Monday, August 3, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Garnaqsi: Xorriyadda Saxaafadda Iyo Xaqiiqda Hortaalla

Mohamed M Hassan by Mohamed M Hassan
6 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Garnaqsi: Xorriyadda Saxaafadda Iyo Xaqiiqda Hortaalla
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Marka hore iga gudooma salaan iyo tixgalin,marka xigtana Qoramadaan kooban ayaan u arkay in ay malaha fiicnaanlahayd in aan soo bandhigo kaddib qiimayn aan ku salaysnayn aragti siyaasadeed balse salka ku haysa Xog-ogaalnimo iyo dhab ka hadal aan isleeyahay ameey tahay xilligii ku haboonaa.

Aragtidaan, waxeey isoo baxday kadib markii aan dib ugu noqday xusuustayda 17 sano oo aan ka mid ahay bahda saxaafadda iyo 11 sano oo aan ka tirsanaa mas’uuliyiinta Wasaaradda ay hoos-tagaan Saxafiyiintu, isla markaana isku dayay bal in aan fahmo halka ay sartu ka qurunsantahay aniga oo aan u eexanaynin labada dhinac ee arintu dhextaalo oo kala ah,

Related posts

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐰𝐚 𝐥𝐚 𝐜𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐰𝐚 𝐥𝐚 𝐜𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝

August 2, 2026
Laba-Xidigle Maxamed Cabdullaahi oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

Laba-Xidigle Maxamed Cabdullaahi oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

August 2, 2026

1- Saxaafadda Madaxa banaan oo aan kusoo qaatay Lix Sano, Sideed jeer la ii xiray, mar la ii dhaawacay, labo marna la ii musaafuriyay, isla markaana aan u hayo laxow balaaran una arko halka uu u dhamaanayo mustaqbalkaygu Isha Allah iyo

2-  Dawladda oo u shaqaynayay 11 Sano oo aan xilliyo adag oo badan u soo maray, halis ugu bareeray, kuna waayay walaalo aan jeclahay sidaas awgeedna u arko mid aanay la’aanteed jiri karin sharaf iyo karaamo uu sheegto Qof naga mid ah.

Codsi, akhriste fadlan adigoon wada akhrin go’aan ha qaadan.

Ugu horayn, waxaan aaminsanahay in aanay Soomaaliya ka jirin Siyaasad Dawladeed oo aaminsan mabda’ahaan in la caburiyo Saxaafadda waana sababaynayaa, balse waxaa jira xaalado isdiidan una baahan isla qirasho iyo isla qaadasho iyana waa fasiri doonaa.

Soomaaliya kama jirto Siyaasad Caburisa Saxaafadda,

Aan sababeeyo in aanay Dalkeenna ka jirin Siyaasad caburineed inta aan ogahay oo ku siman muddada aan u shaqaynayay Dawladda ee kor ku cayiman.

Waxaan u daliishanayaa, mudadaas 11-ka sano ah oo aan ka mid ah mas’uuliyiinta talada ku lahaa arrimaha Saxaafadda ee Wasaaradda,  Midkoodna kama maqal, nama farin, talana nooguma soo jeedin in la caburiyo Saxafi ama Warbaahin 15 Wasiir oo Wasaaradda soomaray, Sideed Ra’iisulwasaare iyo Saddex Madaxwayne oo aan lasoo shaqeeyay anigoo u hadlaya si ka fog wax qarin waa haddii aad i rumaysanayso, marka taasi waxeey si niyad ah iigu qancisay in aanay jirin Siyaasad Dawldeed oo caburin ah, balse waxaa jira xaalado isdiidan oo ubaahan in aan garwaaqsano si aan mushkulada u fahamno xalinteeda ka hor.

Waa maxay xaaladahaasi?

Marka aad joogto Soomaaliyada Qarniga 21-aad, waxaa jira labo arrimood oo sal u ah shaqada Dawladkasta oo nasoo martay mudadii 20-kii sano ahayd dib u dhiska Dawladnimada Soomaaliya, sidoo kale waxaa jira mas’uuliyad Xirfadeed oo saaran Saxafiyiinta Madaxa Banaan ee isla muddada kor ku qoran, iyana soo hana qaaday, kuwaas oo midba mid ku yahay halis haddii aan lahelin bisayl ku dhisan aqoon iyo kala garqaadasho oo inaga oo isla ogol aan ku maarayno.

Maxay u dirantahay Dawladdu?

Dawladkasta waxaa laga sugayay walina laga sugayaa in ay xaliso labo arrimood oo kala ah,

1- In ay soo celiso Amniga Dal ay ka burbureen wax kasta oo loo kaashado nabadgalyada, dadkiisuna leeyihiin boogo halis ah haddii la danqiyo.

2- In ay isku hayso Dawladnimada kabkabka ah ee ka kooban qabaa’il aan is ogolayn oo kala shakisan una baahan in aanay kala xarig furan, taas oo ah wax ku dhicikara si aad u sahlan, waana in ay gudataa xilkaas iyadoo isha ku haysa halis kasta oo ku imaankarta.

