Saturday, October 17, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Garoowe oo laga Dhisayo Waddo Laami ah “Sawirro”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
12 years ago
in Wararka
0
Garoowe oo laga Dhisayo Waddo Laami ah “Sawirro”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Madaxweynaha maamulka  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 3-1-2015 magaalada Garoowe ee caasimada maamulka Puntland xariga kaga jaray wado cusub oo laami ah, wadadaasi oo loogu magac daray Allaha Unaxariiste Wasiiru Dawlihii hore ee Dastuurka iyo Arrimaha Federaalka Puntland  Prof. Cabdi Xasan Jimcaale.

Wadadani waxa ay kamid tahay 7-wado oo magaalooyinka waaweyn ee Puntland sida Garoowe, Boosaaso, Qardho iyo weliba Gaalkacyo laga hir geliyay, kuwaasi oo la qorsheeyey sanadkii tegay in ladhiso, kana mid ahaa waxqabadka maamulka Puntland  ee sanadkii tegay iyo weliba fulinta balan qaadyadii Madaxweyne mamul;ka Puntland Dr Gaas.

Related posts

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026

Wadadaan  maanta la daah furay ayaa waxaa maalgalisay hay’adda TIS-DAI oo la kaashanaysay hay’adda kaalmada maraykanka ( USAID), wadadan oo dhererkeedu yahay 1.100 mtr  ayaa dhismaheeda waxaa ku guulaysatay shirkada Puntland Conistraction Company oo ah shirkad wadani ah.

Madaxweynaha maamulka  Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in wadadaani ay muhiim u tahay isu socdka dadka iyo ganacsiga, isagoona shacabka reer Puntland ku booriyey in ay ka shaqeeyaan ilaalinteeda si aysan dhibaato iyo burbur u soo gaarin.

‘’ Waa muhim in dalka meel walba laga hirgeliyo wadooyin noocaan oo kale ah maadaama ay  wadooyinku muhiim noo yihiin meel kasta hala joogo magaalo iyo miyiba, waxaana iska saaraynaa xil gaar ah ‘’Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

‘’ Waa bilic u soo korortay caasimada Puntland ee Garoowe,  waana lagama maarmaan in la ilaaliyo wadadaan lagana ilaaliyo wax kasta oo waxyeelo ugaysanaya, maadama ay tahay wanaag soo korortay ‘’Ayuu hadalka raaciyey Madaxweyne Gaas.

Ugu dambeyntii  Madaxweynaha maamulka Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa  dhagax dhigay wadadaan oo kamid noqonaysay wadooyinka laamiga ah ee ku yaala magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

IMG_6031IMG_6034IMG_6022IMG_6026IMG_5993IMG_6001IMG_6003IMG_6011IMG_5976IMG_6011

Previous Post

 Arday gaaraysa 4,000 kun oo maanta u fariisatay imtixaan

Next Post

Minister of Health Confirms No Cases of Ebola in Somalia

Next Post
Minister of Health Confirms No Cases of Ebola in Somalia

Minister of Health Confirms No Cases of Ebola in Somalia

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

Gurmad loo fidiyay dadkii ay daadadku ku saameeyeen Xarardheere

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Maamulka Degmada Xarardheere, oo uu ugu horreeyo Guddoomiyaha Degmada, Caseyr Ibrahim Mataan, iyo Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), ayaa...

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

Aqoon isweydaarsi ku saabsan warbaahinta oo xubno ka socda Wasaaradda Warfaafinta uga furmay dalka Shiinaha

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Tababar socon doona muddo 21 maalmood ah ayaa magaalada Jinhua ee gobolka Zhejiang, Jamhuuriyadda Shacabka Shiinaha, uga furmay 27...

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

Madaxweynd Xasan Sheekh oo kormeeray markabka shidaal-qodista Soomaaliya

October 17, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kormeer shaqo ku tagay markabka Çağrı Bey, oo ku sugan...

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO BOOQDAY BANDHIGGA SOM SOUK EXPO

October 15, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa caawa booqday bandhigga ganacsiga ee Som...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In