Waxaa Soomaaliya laga hirgelinayaa qorshe cusub oo lagu taageerayo ganacsatada yar-yar ee Soomaaliyeed, kaas oo diiradda saaraya sidii loo fududeyn lahaa helitaanka maalgelin, gaar ahaan mid waafaqsan mabaadi’da Maaliyadda Islaamiga ah.
Hada waxaa jira ganacsiyo gaaraya ilaa 5,200 kuwaas oo la siiyay amaah-yaryar ah. Hadafku waa in tiradaas la gaarsiiyo 10,000 marka la gaaro 2028, isla markaana 100,000 oo macmiil oo markii ugu horreysay adeeg maaliyadeed helaya la gaaro sannadka 2030.
Taasi waa himilada ka dambaysa maalgashigii ugu horreeyay ee IFC – Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah ay ka sameyso Soomaaliya, xirmo maalgelin oo waafaqsan shareecada Islaamka, qiimaheeduna yahay US$2.8 milyan, taas oo la siinayo KIMS Microfinance. Xirmadan waxaa saldhig u ah amaah US$1 milyan ah oo ka timid koontada Bangiga iyo hay’adda IFC.
Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa muddo dheer caqabado kala kulmayay helitaanka maalgelin rasmi ah iyadoo taageeradan ayaa ka caawin karto inay ballaariyaan ganacsiyadooda, abuuraan shaqooyin cusub, isla markaana kordhiyaan wax-soo-saarka iyo dakhliga qoysaska iyo bulshada.
Soomaaliya, wax ka yar 2% ganacsiyada ayaa hela maalgelin rasmi ah. Inta badan milkiilayaasha ganacsiyada yaryar ma helaan amaah—ma aha in ganacsiyadoodu aysan shaqayn karin, balse waa sababta oo ah adeegyada maaliyadeed ee rasmiga ahi weligood ma aysan gaarin.
Tallaabadani waxay sidoo kale xoojin doontaa helitaanka adeegyo maaliyadeed oo waafaqsan Shareecada Islaamka, iyadoo ganacsatada loo abuurayo fursado ay ku kobcin karaan mashaariicdooda, una gudbin karaan heerar ka sarreeya kuwa hadda ay joogaan.
Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa horey u muujiyay karti iyo hal-abuur ganacsi, balse helitaanka maalgelin ku filan ayaa weli ka mid ah caqabadaha hortaagan kobaca ganacsigooda. Taageeradan cusub ayaa noqon doonto tallaabo muhiim ah oo lagu xoojinayo awoodda ganacsatada iyo horumarinta ganacsiga gudaha.
Yaraynta farqiga ka jira helitaanka adeegyada maaliyadeed ee Soomaaliya waxay u baahan tahay dadaal joogto ah iyo iskaashatooyin ku habboon. Maalgashigan, Kooxda Bangiga Adduunka waxay gacan ka geysanaysaa in himiladaas laga dhabeeyo Soomaaliya.
“ Safaaradda Soomaaliya ayaa in muda ah ka shaqeynaysay in Ganacsatada Soomaaliyeed helaan taageero maalgalin iyo fursad suug-gayn ay uga qeyb-galaan, kuna horumariyaan Ganacsigooda, ugana qayb-galaan ganacsiga caalamiga. Waxa aan uga mahad-celinaynaa Bangiga Aduunka iyo Hay’adda IFC taageeradda joogtada ay siiyaan dadka Soomaaliya”. Ayuu yiri Danjire Jabril Ibrahim Cabdulle
Tallaabadan ayaa la filayaa inay gacan ka geysato kobaca ganacsiga, shaqo-abuurka iyo horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya, iyadoo la xoojinayo awoodda ganacsatada iyo fursadaha dhaqaale ee bulshada.
Hay’adda IFC ayaa horay ugu furtay ganacsatada Soomaaliyeed barnaamijiyo sare loogu qaadayo aqoontooda taas oo loogu magacdaray “ Akadeemiyadda Maalgashiga Soomaaliyeed (SOMINA), waxaana si wadajir ah u diyaariyey IFC iyo Dugsiga Ganacsiga ee Jaamacadda Strathmore ee fadhigeedu yaay magaaladda Nairobi.











