Tuesday, December 2, 2025
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Garsoorayaasha Soomaaliya iyo Masar oo Tababar Muqdisho loogu soo xiray “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
10 years ago
in Wararka
0
Garsoorayaasha Soomaaliya iyo Masar oo Tababar Muqdisho loogu soo xiray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarka garsoorka Soonka 5-aad (Zone V Referees Clinic) oo Magaalada Muqdisho 6 Octoobar uga furmay garsoorayaasha Soomaaliya iyo Masar ayaa la soo Gabagabeeyay , waxaa xafladdii xiritaanka oo ka dhacday Gos kasoo qayb galay ma’suuliyiin ka socotay Gos, qaar kamid ah Madaxda Xiriirada dalka, Masuuliyiinta Xiriirka kubadda kolayga iyo Ciyaartooy hore.

Kusi-maha Xoghayaha X.S.K.K. Cabdi Cabdulle Baasaale ayaa  sheegay in mudada shanta maalin uu aqoon kororsiga socday garsoorka la baray sharciyada Cusub iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa isla markaana loo qabtay ciyaaro lagu tijaabiyo lagu na qaaday imtixaanno isugu jira, aqoonta sharciyada, Luqadda iyo orodka kuwaa oo dhammaan guulo ku dhamaaday.

Related posts

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025

Guddoomiyaha XSKK Cabdullaahi Nuur Maxamed Cadaani oo isna xaflada ka hadlay ayaa sheegay in Ujeedkan aqoon kororsiga xiriirka juhdiga ugu bixiyay ay tahay sidi ay Soomaaliya u yeelan lahayd garsoorayaal heer Caalami ah , garsoorayaasha Imtixaanka Zone V Clinic- ku guulaystayna ay u raadin doonaan mid heer Caalami ah.

Guddoomiye Cadaani ayaa intaa ku daray in aqoon korosiga uu xigi doono dhanka macalimiinta , waxuuna mahad celin usoo jeediyay Gos oo door muhiim ah ka qaadatay qabsoomidda aqoon kororsiga.

Axmed Al Falaki oo ahaa macalli ka socda Fiba ayaa yiri ” Aqoon kororsiga waxuu ahaa mid guulaystay, waxaana doonayaa in aan u mahad celiyo intii ka shaqaysay in aan halkan imaado tababarkana aan bixiyo,” waxaan joogay maalmo kooban , basle cajiib ah oo dadka Soomaaliyeed ay si wanaagsan ii soo dhaweeyeen.

AL falaki ayaa garsoorayaasha u sheegay in u taagan yihiin wadadii ay heer caalami ku noqon lahaayeen, laakiin looga baahan yahay dadaal dheeri ah si ay u gaaraan hiigsigooda, waxuuna hadiyad ka socotay xiriirka kubadda Kolayga Masar guddoonsiiyay Guddoomiye Cadaani, isagoo dhankiisa hadiyad ka guddoomay xiriirka kubadda kolayga Soomaaliya.

Sara Gamaal oo ka mid ah garsoorayaasha reer Masar oo aqoon kororsiga ka qayb qaatay  ayaa mahad celin usoo jeedisay garsoorayaasha Soomaaliyeed ay tabarka wadaqaateen waxayna halkaas ku guddoonsiisay buuga cusub oo sharciyadda kubadda kolayga ku qornaa.

Sidoo kale iyada iyo garsoorayaasha Reer Masar ayaa hadiyado  la wadaagay masuuliyiinta iyo qaar ka mid ah garsoorayaasha Soomaaliyeed.

Ugu Dambeyn waxaa xafladda soo xiray Guddoomiyaha Gos Cabdullaahi Axmed Tarabi waxuu tilmaamay in la kordhiyo aqoonta garsoorka ay muhiim tahay, balse garsoorayaasha laga doonayo in ay la yimaadaan wada shaqayn wanaagsan oo dhexdooda ah iyo in ay  xiriir wanaagsan ay la yeeshaan macallimiinta si ay is aaminaad u timaado taasoo lafdhabar u ah  howsha garsoorka.

Guddoomiye Tarabi ayaa dhanka kale u mahad celiyay Macallimiintii iyo garsoorayaashii ka qayb qaatay tababarkan ee u dhashay dalka Masar , waxuuna xiriirka kula dardaarmay in uu halkiisa ka sii wado horumarinta kubadda kolayga.

Waa Markii ugu horreysay oo tabarkan lagu qabto dalka Soomaaliya kaddib 1990-kii, waana guul usoo hoyatay Isboortiga Soomaaliya, gaar ahaan kubadda  Kolayga oo horumar ku tallaabsatay.

IMG_2641 IMG_2668 IMG_2742 IMG_2749 IMG_2751 IMG_2899 IMG_2961 IMG_3438 IMG_3583 IMG_3606 IMG_3616 IMG_3645 IMG_3668 IMG_3686 IMG_3695 IMG_3699 IMG_3727 IMG_3730 IMG_3737 IMG_3762 IMG_3815 IMG_3821 IMG_3829 IMG_3845 IMG_3857 IMG_3866 IMG_3892 IMG_3899 IMG_3910 IMG_3914 IMG_3925 IMG_3932 IMG_3937 IMG_3953

 

Previous Post

Dhagayso Warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Qasaarihii ka dhashay Weerarkii shalay ee Ankara oo sii kordhaya

Next Post
Qasaarihii ka dhashay Weerarkii shalay ee Ankara oo sii kordhaya

Qasaarihii ka dhashay Weerarkii shalay ee Ankara oo sii kordhaya

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

Safiir Jabriil oo Ka Qaybgalay Xuska Maalinta Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin

December 2, 2025
0

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa lagu qabtay xuska Maalinta Caalamiga ah ee Isgarab-Istaaga Shacabka Falastiin, waxaana munaasabadda lagu martigeliyey...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Wafdi ka socday Dowladda UK

December 2, 2025
0

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday dowladda UK oo...

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

Wasiirka Qoyska oo Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi ka socda Boqortooyada Ingiriiska

December 2, 2025
0

Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhsuumi ayaa maanta magaalada Muqdisho kusoo dhaweysay Wafdi sare...

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

G/ Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare oo kormeer ugu tagay Guddiga dib-u-eegista Dastuurka

December 2, 2025
0

Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cali Shacbaan Ibraahim, ayaa maanta kormeeer kooban ugu tagay...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In