Ururka dhaq dhaqaaqa iskaashatooyinka Soomaaliyeed ayaa qalab dhismo oo shamiindo ah ku wareejiyay taliyaha Saldhigga booliska Degmada Kaaraan ee gobolka Banaadir, halkaasi oo ay ka socoto howlo dib u dayactir oo lagu sameynayo saldhigga.
Guddoomiyaha dhaq dhaqaaqa iskaashatooyinka gobolka banaadir Daahir Maxamuud Dirir oo ka hadlay goobta ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlaha looga qeyb qaadanayo dib u dayactirka lagu sameynayo xarumaha danta guud ee qeybta ka ah dalkaaga dhiso.
Guddoomiyaha ururka dhaq dhaqaaqa iskaashatooyinka Soomaaliyeed Maxamed Abuukar Afrax ayaa tilmaamay in dhankooda ay diyaar u yihiin in ay gacan ka geystaan dib u dhiska dalka.
Taliyaha saldhigga booliska Degma Kaaraan Dhame Cabdifataax Xasan ayaa ka mahad celiyay deeqda ay soo gaarsiiyee ururka dhaq dhaqaaqa iskaashatooyinka Soomaaliyeed , isagoo xusya in ay ku soo beegantahay xilli haboon, ayna ku dhisayaan saldhigga.
Guddoomiyaha Degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir Cabdifataax Nuur Cali ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dib u dhiska dalkooda, isla markaana ay qalab dhismo soo gaarsiiyaan meelaha danta guud ee dib u dhiska lagu samaynayo.