Wednesday, October 28, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Guurkii iyo Geeridii kulmay.!!!!

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Guurkii iyo Geeridii kulmay.!!!!
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Axmed Maxamed Cumar “Leeddo” ayaa dhimashadiisii Tobadaad ka hor waxaa uu bartiisa Facebook soo dhigay Sawir uu ku soo dulquray “waa Sawirkii ugu danbeeyey oo aniga oo doob ah idiin soo gudbiyo jimco wanaagsan saxiibadeyda”.

Related posts

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026

Axmed waxaa uu isku diyaarinayey aqal galka arooskiisa kaas oo uu soo qorsheynayey bilihii ugu danbeeyey, laakiin wuxuu ku dhintay Qaraxii Maleeshiyaadka Al Shabaab ku laayeen dad aan waxba galabsan oo Muqdisho ka dhacay 22-kii Bisha Decenbar.

Allaha u naxariistee Axmed wuxuu qeybta Warfaafinta u qaabilsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu Sanadkii u danbeeyey ka shaqeynayey.

Axmed wuxuu ku dhashay deegaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan degmada Gaanshaamo Sanadkii 1990-kii, waxa uuna Waxbarashadisii Dugsiga Qur’aanka, Dugsiga Hoose iyo Dhexe ku soo qaatay isla degmadaasi.

Sanadkii 2005-tii ayuu tagay magaaladda Hargeysa halkaas oo uu ku dhameystay Waxbarsahadda Dugsiga Sare iyo Jaamacadda.

“Sanadkii 2017-kii Febraayo ayuu Axmed Maxmed yimid magaalada Muqdisho wuxuuna shaqo ka helay ciidanka Booliska oo uu kala shaqaynayay qaybta xiriirka warbaahinta.” sidaasi waxaa yiri Muqtaar Ibraahim Aadan oo kamid ah Ehelkiisa..

Allah u naxariistee Axmed wuxuu ahaa nin aad u dabeecad wanaagsan oo leh bulsho aad badan balse Qaraxii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay 22-kii bishaan December ka gaysteen Muqdisho ayuu ku waayay naftiisii qaaliga ahayd.

Nolosha qoyskiisa ayuu ku lahaa kaalin weyn waxaana uu ahaa kaliya qofka kaliya ee u dhaq dhaqaaqa qoyskiisa, maaddaama walaalkiisa asaga ka waynaa oo horay gacanta ugu haayay nolosha qoyska uu ku geeriyooday magaalada Burco ee gobalka Togdheer.

W/D:-Cali Axmed Sheekh

Previous Post

Guddoomiye Mursal oo goordhow furay kulanka maanta ee Golaha Shacabka

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda: Specific Procurement Notice

Next Post
Wasaaradda Maaliyadda: Specific Procurement Notice

Wasaaradda Maaliyadda: Specific Procurement Notice

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

Wasiirka Warfaafinta XFS oo la kulmay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hay’adda UNESCO

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa la kulmay Ms. Åsa Regnér oo...

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

WASIIRKA WARFAAFINTA SOOMAALIYA OO BAKU KA JEEDIYAY KHUDBAD KU SAABSAN ILAALINTA DHAQANKA IYO TIKNOOLOJIYADDA

October 27, 2026
0

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyay Madasha 7-aad ee...

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

𝐊𝐮-𝐒𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐚𝐡𝐚 𝐨𝐨 𝐟𝐮𝐫𝐞𝐲 𝐓𝐨𝐝𝐝𝐨𝐛𝐚𝐚𝐝𝐤𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐥𝐮𝐮𝐦𝐞𝐲𝐬𝐢𝐠𝐚

October 26, 2026
0

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac, ayaa maanta si rasmi ah u...

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

Xukunka Askari Turufo & Dhac Hubeysan geeystay.

October 26, 2026
0

Dable Xoogga Abuukar Maxamuud Yuusuf ayaa Lagu Eedeyay inuu geeystay Dhac hubeysan iyo Turufo, Kadib markii uu ku dayey saaxiibkiis...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In