Monday, August 31, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Wararka

Garsoorayaasha Soomaaliya iyo Masar oo Tababar Muqdisho loogu soo xiray “SAWIRRO”

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
11 years ago
in Wararka
0
Garsoorayaasha Soomaaliya iyo Masar oo Tababar Muqdisho loogu soo xiray “SAWIRRO”
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Tababarka garsoorka Soonka 5-aad (Zone V Referees Clinic) oo Magaalada Muqdisho 6 Octoobar uga furmay garsoorayaasha Soomaaliya iyo Masar ayaa la soo Gabagabeeyay , waxaa xafladdii xiritaanka oo ka dhacday Gos kasoo qayb galay ma’suuliyiin ka socotay Gos, qaar kamid ah Madaxda Xiriirada dalka, Masuuliyiinta Xiriirka kubadda kolayga iyo Ciyaartooy hore.

Kusi-maha Xoghayaha X.S.K.K. Cabdi Cabdulle Baasaale ayaa  sheegay in mudada shanta maalin uu aqoon kororsiga socday garsoorka la baray sharciyada Cusub iyo sidii loo dhaqan gelin lahaa isla markaana loo qabtay ciyaaro lagu tijaabiyo lagu na qaaday imtixaanno isugu jira, aqoonta sharciyada, Luqadda iyo orodka kuwaa oo dhammaan guulo ku dhamaaday.

Related posts

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania

August 31, 2026
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026

Guddoomiyaha XSKK Cabdullaahi Nuur Maxamed Cadaani oo isna xaflada ka hadlay ayaa sheegay in Ujeedkan aqoon kororsiga xiriirka juhdiga ugu bixiyay ay tahay sidi ay Soomaaliya u yeelan lahayd garsoorayaal heer Caalami ah , garsoorayaasha Imtixaanka Zone V Clinic- ku guulaystayna ay u raadin doonaan mid heer Caalami ah.

Guddoomiye Cadaani ayaa intaa ku daray in aqoon korosiga uu xigi doono dhanka macalimiinta , waxuuna mahad celin usoo jeediyay Gos oo door muhiim ah ka qaadatay qabsoomidda aqoon kororsiga.

Axmed Al Falaki oo ahaa macalli ka socda Fiba ayaa yiri ” Aqoon kororsiga waxuu ahaa mid guulaystay, waxaana doonayaa in aan u mahad celiyo intii ka shaqaysay in aan halkan imaado tababarkana aan bixiyo,” waxaan joogay maalmo kooban , basle cajiib ah oo dadka Soomaaliyeed ay si wanaagsan ii soo dhaweeyeen.

AL falaki ayaa garsoorayaasha u sheegay in u taagan yihiin wadadii ay heer caalami ku noqon lahaayeen, laakiin looga baahan yahay dadaal dheeri ah si ay u gaaraan hiigsigooda, waxuuna hadiyad ka socotay xiriirka kubadda Kolayga Masar guddoonsiiyay Guddoomiye Cadaani, isagoo dhankiisa hadiyad ka guddoomay xiriirka kubadda kolayga Soomaaliya.

Sara Gamaal oo ka mid ah garsoorayaasha reer Masar oo aqoon kororsiga ka qayb qaatay  ayaa mahad celin usoo jeedisay garsoorayaasha Soomaaliyeed ay tabarka wadaqaateen waxayna halkaas ku guddoonsiisay buuga cusub oo sharciyadda kubadda kolayga ku qornaa.

Sidoo kale iyada iyo garsoorayaasha Reer Masar ayaa hadiyado  la wadaagay masuuliyiinta iyo qaar ka mid ah garsoorayaasha Soomaaliyeed.

Ugu Dambeyn waxaa xafladda soo xiray Guddoomiyaha Gos Cabdullaahi Axmed Tarabi waxuu tilmaamay in la kordhiyo aqoonta garsoorka ay muhiim tahay, balse garsoorayaasha laga doonayo in ay la yimaadaan wada shaqayn wanaagsan oo dhexdooda ah iyo in ay  xiriir wanaagsan ay la yeeshaan macallimiinta si ay is aaminaad u timaado taasoo lafdhabar u ah  howsha garsoorka.

Guddoomiye Tarabi ayaa dhanka kale u mahad celiyay Macallimiintii iyo garsoorayaashii ka qayb qaatay tababarkan ee u dhashay dalka Masar , waxuuna xiriirka kula dardaarmay in uu halkiisa ka sii wado horumarinta kubadda kolayga.

Waa Markii ugu horreysay oo tabarkan lagu qabto dalka Soomaaliya kaddib 1990-kii, waana guul usoo hoyatay Isboortiga Soomaaliya, gaar ahaan kubadda  Kolayga oo horumar ku tallaabsatay.

IMG_2641 IMG_2668 IMG_2742 IMG_2749 IMG_2751 IMG_2899 IMG_2961 IMG_3438 IMG_3583 IMG_3606 IMG_3616 IMG_3645 IMG_3668 IMG_3686 IMG_3695 IMG_3699 IMG_3727 IMG_3730 IMG_3737 IMG_3762 IMG_3815 IMG_3821 IMG_3829 IMG_3845 IMG_3857 IMG_3866 IMG_3892 IMG_3899 IMG_3910 IMG_3914 IMG_3925 IMG_3932 IMG_3937 IMG_3953

 

Previous Post

Dhagayso Warka subax ee Radio Muqdisho

Next Post

Qasaarihii ka dhashay Weerarkii shalay ee Ankara oo sii kordhaya

Next Post
Qasaarihii ka dhashay Weerarkii shalay ee Ankara oo sii kordhaya

Qasaarihii ka dhashay Weerarkii shalay ee Ankara oo sii kordhaya

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha oo booqday Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania

August 31, 2026
0

Wasiiru Dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xirsi Jaamac Gaani oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Tanzania,...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Luanda uga qeybgalay Kalfadhiga 21-aad ee Golaha Midowga Afrika

August 30, 2026
0

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa magaalada Luanda ee dalka Angola kaga qaybgalaya Kalfadhiga...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka XFS oo kulan la qaatay Madaxa Xafiiska UNSOS

August 30, 2026
0

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Omar Afrah ayaa kulan la yeeshay Ku-simaha Kaaliyaha Xoghayaha Guud ee...

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

𝐆𝐮𝐝𝐝𝐨𝐨𝐦𝐢𝐲𝐚𝐡𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐃𝐌𝐀 𝐨𝐨 𝐥𝐚 𝐤𝐮𝐥𝐦𝐚𝐲 𝐖𝐚𝐟𝐝𝐢 𝐤𝐚 𝐬𝐨𝐜𝐝𝐚 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐈𝐬𝐤𝐚𝐚𝐬𝐡𝐢𝐠𝐚 𝐇𝐨𝐫𝐮𝐦𝐚𝐫𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐒𝐰𝐢𝐭𝐳𝐞𝐫𝐥𝐚𝐧𝐝

August 30, 2026
0

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle, ayaa maanta kulan wax-ku-ool ah la yeeshay wafdi ka socday...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In