Wednesday, March 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Ganacsato Soomaaliyeed oo markale dalka Boqortooyada Sacuudiga u dhoofiyay Moos “SAWIRRO”

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Wararka
0
Ganacsato Soomaaliyeed oo markale dalka Boqortooyada Sacuudiga u dhoofiyay Moos “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Ganacsato Soomaaliyeed oo kaashanaya Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa markii Afaraad Moos u dhoofiyay dalka Boqortooyada Sacuudiga, taas oo muujineysa in uu dib u soo laabtay xiriirkii ganacsi oo ay Soomaaliya la laheyd dalalka caalamka.

Mooskaan maanta la dhoofiyay ayaa ahaa konteenar waxaana ka qeyb-qaatay  mashruuc Geel waana markii labaad oo ay u dhoofiyaan dalka boqortooyada Sacuudiga.

Related posts

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026

Ibraahim Dhaqane Cali oo ka socday mashruuca Geel iyo Cabdiwali Cabdullaahi Muumin oo ka socday shirkadda Muumin group ayaa sheegay in suuq uu leeyahay Mooska dalkeena maadaama dhadhan ahaan iyo caafimaad ahaanba uu wanaagsanyahay, hase ahaatee waxa ay dowladda ka codsadeen inay fududeyso sidii suuqyada caalamka loogu iibgeyn lahaa isla markaana uu qeyb ka yahay kobcinta dhaqaalaha dalka.

Nuur Yuusuf Nuur Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhiiraday inay ka shaqeeyaan horumarinta iyo dhoofinta Mooska, waxaana sidoo kale uu sheegay inay tani ififaalo u tahay soo celinta kaalinta mooskeena uu ku lahaa suuqayada Caalamka.

Agaasime Nuur Yuusuf Nuur waxaa kale uu intaa ku daray in dhawaan dib loo howl-galin doono wakaaladdii mooska Soomaaliyeed, isla markaana la dhameeyo sharciyadi dib loogu soo celin lahaa, taasina ay fududeyneyso in guud ahaan dib loo soo celiyo kaalintii mooskeena uu ku lahaa suuqayada Caalamka.

Waa markii afaraad oo ay ganacsatada Soomaaliyeed dalka dibaddiisa u dhoofiyaan mooska ka baxa dalkeena tan iyo bur burkii, waxaana ay kala yihiin dalka boqortooyada Sacuudiga oo laba jeer loo dhofiiyay iyo sidoo kale dalalka Turkiga iyo Qatar oo dhammaantoo saxiib dhaw la ah Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Previous Post

Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya oo Muqdisho ku qabtay munaasabad lagu xusayey Maalinta badqabka cuntada adduunka “SAWIRRO”

Next Post

Madaxweynaha Hirshabeelle oo lacago ku wareejiyay Guddiga Ganacsatada Fatahaada Beledweyne “SAWIRRO”

Next Post
Madaxweynaha Hirshabeelle oo lacago ku wareejiyay Guddiga Ganacsatada Fatahaada Beledweyne “SAWIRRO”

Madaxweynaha Hirshabeelle oo lacago ku wareejiyay Guddiga Ganacsatada Fatahaada Beledweyne “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

Tartamayaasha Hodan oo tartanka ka ciribtirtay Diinsoor, una gudubtay wareegga Saddexaad “SAWIRRO”

March 10, 2026
0

Tartan cilmiyeedka bisha Ramadaan oo galay sanadkii Lix iyo tobnaad oo ay qabaneyso Warbaahinta Qaranka, isla markaana si toos ah...

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

Shaqaalaha Khadka caawinaada ee Ilaalinta Carruurta 116 oo tababar loo qabtay

March 10, 2026
0

Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cismaan Naastaro ayaa maanta furay tababar muhiim...

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

Matabaan oo ka bilaabatay diiwaangelinta kaarka codbixinta

March 10, 2026
0

Degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan waxaa si habsami leh uga socota diiwaangelinta codbixiyeyaasha degmada. Muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚  𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐡𝐚𝐝𝐚𝐥 𝐤𝐚 𝐣𝐞𝐞𝐝𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐰𝐚𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐔𝐊 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐬𝐡𝐚𝐚𝐜𝐢𝐲𝐚𝐲 𝐌𝐮𝐡𝐢𝐢𝐦𝐚𝐝𝐚 𝐒𝐢𝐲𝐚𝐚𝐬𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐂𝐮𝐬𝐮𝐛 𝐞𝐞 𝐌𝐚𝐚𝐫𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐌𝐚𝐬𝐢𝐢𝐛𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧𝐤a

March 10, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle, oo uu wehliyay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda XFS ayaa sheegay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In