobaan falalka xambaarsan daandaansiga iyo colaad-abuurka ee ay ku kacayaan, ayagoo marmarsiiyo ka dhiganaya arrimo amni.

8- Waxaan soo dhawaynaynaa kuna dadaalaynaa wax kasta oo soomaalinimada, midnimada ummadda soomaaliyeed, walaaltinimada iyo derisnimada xoojinaya.
Dhmaad

Wixii Faahin dheeri ah fadlan kala xiriir:

Md. Maxamuud Aadan Cusmaan
Wasiirka Warfaafinta Hanuuninta Dhaqanka iyo Dalxiiska
Dowlad Goboleedka GalMudug ee Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Tel:+252616562950

Previous Post

Dhageyso Warka Duhur ee Radio Muqdisho

Next Post

Magaalada Jowhar oo ku jirta qabanqaabadii ugu dambaysay ee shirka Labada Gobol

Next Post
Magaalada Jowhar oo ku jirta qabanqaabadii ugu dambaysay ee shirka Labada Gobol

Magaalada Jowhar oo ku jirta qabanqaabadii ugu dambaysay ee shirka Labada Gobol

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

𝐑/𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐨𝐨 𝐝𝐡𝐚𝐠𝐚𝐱-𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚𝐲 𝐗𝐚𝐫𝐮𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐚𝐲𝐧𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐓𝐢𝐤𝐧𝐨𝐨𝐥𝐨𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐉𝐚𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐈𝐌𝐀𝐃

October 15, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha xarunta cusub ee Sayniska iyo Tiknoolojiyadda...

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

October 15, 2026
0

Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa shaaciyay jadwalka doorashada xildhibaanada Labada Aqal ee BJFS iyo tan madaxweynaha...

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

Wasiirka Warfaafinta XFS oo ka qeybgalay kulanka Qaran ee ka hortagga iyo la dagaallanka Fikirka Xagjirka

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeyb galaya Shirweynaha Qaran...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In