Muxuu u diranyahay Saxafigu?

Dhanka kale, Saxafikasta, wuxuu u diranyahay in uu soo bandhigo xogta ugu xasaasisan ugana xiisaha badan isaga oo aan eegaynin saamaynta ay ku yeelan karto shaqada aan kor ku xusay.

Sida caqligu na tusayo, isma jeclaan karaan, Askariga udiran Amnigaas jilicsan ee doonayo in uu daboolo halka uu ka nugulyahay, isagoo waliba ay haystaan duruufo aad uqalafsan oo ciriiri galinaya iyo Saxafiga ugaarsanaya halka ay biya daynayso Shaqada Askarigaas, isagoo wajahaya caqabado la mid ah kuwa haysta Askariga.

Si la mid ah, caqligu wuxuu na tusayaa in aanay is jeclaan karin Masuulka loo dhiibay Dawlad ka kooban Qabaa’il kala boodsan, loogana fadhiyo in aanay kala tagin inta loo dhiibay, isla markaana wax ku daro intii loo dhiibay iyo Saxafiga raadsanaya halka ay ka daloosho shaqada Masuulkaas, isagoo aan eegaynin xitaa haddii baahintiisu keenayso in ay kala furmaan xargaha Dawladeed ee aan dhuuqsanayn.

Maxay tahay ciladdu?

Fahamkayga gaaban kuna qotoma sharaxaadda kore, halka ay sartu ka qurunsantahay waa jiritaanka Xaaladaha aan soo xusay ee aan midba mid gacansiinaynin oo ay dheertahay in ay meesha ka maqantahay Shuruuc kala xadaysa dhinacyada iyo garnaqsi dhab ah oo noo horseeda in aan isla garano boogta kadibna dawadii si wada jir ah uraadino

Xalku waa maxay?

Shaqsiyan, waxaan arkaa dhawr talaabo oo lagama maarmaan ah,

1– Horta cudur aan lagaran lama daweeyee waa muhiim in aan isla garano halka aan ka jiranahay.

2- Waa in aan helnaa wax qoran ( Sharci ) kala xadeeya dhinacyada, kaas oo ku salaysan duruufaha iyo danaha guud.

3- Waa in aan ku qanacnaa in xalku ku jiro dhexdiina, fariimaheenuna noqdaan kuwa innaga nagu socda isla markaana xaldoon ah.

4- Waa in aan ka dheeraanaa dano kasta oo ku salaysan macaash ka raadin mushkulad taagan, isla markaana garnaqsigu dhexmaro saamilayda saxda ee arinku taabanayo.

FG: Qormadaani waa aragtidayda shaqsiga ah.

Wixii aan saxay Alle xagii ayay ka ahaadeen wixii aan qaldayna naf iyo shaydaan.

MAHADSANIDIIN.

Qormadan waxaa qoray: Cabdiraxmaan Sheekh Yuusuf Al-Cadaala Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska.

Previous Post

Daawo Bilicda Beeraha Degmada Buula Burte Ee Gobolka Hiiraan

Next Post

Dhageyso Warka Subax ee radio Muqdisho 03-09-2020

Next Post
Dhageyso Barnaamijka Faaqidaada ee Radio Muqdisho

Dhageyso Warka Subax ee radio Muqdisho 03-09-2020

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐰𝐚 𝐥𝐚 𝐜𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐰𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐜𝐚𝐚𝐰𝐚 𝐥𝐚 𝐜𝐚𝐰𝐞𝐞𝐲𝐚𝐲 𝐬𝐡𝐚𝐜𝐚𝐛𝐤𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐚𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝

August 2, 2026
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jumhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre oo safar shaqo u joogo magaalada Laasacaanood ee xarunta Waqooyi...

Laba-Xidigle Maxamed Cabdullaahi oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

Laba-Xidigle Maxamed Cabdullaahi oo loo magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS

August 2, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Mudane Axmed Macallin Fiqi, ayaa Laba-xidigle Maxamed Cabdullaahi Cabdiraxmaan u magacaabay Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS, Magacaabistan...

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐃𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧-𝐢𝐬-𝐰𝐞𝐲𝐝𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐅𝐮𝐝𝐮𝐝𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 (𝐍𝐓𝐅𝐂)

𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐊𝐮-𝐱𝐢𝐠𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐗𝐅𝐒 𝐨𝐨 𝐃𝐚𝐚𝐡𝐟𝐮𝐫𝐚𝐲 𝐀𝐪𝐨𝐨𝐧-𝐢𝐬-𝐰𝐞𝐲𝐝𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐠𝐚 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐅𝐮𝐝𝐮𝐝𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐚𝐧𝐚𝐜𝐬𝐢𝐠𝐚 (𝐍𝐓𝐅𝐂)

August 2, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray Aqoon-is-weydaarsiga Istaraatiijiyadda iyo...

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO FURAY KALFADHIGA 8-AAD EE BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo la magacaabay

August 2, 2026
0

Guddoomiyaha KMG ah ahna Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar ayaa...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In