Thursday, October 22, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo shahaado sharaf la gudoonsiiyay

caqiil by caqiil
11 years ago
in Wararka
0
Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo shahaado sharaf la gudoonsiiyay
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Munaasabadaan lagu soo dhaweynayay, isla markaana shahaado sharaf lagu gudddoonsiinayay ganacsade Cabdi Cali Faarax oo ahaa ganacsadihii Markabka ugu deeqay in kumanaan Qaxooti Soomaali iyo Yameniin ah oo ku xanibnaa dalka Yeman laga soo qaado, ayna soo qaban qaabiyeen Guddiga samata bixinta qaxootiga Soomaaliyeed ayaa waxaa ka qeyb galay Ugaasyo, culimaa’udiin, ganacsato, ururada bulshada rayidka, haween iyo marti sharaf kale, kaasi oo lagu qabtay Muqdisho.

Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay qeybaha kala duwan ee bulshada kuwaasi oo mahadcelin balaaran u jeediyay ganacsade Cabdi Cali Faarax sida uu ugu gurmaday muwaadiniinta Soomaaliyeed ee Yemen ku xanibnaa, waxaana ay intaa ku dareen in bulshada Soomaaliyeed aysan iloobi doonin abaalka uu u galay.

Related posts

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026

Ganacsade Cabdi Cali Faarax oo hadal kooban jeediyay ayaa uga mahadceliyay Guddiga samata bixinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen sida ay ugu garteen inay shahaado sharaf guddoonsiiyaan, waxaana uu intaa ku daray in markasta ay ka go’antahay caawinta bulshada Soomaaliyeed.

Ku-simaha Gudoomiyaha Guddiga samata bixinta Qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa tilmaamay in Ganacsade Cabdi Cali Faarax uu yahay muwaadin ku dayasho mudan, waxaana uu baaq u diray ganacsatada kale ee Soomaaliyeed inay wax u qabtaan walaalahooda dhibaateysan.

Ugu dambeyntii waxaa shahaado sharaf la guddoonsiiyay ganacsade Cabdi Cali Faarax, iyadoo guddigu uu mahadcelin u jeediyay suxufiyiinta ka qeyb qaadatay samata bixinta qaxootiga Yemen laga soo daabulay raacay markabka.

 

Previous Post

Islaamka iyo Dowladnimada

Next Post

Midowga Afrika oo Ergey cusub u magacaabay Soomaaliya

Next Post
Xubno ka tirsan golaha xuquuqul insaanka ee Midowga Africa oo Muqdisho soo gaaray ”Sawirro”

Midowga Afrika oo Ergey cusub u magacaabay Soomaaliya

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

Ra’iisal wasaare Xamse oo u hambalyeeyey hoggaanka cusub ee Galmudug

October 22, 2026
0

Ra'iisal wasaaraha xukuumadda FS ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka Dowlad-goboleedka Galmudug Mudane Liibaan Axmed Xasan iyo Abdiwali...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE GALMUDUG

October 22, 2026
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa hambalyo u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan...

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

Wakiilada Baarlamaanka Galmudug oo doortay hoggaanka cusub ee maamulkaasi

October 22, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Galmudug Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ku dhawaaqay natiijadii doorashada Galmudug oo uu ku guuleystay Mudane...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo la kulmay guddi isu xil-saaray nabadaynta Koofur Galbeed

October 21, 2026
0

Guddoomiyaha Shacabka Shacabka ee Baarlamaanka Dalka ayaa guddiga ka dhageystay talooyin wax-ku-ool ah iyo aragtiyo muhiim ah oo ku saabsan...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In