Sunday, September 27, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Galmudug oo sheegtay in ay dhisayso Garoomada Maamulkaasi

caqiil by caqiil
9 years ago
in Wararka
0
Galmudug oo sheegtay in ay dhisayso Garoomada Maamulkaasi
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Wasaarada Gadiidka  Cirka iyo Dhulka Galmudug ayaa sheegtay in la dar
dar galin doono howlaha shaqo ee garoomada diyaaradaha ee ku yaala
deeganada Galmudug kadib kormeer wafdi uu horkacayo wasiirka
wasaaradaasi ay ku tageen Qaar ka mida Garoomada Diyaaradaha ee Ku
yaala magaalooyinka Galkacyo Iyo Hobyo.

Kormeerkaan oo ujeedkiisu ahaa mid ku saabsanaa uu kuurgalida sida ay
usocdaan howlaha shaqo iyo tayada dhismaha   Garoomada Diyaaradaha ee Ku yaala deegaanada Galmudug qaarkood ayaa waxaa wasiirka wasaarada Gaadiidka Cirka iyo Dhulka Dowlada Galmudug C/laahi Cali Maxamed (C/llaahi Airpor) oo ay wehliyaanxildhibaano iyo masuuliyiin kale oo ka mida kuwa wasaaradaasi waxa ay ku tageen Garoonka diyaaradaha OSHACO ee Magaalada Galkacyo iyo Garoonka Diyaaradaha Dagmada Hobyo ee Gobalka Mudug.

Related posts

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa intii ay kormeerka ku guda jireen waxaa ay warbixino la xariira howlaha shaqo ka dhageeysteen howlwadeenada iyo masuuliyiinta garoomadaasi isagoo sidoo kalana indha indheeyn iyo qiimeeyn ku  ku sameeyay Tayada Garoomadaasi.

Wasiirka ayaa sidoo kale intii ay kormeerkooda ku guda jireen waxa uu wax ka weydiiyay qaar ka mida duuliyayaasha wada diyaaradaha isticmaala garoomadaasi in ay jiraan dhibaatooyin ay kala kulmaanmarka ay kacayaan ama ay dagayaan diyaaradahoodu wadada ay diyaaraduhu ku dagaan kuwaasi oo sheegay in ay jiraan caqabado yar yar oo ubaahan in wax laga qabto maadaama lagu guda jiro xilli roobaad.

Kormeerkaan oo qaatay muddo dhowr maalmood ah ayaa markii usooidlaaday waxaa warbaahinta Qaranka la hadlay Wasiirka wasaaradaGaadiidka Cirka iyo Dhulka  dowlada Galmudug C/laahi Maxamed Cali (C/llaahi Airpor) waxaana uu faah faahin dheer ka bixiyay ujeedka kormeerkooda iyo qorshayaasha wasaarada ee ku aadan sare u qaadista howlaha shaqo iyo tayeeynta Garoomada diyaaradaha ku yaala guud ahaan Deegaanada Galmudug waxaana uu sheegay in ay socdaan qorshayaal lagu hagaajinayo laguna tayeeynayo howlaha shaqo ee garoomada  sidoo kalanaay dayactir ku sameeyn doonaan ka wasaarad ahaan Dhamaan Garoomada Diyaaradaha ee ku yaala Galmudug.

Previous Post

Nin Soomaaliyeed oo ka mid noqday golaha garsoorka Maxkamadda Hague

Next Post

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Gobolka Baay

Next Post
Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab  oo lagu dilay Gobolka Baay

Maleeshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo lagu dilay Gobolka Baay

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

Hay’adda SoDMA oo diyaarisay motooro loogu talagalay in biyaha lagu dhuuqo

September 27, 2026
0

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), oo kaashanaysa Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Jubbaland, ayaa diyaarisay 10 matoor oo...

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐢𝐲𝐨 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐐𝐚𝐱𝐨𝐨𝐭𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐨𝐨 𝐤𝐚 𝐰𝐚𝐝𝐚 𝐡𝐚𝐝𝐥𝐚𝐲 𝐬𝐚𝐚𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐄𝐥 𝐍𝐢ñ𝐨

September 27, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay Guddoomiyaha Hay’adda...

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

JSP oo Dugsiga Sare ee Mudug ka wada ololaha doorashada

September 27, 2026
0

Xubno ka tirsan Ururka Caddaaladda iyo Wadajirka ee JSP ayaa ololaha doorashada ka sameeyay xarunta Dugsiga Sare ee Mudug, iyagoo...

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

Xukunka Askari dilay Muwaadin Soomaaliyeed

September 27, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Dable Xoogga Cabdi Aadan Ibraahim oo lagu naaneyso “Soddon” , ayaa lagu eedeeyey Dilka Marxuum Yuusuf Axmed Cabdi oo...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In