Maamulka gobolka Shabeellaha Dhex iyo Ganacsato ka socotay dalka Hindiya ayaa maanta kormeeray Beerihii Qasabka iyo Warshaddii Sokorta oo ku yaalla gobolkaas.
U jeedka Ganasatada Dalka Hindiya ayaa ahaa in ay maalgashi ku samaystaan Beerahaas iyo Warshadda si maalgalintaas ay uga faa’iidaystaan Umadda Soomaaliyeed.
Ganasatada ayaa sheegay in maalqabeennada dalkooda ay ugudbin doonaan Baxadda Beerahaan oo ah kuwo soo saara qasabka iyo Warshaddii sokorta soo saari jirtay.
Bishii Aaynu soo Dhaafnay ayaa gobolka Shabeellaha dhexe waxaa booqday wasiiru dowlaha wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha oo ay la socdeen maalqabeenno doonayay in ay Maalgashi ku samaystaan Beeraha ku yaalla Gobolkaas.