Monday, September 7, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ganacsatada Galmudug Oo Loo Qabtay Kulan Wadatashi ah

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
4 years ago
in Wararka
0
Galmudug oo shaacisay Jadwalka dhismaha golaha Deegaanka degmada Dhuusomareeb
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Waxaa ka furmay kullan wada tashi ah oo la la yeeshay ganacsatada ku dhaqan magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Dowlad Goboleedka Galmudug, kaasi oo ay soo qaban qaabisay Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa waxaa looga arrin sanayey doorka ay Ganacsatada Dowlad Goboleedka Galmudug ka qaadan karaan xal-u-helidda bulshada ku barakacday gudaha Galmudug.

Dedaalada uu wado Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorshaynta iyo kaalinta ay qaadan karaan ganacsatada deegaannada Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa diiradda lagu saaray kullanka, maadaama ay jiraan dad badan oo muddooyinkii dambe uga barakacay deegaanadoodii arrimo la xiriira colaadaha, dagaallada iyo is badalka ku yimid cimilada ayna ugu horayso abaarta baahsan ee ka jirta meelo badan oo ka mid ah dalka.

Related posts

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026

Kalmadda furitaanka shirka waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha guud ee Wasaaradda ganacsiga iyo Warshadaha  Galmudug Mudane Sakariye Shariif, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Galmudug Mudane Cabdifatax Cali, guddoomiyaha ganacsatada Degmada Guriceel Mudane Cabdixakiim Cabdullahi,  u qaabilsanaha Xalka Waara ee Wasaaradda Qorshaynta, Maagashiga iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Dowlad Goboleedka Galmudug Liibaan Mahad, Xubin ka socotay Hay’adda Barakacaayasha iyo Qaxootiga Galmudug Kamaludin Cabdullaahi, hawl wadeeno ka socday Wasaaradda Ganacsiga Galmudug, hawl wadeeno ka socda Maamulka Degmada Dhusamareb, xubno ka tirsan Ganacsatada Magaalada Dhusamareb iyo sidoo kale, khubaro iyo hawl wadeeno ka socday Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta Qaranka.

Ganacsatada iyo mas’uuliyiinta ka soo qayb galay shirkaan wada tashiga ah ayaa boggaadiyay dedaallada socda iyo  Istiraatijiyadda ka mira-dhalinta qorshe howleedka Xalka Waara si loo gaaro ujeedooyinka guud ee istiraatijayadda Qaran ee Xalka Waara,, bulshada uu saameyey barakacuna ay u helaan nolol la mid ah midda dadka ay martida u yihiin ee ay ku soo barakaceen.

Xabiibo Cali Yuusuf oo ka tirsan Wasaaradda qorsheynta Qaranka ayaa ugu dambeyn sheegtay in shirkan uu dabasocday dedaalada Xafiiska Xalka Waara ugu jiro fulinta Istraatijiyadda Qaran ee Xalka Waara (2020-2024), kaas oo lagu falan qeeyey habka ugu wanaagsan ee ganacsatada deegaanada Maamuul Goboleedka Galmudug ay uga qayb qaadan karaan Xal-u-helidda  dadka ku soo barakacay deegaanada Galmudug iyo kuwa ku barakacay gudaha dalka sidoo.

Previous Post

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Ganacsiga Oo Si Rasmi Ah Xilka Ula Wareegay

Next Post

Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha oo war kasoo saartay doorashada Xiriirka Kubadda cagta.

Next Post
Wasaaradda ganacsiga XFS oo Ganacsatada uga digtay in ay la macaamilaan argagixisada

Wasaaradda dhalinyarada iyo cayaaraha oo war kasoo saartay doorashada Xiriirka Kubadda cagta.

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta oo ka furmay Muqdisho

September 7, 2026
0

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum) ayaa maanta ka furmay magaalada Muqdisho, waxaana ka qeyb...

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

Guddoomiyaha SoDMA oo kormeeray Webiga Shabeelle iyo Goobaha fatahaaduhu halis geli karaan

September 7, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA) Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa kormeer ku sameeyay Webiga Shabeelle iyo goobaha nugul...

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

Taliyaha Ciidanka Lugta oo kormeer ku tegay buundada magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo 

September 7, 2026
0

Taliyaha Ciidanka Lugta Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Sahal Cabdullaahi Cumar oo howlo shaqo u jooga magaalada Baardheere ee Gobolka...

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

Ciidanka Kumaandooska Danab oo howlgal qorshaysan ka fuliyay Duleedka Deegaanka Harboole ee dagmada Afmadow

September 7, 2026
0

Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah ayaa howlgal qorshaysan ka fuliyay duleedka deegaanka Harboole ee degmada Afmadow ee...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In