Sunday, October 11, 2026
  • Nagu Saabsan
  • Nala Soo Xiriir
Radio Muqdisho
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir
  • Login
No Result
View All Result
Radio Muqdisho
Home Maqaallo

Guurkii iyo Geeridii kulmay.!!!!

Abdirahman Gacaltooyo by Abdirahman Gacaltooyo
8 years ago
in Maqaallo, Wararka
0
Guurkii iyo Geeridii kulmay.!!!!
0
SHARES
Share on FacebookShare on TwitterShare on WhatsAppShare on TelegramShare on LinkedIn

Axmed Maxamed Cumar “Leeddo” ayaa dhimashadiisii Tobadaad ka hor waxaa uu bartiisa Facebook soo dhigay Sawir uu ku soo dulquray “waa Sawirkii ugu danbeeyey oo aniga oo doob ah idiin soo gudbiyo jimco wanaagsan saxiibadeyda”.

Related posts

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026

Axmed waxaa uu isku diyaarinayey aqal galka arooskiisa kaas oo uu soo qorsheynayey bilihii ugu danbeeyey, laakiin wuxuu ku dhintay Qaraxii Maleeshiyaadka Al Shabaab ku laayeen dad aan waxba galabsan oo Muqdisho ka dhacay 22-kii Bisha Decenbar.

Allaha u naxariistee Axmed wuxuu qeybta Warfaafinta u qaabilsanaa Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu Sanadkii u danbeeyey ka shaqeynayey.

Axmed wuxuu ku dhashay deegaanka Soomaalida Itoobiya gaar ahaan degmada Gaanshaamo Sanadkii 1990-kii, waxa uuna Waxbarashadisii Dugsiga Qur’aanka, Dugsiga Hoose iyo Dhexe ku soo qaatay isla degmadaasi.

Sanadkii 2005-tii ayuu tagay magaaladda Hargeysa halkaas oo uu ku dhameystay Waxbarsahadda Dugsiga Sare iyo Jaamacadda.

“Sanadkii 2017-kii Febraayo ayuu Axmed Maxmed yimid magaalada Muqdisho wuxuuna shaqo ka helay ciidanka Booliska oo uu kala shaqaynayay qaybta xiriirka warbaahinta.” sidaasi waxaa yiri Muqtaar Ibraahim Aadan oo kamid ah Ehelkiisa..

Allah u naxariistee Axmed wuxuu ahaa nin aad u dabeecad wanaagsan oo leh bulsho aad badan balse Qaraxii maleeshiyaadka Al-Shabaab ay 22-kii bishaan December ka gaysteen Muqdisho ayuu ku waayay naftiisii qaaliga ahayd.

Nolosha qoyskiisa ayuu ku lahaa kaalin weyn waxaana uu ahaa kaliya qofka kaliya ee u dhaq dhaqaaqa qoyskiisa, maaddaama walaalkiisa asaga ka waynaa oo horay gacanta ugu haayay nolosha qoyska uu ku geeriyooday magaalada Burco ee gobalka Togdheer.

W/D:-Cali Axmed Sheekh

Previous Post

Guddoomiye Mursal oo goordhow furay kulanka maanta ee Golaha Shacabka

Next Post

Wasaaradda Maaliyadda: Specific Procurement Notice

Next Post
Wasaaradda Maaliyadda: Specific Procurement Notice

Wasaaradda Maaliyadda: Specific Procurement Notice

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS oo kulan la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka ee Golaha

October 11, 2026
0

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulan muhiim la qaatay Guddiga Xuquuqul Insaanka,...

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

Ciidanka Xoogga Dalka oo hawlgallo ka wada qaybo ka mid ah gobolka Hiiraan

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa howlgallo ballaaran oo ka dhan ahKhawaarijta,ka wada deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan....

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

Wasiirka Warfaafinta oo la kulmay Lataliyaha Barnaamijka La-dagaallanka Argagixisada ee Bariga Africa

October 11, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mr. Robert...

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

Wasiirka Caddaaladda XFS oo la kulmay dhiggiisa dalka Turkiga

October 10, 2026
0

RADIO MUQDISHO:-Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xukuumadda JFS Mudane Xasan Macallin Maxamuud oo Magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga u...

LIVE STREAM

KUBIIR ASXAABTEENNA

DHAGAYSO WARKA

Warka Subaxnimo

Warka Duhurnimo

Warka Fiidnimo

Facebook Twitter Telegram Instagram Youtube

TAARIIKHDA RAADIYAHA

Radio Muqdisho waxaa la aas aasay 1951 sagaal sano ka hor xorriyadda dalka, laga soo bilaabo 1960 ilaa maanta waa Raadiyaha kaliya ee Dalku leeyahay, wuxuuna leeyahay keyd weyn oo ay ku jirto taariikhda wadanka.

LASOO DEG APP-KEENA

Categories

  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

No Result
View All Result
  • Bogga Hore
  • Wararka
  • English News
  • Barnaamijyada
  • Shaqooyinka
  • Nala Soo Xiriir

© 2022 Radio Muqdisho

Welcome Back!

Login to your account below

Forgotten Password?

Retrieve your password

Please enter your username or email address to reset your password.

Log In